Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Registration of the Small Arms in Erigavo

Recommended Posts

Ceerigaabo iyo Furitaanka Xafiiska Diiwaangelinta Hubka fudud

 

 

Ceerigaabo (Qaran): Iyadoo ay tahay markii ugu horraysey ee xafiiska diiwaangelinta hubka fudud laga furo gobolka Sanaag ayaa maalintii arbacada (maanta) waxa hoolka shirarka ee xarunta maammulka gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo waxa lagu qabtay munaasibadda furitaanka xafiiskan iyo wacyigelinta bulshada ee sidii ay u diiwaan gelin lahaayeeenhubkooda fudud.

 

 

 

Munaasibaddan furitaanka xafiiskan ayaa waxa wada jir u qabtay xubno ka socda hay’adda UNDP oo iyadu mashruuca diiwaangelinta hubkan fudud ka taageerta xukuumadda Somaliland iyo weliba maammulka xafiiskan ee heer gobol iyo degmoba, waxana kasoo qayb galay 50 xubnood oo isugu jira madax-dhaqameedyo, culimaa’u-diin, jamciyadda Sooyaal, aqoonyahanno iyo dhammaanba qaybaha kale ee bulshadu ka kooban tahay.

 

 

 

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Cali cabdi Hurre oo munaasibaddan ka hadlay ayaa bulshada uga warramay faa’iidada arrintan diiwaan-gelinta hubkooda fududi u leedahay, isagoo sidoo kalena bulshada ku boorriyey in ay diiwaan-gashadaan hubkooda fudud, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa hadalladiisii ka mid ahaa “Hubka waynu ognahay meel kastaba shacabka ayaa gacanta ku haya, dhibaatada uu leeyahayna waynu isla garanaynaa, qofka sitaana qoriga ayuu la caqli yahay, haddaba si sharcigu idiin ilaaliyo waa in aad hubkiinna fudud diiwaan gashataan, si laydiinku sharciyeeyo oo aqoonsi/liisan laydiinku siiyo”.

 

 

 

Dhinaca kalena filim halkaas lagusoo bandhigay markii ay daawadeen bulshadii halkaas isugu timid ayay u muuqanaysey arrintan in ay u arkeen mid waxtar u leh bulshada iyo nabadgelyada intaba, waxana filimkaasi meesha ka saaray in badan oo fekredo sidaas ka duwan ah oo dadka qaarkiis ka qabeen arrintan diiwaan-gelinta hubkooda fudud.

 

 

 

C/laahi Xuseen Darwiish

 

Qarannews.com

 

Ceerigaabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this