Sign in to follow this  
VivaSomaliaa

Wasiirka Tirsan Puntland Abdulkadir Abdi Hashi oo Minneapolis Lagu Soo Dhaweeyey

Recommended Posts

MINNEAPOLIS:- Waxaa caaweyn oo ku aadan oo sabti axadna ay soo hulaalayso July 4 lagu soo dhaweeyey Magaalada Minneapolis oo ka mida Gobalka Minnesota ee waqooyiga America Ambassador Professor Abdulkadir Abdi Hashi Wasiiru Dowlaha Xiriirka Caalamigaa iyo Qorshaynta Dowladda Puntland, Wasiirka ayaa lagu soo dhaweeyey Casho sharaf aad loo soo agaasimay, waxaana casha sharaftaan howlwadeeno ka ahaa Ururka loo yaqaano Puntland Diaspora Forum, dhinaca kale waxaa casha sharaftaan ka qayb galay Jaaliyadda Soomaliyeed ee dagan Gobalkan Minnesota.

 

Waxaa goobta ka hadlay inta uusan wasiirku hadlin Siyaasiyiin Maraykan ah oo iskugu jira Soomaliya iyo Cadaan ku Waas oo codsi u soo jeediyey dadweynaha kulanka ka soo qayb galay in ay doortaan oo codkooda siiyaan, waxaa Sidoo kale ka hadlay Sheikh Dr Saadiq Eenow oo ah Dhakhtar ka yimid Magaalada Boosaaso, iyo Madaxda Ururka PDF ENG Mohamud Xaamud iyo ******ow, waxayna sheegen in ay sidiiran oo kal iyo laaba ay u soo Dhaweynayaan wasiirka waxayna xuseen in wasiirku ahaan jiray Gudoomiyaha PDF.

 

Waxaa sidoo kale ka hadlay Wakiilka Boqorka ******* Abdullahi Ahmed Khayr, iyo Odayaal dhaqameed kale, Kaalinta haweenka ayaan meesha ka marnayn iyo suugaanta sida gabayada oo iskugu jiray Afsoomali iyo English Waxaana sidoo kale goob joog ka ahaa xafladdan Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federalka ah, Xafladdaan ayaa ka Dhacday Bariga Minneapolis Hotelka Ramada Plaza , Xafladda waxaa xiriirinayey Abdifitaax oo ah Nin dhalin yaraa oo aad u kaftan badan isla markaana ka mid ah Ururka PDF.

 

Khudbada waxaa wasiirka ku soo dhaweeyey ******ow wasiirka ayaa khudbadiisa oga hadlay been abuur loo gaystay Dowladda Puntland isla markaana wuxuu dhaliilay Dowladda Somaliland oo uu sheegay in ay jiraan dad u raadinaya Madax banaani iyo in Somaliland ay gooni iskaga taagto Jammuuriyadda Soomaliya laakiin ay rabaan in ay Puntland Meel si xun u tusiyaan Caalamka wasiirku wuxuu yiri “haddii Somaliland goosato anaguba waan goosan karnaa”

 

wasiirka ayaa sheegay in dhawaan safiiro ka socda safaaradaha yurubta ay tageen Puntland iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka iyo Dowladda Federalka ah ay kawadahadleen sidii Puntland Sal dhig looga dhigi lahaa Ladagaalanka Burcad Badeeda iyo waxa uu ugu yeeray Argagaxisata hase yeeshee waraysi ay SomaliMidnimo.com la yeelatay oo aad Dhawaan maqli doontaan ayuu ku sheegay in uusan Argagaxiso ka wadin ee uu u waday cida saldhiga loo Samaysanayo in ay yihiin Burcad badeedad .

 

Wasiirku wuxuu Jaaliyadda Puntland ka codsaday inay Dowladda Puntland taageeraan sharuud la,aan wuxuuna Tilmaamay in xaaladda amni ee Puntland sida ay saxaafadda Enternetr ku u buun buuninayso aysan ahayn, sidoo kale Dhawaan ayaan idin soo gudbinaynaa Waraysi aan la yeelanay Wasiirka. Wasiirka khudbadiisii iyo Taariikhdiisa si aad u dhagaysato Halkaan ku dhufo ama guji. Halkaan ka Daawo Masawiro ama Guji

 

Dhawaan Gabayadii laga tiriyey xafladda iyo khudbadihii laga jeediyey ka dhagayso SomaliMidnimo Radio Barnaamijkii Qurbajoogta ee Hassan Sunni iyo Dalboon.

SomaliMidnimo.com waxay Saxaafadda Soomalida u fasaxaysaa in ay qaadan karaan Masawirada iyo Cododka haddii Ay sheegayaan Isha Wararka oo ah SomaliMidnimo.com

 

SOMALIMIDNIMO.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this