Sign in to follow this  
wacdaraha_aduunka

Wariye Axmed Saleebaan Dhuxul Oo Sabab Aan La Cadayn Ugu Xidhan Saldhiga Dhexe ee Har

Recommended Posts

Hargaysa (Somaliland.org)- Wariye Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa caawa habeenkii labaad u hoyday saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa oo uu ku xidhan yahay, kadib markii ciidanka Boolisku ka qabteen shalay isaga oo ku guda jira hawshiisa Saxafinimo xarunta Baarlamaanka, halkaas oo ay golaha guurtida ka socotay dood la xidhiidhay muddada xilka Madaxwayne Riyaale iyo ku xigeenkiisa.

 

Wariye Axmed Saleebaan Dhuxul oo ah tifaftiraha guud ee Idaacada Madaxa Banaan ee Horyaal, isla markaana xubin ka ah guddida fulinta ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, lama oga sababta dhabta ah ee xadhigiisa iyo cidda bixisay amarka lagu qabtay, waxaase loo malaynayaa in uu ku xidhiidhsan yahay fekerkiisa shakhsi ee uu aaminsan yahay.

 

Sida ay dad goob-joog ahaa sheegeen Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa ciidamada Boolisku markii ay qabanayeen ayaa waxa ay ku sameeyeen jidh-dil.

Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyay xadhiga Wariye Axmed Saleebaan Dhuxul, iyaga oo sheegay in ay u arkaan in sifo sharci darro ah loo maray xadhiga wariye Dhuxul isla markaana xadgudub lagu sameeyay xeerka saxaafadda Somaliland ee golayaasha sharci dejintu ansixiyeen, madaxwayne Riyaalena saxeexay, kaas oo tilmaamaya qaabka dacwadda loogu oogi karo saxafiyiinta dalka. waxaana ururka SOLJA ku baaqay in xoriyaddiisii shakhsi iyo mihnadeedba loo soo celiyo oo la sii daayo.

 

Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)

E-mail: afqarshe114@hotmail. com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this