Sign in to follow this  
General Duke

UN envoy lands in Puntland - PM Geedi on his way

Recommended Posts

Wafdi ka socda QM iyo qaar ka tirsan golaha wasiirrada Puntland oo Bossaso ka soo degey

 

Boosaaso - 30.December.2004 Wafdi aad u balaaran oo ka socda Hay'adaha Qaramada Midoobay oo uu horkacayo Kuxigeenka Agaasimaha Hay'adda barnaamijka cuntada adduunka ee WFP ee soomaliya Mr. Thompson iyo wasiirro ka tirsan maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaso.

 

Wafdigan ayaa waxaa si wayn ugu soo dhaweeyey Airport-ka magaalada Boosaaso madax ka socota maamulka Puntland oo ay ka midyihiin godomiyaha Gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), Duqa degmada Rooble Cumar Gudcur, wasiirka kalluumaysiga iyo gaadiidka badda Ismaaciil Shire Jaamac, wasiir kuxigeenka warfaafinta Ibaraahin Cartan Ismaaciil (xaaji bakiin), wasiir kuxigeenka isportiga Maxamed Siciid Shabeele, guddoomiyaha hanti dhowrka Puntland C/naasir Maxamed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Puntland

 

Wafdigan Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay u yimaadeen u kuur gelidda xaaladda dhabta ah ee deegaanadii ay fatahaadaha baddu ka dheceen waxaana hay’adahaas ka mid ahaa WFP, OCHA, APTN, WHO iyo suxufi ka socday wakaalada wararka ee A P oo ay soo wakiisheen badi saxaafada caalamka.

 

 

“Ujeeddada safarkeena waxa uu ku salaysanyahay si aanu u soo eegno goobihii ay dhibaatadu ka dhacday anagoo adeegsanayna diyaarad waayo way adagtahay in dhul ahaan lagu tago goobahaasi waxaanuna ka soo qaadaynaa sawiro muujinaya dhibaatadii ka dhacday halkaas marka aanu xogta soo u ruurinana waxanu ku laaban doonaa xarumeheenii†ayuu yiri Kuxigeenka Agaasimaha Hay'adda barnaamijka cuntada adduunka ee WFP ee soomaliya Mr. Thompson.

 

Dhanka maamul goboleedka puntland oo ay wafdigan weheliyeen wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka med Maxamed Cigaal iyo wasiirka dowladaha hoose cali cabdi Awaare ayaa iyaguna waxa ay ka warbixiyeen socdaalkoodan waxayna sheegeen wasiiradu in ay shalay kulakulmeen hay’adaha qaramada midoobay magaalada Nairobi isla markaana ay qaylo dhaan u direen hay’adaha garkaarka ee caalamaka si wax loogu qabto bay dheheen dadka ay waxyeeladu ka soo gaarta fatahaadi ka dhalatay bad gariirkii ka dhacay badweynta Hindiya.

 

C/risaaq Bulqaas

SBC Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi

oo Berito ku soo fool leh Soomaaliya.

 

Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo wafdi la socda ayaa lagu wadaa in Maalinta Berito ah ay soo gaaran dalka soomaaliya gaar ahaan deegaanada maamul Goboleedka Puntland halkaas oo ay booqdan doonan dadkii Masiibada ka soo gaartay Daadadkii duufaanta watay ee dhawaan ku habsaday meelo badan oo ka mid ah dalka soomaaliya, iyadoo la sheegay in dhibaatadaas ay ku dhinteen dad ka badan 100 qof oo soomaali ah.

 

Ra’iisul wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ay la socdaan Xubno ka tirsan Baarlamaanka KMG ah iyo Saraakiil Caalami ah ayaa waxay kormeeri doonan goobaha dadka soo barakacay ku nool yihiin si markaas beesha Caalamka ugu muujiyan in soomaaliya lala soo gaaro gargaar deg deg ah.

 

Warar goor dhaw soo baxayna waxay leeyihiin waxaa shaki la geliyay in Prof. Cali Maxamed Geeddi uu soo gaari doona Muqdisho iyo in kale, waxaana la sheegaya in ay dhici karto in Ra’iisul wasaaraha qorshihiisa ka saaro Muqdisho oo ay ku sugan yihiin taageeriyaashiisa.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Federaalka oo Magacawday Guddi Qaabilsan Gargaarka Degdega ah ee Dhibaatadii ka dhalatay Mowjadaha Badda.

 

Dowladda KMG ah Fadhigeedau yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa magacawday Guddi qaabilsan arrimaha gargaarka degdega ah ee ka dhashaya Masiibadii Daadadka duufaanta watay ee ku habsaday Badweynta Hindiya, soona gaaray xeebaha dalka Soomaaliya.

 

Xubnaha Guddigan ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Nuuraani Bakar, Dr Cusmaan Xaaji Maxamud (Dufle), C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi, Maxamed Xasan Daryeel iyo xubno kale ayaa durbadiiba waxay bilaabeen in ay la hadlaan Samafaliyaasha ku sugan Nairobi kuwaas oo ay ka codsadeen in ay caawiyan dadka soomaalida ee Mojadaha Badda wax ka soo gaaray.

 

Xubnahan ayaa waxay qaabilsan yihiin Isku xirka Bulshada soomaalida iyo Hay’adaha gargaarka, waxaana la filayaa in ay ka mid noqdaan xubnaha dhawaan socdaalka ku imaanaya gudaha dalka, kuwaas oo booqan doona meelaha dhibaatada ka dhacaday.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this