Jacaylbaro Posted April 7, 2010 Hargeysa ( Waaheen) Wasiir ku xigeen wasaaradda qorshaynta Qaranka Axmed Xaashi ayaa shalay irridaha u xidhay Shir ay Hay’aadda UNDP ku soo bandhigtay qorshe xukuumadda Somaliya soo Ansixisay oo lagu taageerayo Somaliya, halkii laga filayay inay keento qorshe Somaliland u gaar ah oo lagu Horumarinaayo 2010-2012 ka taasoo ay hore xukuumadda Somaliland ugala hadashay Hay’addaha Caalamiga ah arrintaasi sanadkan bilowgiisii Hadaba shirkii shalay oo la filayay in lagu sii ambaqaado qorshihii shanta sano ahaa ee shanta milyan ku baxaysay ayaa markiiba joogsaday kadib markii sarkaal ka tirsan hay’adda UNDP uu bilaabay inuu madasha ka akhriyo qorshe loogu talagalay Somaliya oo ay soo Ansixisay Dawladda Sh Shariif, dhacdadan ayuu markiiba ka cadhooday wasiir ku xigeenka qorshaynta ee Somaliland waxaanu markiiba xidhay shirkii iyadoo ay saraakiishii iyo Ururadii bulshada ee Somalilandna ka baxeen Wasiir ku xigeenka qorshaynta oo faahfaahinaya sababta uu u xidhay shirka ayaa yidhi “ waxay inoo samaynayeen qorshe shan sanadood ah oo Somaliland u8 gaar ah qaabkii ay qorshahaas u soo samaynayeena horaanu ugu dirnay, nasaab daro waxay soo dhigeen qorshihii Somalia, waan ka joojiyay mikirifoonkiina waan ka qaaday waxaanan u sheegay inaanay waxan oo kale iyo qorshe aan ina khusaynin dalka keenaan, waxay nagu yidhaahdeen waanu khaldanay qorshihiinii ayaanu soo samaynaynaaye shirka ha xidhina fusad na siiya, laakiin waanu ka diidnay, kadib caawa ayaanu balansanayn inaan ka soo hubiyo inay diyaariyeen iyo inkale waanan soo hubiyoo may diyaarin sidaas darteed si rasmiya ayaanu u joojinay shirkaasi illaa intay ka keenayaan qorshe inoo gaar ah” Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 7, 2010 Hadaba shirkii shalay oo la filayay in lagu sii ambaqaado qorshihii shanta sano ahaa ee shanta milyan ku baxaysay ayaa markiiba joogsaday kadib markii sarkaal ka tirsan hay’adda UNDP uu bilaabay inuu madasha ka akhriyo qorshe loogu talagalay Somaliya oo ay soo Ansixisay Dawladda Sh Shariif, dhacdadan ayuu markiiba ka cadhooday wasiir ku xigeenka qorshaynta ee Somaliland waxaanu markiiba xidhay shirkii iyadoo ay saraakiishii iyo Ururadii bulshada ee Somalilandna ka baxeen Even in Hargaysa, the world recognise you as no more than a Somali state. Keep getting angry lad. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted April 7, 2010 This is bad idea. How would the government then claim projects as their own when it's UNDP that do work. Now, they will only be stuck with ribbon cutting for Dahabshil office and new buildings for universities. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted April 7, 2010 I used heard this saying "Nin magaalo ka cadhoodow siiga yare".. Who's inneed? SL or UNDP? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 7, 2010 Well Done Somaliland government Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted April 7, 2010 Haday orobiyo, Ingiriiskiyo, Amerikankiyo, Eeshiyaankuba, irid wayn iyo, albaab kuu furo, asaad eber tahay, aan ildheerayn, agab badan hayn, afku weyn yahay, see aduunyadu, kuu afgaranoo, ixtiraam iyo awood kuu siin? Afrikaankiyo, amiirada carab, kuwa ehelka ah,ee agtaada ah afka taagtoo, ka irdhowdoo, eeyda gaalada, aabahoodii , abeed tidhiye, aragxumadaa, uunku yaabyoo, anfariiryaye kaad u orodee, u ergootaa amakaagoo, adur kugu yidhi. Quote Share this post Link to post Share on other sites