General Duke Posted June 11, 2009 AlShabaab "Qudha Ayaynu Ka Jareynaa Cidii La Shaqaynaysa Xildhibaan Hiiraale" Waaliga Xarakatul Mujaahidiin Alshabaab ee G/ Gedo Sheekh Ismaaciil Aadan Xaaji ayaa sheegay in ay la socdaan abaabul ciidan ee jira degmada Dooloow ee gobolkan ,kaasoo ay wadaan saraakiishii hore ee maamulada Gedo Iyo Jubbooyinka. Gudoomiyaha ayaa ka digay khatarta ka fool leh dagaal ka dhaca gobolka gedo oo ay ka jiraan abaaro iyo biyo la’aan,taasi darteedna loo baahanyahay in loo joojiyo gulufka colaadeed. Masuulkan ayaa carabka ku dhajiyay in ay ogyihiin dhaqdhaqaaq ciidan ee ka socda Doolow iyo diyaargaroow ciidan oo halkaasi ka jira. Sheekh Ismaaciil Aadan Xaaji ayaa digniin adag u diray dad uu ku sheegay in ay la shaqeeyaanu saraakiisha ku sugan magaalada doolow islamar ahaantaasina waxa uu si cad u tilmaamay in ay qoorta ka jarayaan cid kastaa oo lagu arkaa iyada oo la shaqeynayso xoogaga ku sugan magaalada Doolow. “ Waynu Biraynaynaa, qoorta ayaynu ka jireenaa cidii walaahi lagu arkaa iyaga oo la shaqaysaysa murtadiinta iyo munaafaqiinta”. Hadalka Sheekh Ismaaciil Aadan Xaaji Waaliga Xarakatul Mujaahidiin Alshabaab ee G/ Gedo ayaa imaanaya xilli dhawaan Col Warfaa Sh Aadan uu shaaciyay in ay duulaan ku yihiin shan gobol oo ay kamid yihiin Gedo,Jubbada Dhexe,Jubbada Hoose. Maxamed Gaarane Aadan SBC International- Baledxaawo- Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted June 11, 2009 now is executing everyone you suspect of having a connection with your enemy shari'ah law? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted June 12, 2009 Allaw sahal amuuraha. Maamulka Islaamiga ee gobolada Jubooyinka oo ugu baaqay shacabka iney ka ka hor tagaan duulaan caalami ah oo oo ku soo wajahan Maamulka Islaamiga ah ee gobollada Jubbooyinka ayaa waxa uu sheegay inay bilaabeen olole balaaran oo shacabka gobolladaasi ku dhaqan loogu baraarujinayo inay u diyaar garoobaan ka hor tagidda halisyo iyo duulaan caalami ah oo lagu doonayo in lagu dhibaateeyo dadkooda iyo diintooda gaar ahaan duulaanka ay wadaan hoggaamiye kooxeedyadii hore ee dalka laga saaray oo kaashanaya ciidamada Itoobiya. Madaxa warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee gobollada Jubbooyinka Sheekh Xasan Yacquub oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay inay ku jiraan wacyi gelin iyo baraarujin ay ku samaynayaan shacabka gobollada Gedo iyo Jubbooyinka uuna ku sugan yahay gobolka Gedo halkaasi oo uu wada hadalo kula leeyahay qaybaha kala duwan ee bulshada odayaasha dhaqanka ee gobolkaasi si aragti mideysan looga qaato duulaanka ka dhanka diinta Islaama iyo qorshaha ay ciidamada Itoobiya ku doonayaan inay dib ugu soo laabtaan dalka Soomaaliya. “Dagaal iyo duulaan caalami ah ayaa nagu wajahan haddaan nahay Mujaahidiinta u diriraya in Kalimadda Ilaahay la kor yeelo, duulaankaasi wuxuu la qorshaynayaa inuu ka yimaado dhinaca badda iyo berriga, kuwaasoo ay soo qaadayaan qolooyinka sheegta inay la dagaalamayaan burcad badeeda iyo cadowga xabashida oo hadda garabsanaya hoggaamiye kooxeedyadii dalka laga saaray” ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub oo intaasi ku daray inay shacabka ugu baaqayaan inay u istaagan jihaad ay la galaan kooxaha duulaanka ku soo ah oo ay ka difaacaan diintooda, qaranimadooda iyo karaamadooda. dayniilecom@hotmail. com Quote Share this post Link to post Share on other sites