Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Muj. Abdillahi Askar Dies in Hargeisa

Recommended Posts

Inaalillahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.

 

Mujahid Abdillahi Askar died in Hargeisa this morning. He will be remembered of his struggle, braveness and sacrifice for his people & country.

 

The Siad Barre Rajim put him on death penalty in 1983 but Allah made him alive until today.

Share this post


Link to post
Share on other sites

birjeex.jpg

Sawirkani waa Taariikhi waxa uu ka hadhay Groupklii jabiyay Jeelkii Birjeex waxaa Dhexda hoose Fadhiya Col/ C/laahi Askar oo ahaa Kornaylkii ay la soo baxeen Gorupkan kor ku sawiran waxaa ka maqan Sawirka laba nin oo shahiiday intii uu socday Hawlgalku waxayna kala yihiin Biixi Xaaji Xasan, &. Siciid Birjeex,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inaalilahi wa inaa Ilahi rajucuun.

 

Qof walba sacadiisu dhimanayaa.

 

Waxay ahayd dhawr bilood ka hor markuu isagoo noogga sheekaynaya hawlgalkii bir jeex uu lahaa.

"Anigoo naf qudha ahna waa la isoo badbaadiyay 33 nafood oo kale oo ay qorayd inay habeenkaa dhintaana way ku geeriyoodeen aniga naftaydu kamay waynayn/fiicnayn nafaha baxay ee saacadii la soo dooni lahaa ayayna gaadhin! hawlgalkuna wuu ka waynaa wax hal qof badbaadadii ah ee wuxuu Alle ka waday inuu astaan u noqdo halgankii dheeraa ee ka danbeeyay ilaa xorayntii wadankan. Anigu wax wayn ma ahi hal shaqsi baan ahay lakiin Alle ayaa ka wady inuu il ugu furo umada inay isku duubnan himilo kasta ku gaadhi karto"

Waa eryo muujinaya iimanka marxuunka iyo siduu u qirsanaa qadarka Alle iyo sida aanu isula waynayn ee uu u fahansanaa in Allahii naftiisu ay gacantiisa ku jirtay inuu dib ugu dhigtay ku dhowaad 27 sano ka dib inuu dhinto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Picture of mujaheed cabdulahi askar before the liberation of hargeisa in the late 80s was this pic taken at baligubudle

May allah bless your soul

 

photo.php?pid=4759801&id=758218960&ref=f

 

Your legacy will never be forgotten

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliland oo Tacsi u Diray Marxuum:Mujaahid Cabdi Laahi Askar

Sunday, 29 August 2010

Madaxweynaha Soomaaliland oo Tacsi u Diray Marxuum:Mujaahid Cabdi Laahi Askar

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Republic of SOMALILAND

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Email: afhayeenka_jsl@yahoo.comThis e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

 

Date: 29/08/2010

 

 

TACSI MADAXWEYNE.

 

 

Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii & Asxaabtii uu ka Geeriyooday

MUJAAHID CABDILAAHI ASKAR Oo Maanta ku Geeriyooday Magaalada Hargeisa.

 

Madaxwaynuhu wuxu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii iyo Dhamaan Shacab-ka Reer Somaliland-na ee uu ka baxay Marxuunku uu samir iyo Iiman ka siiyo.

 

 

Aamiin ……………………………….. Aamiin …………………………………. Aamiin

 

 

C/laahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

AF-hayeenka Madaxtooyada JSL

Share this post


Link to post
Share on other sites

11KII APRIL IYO FURASHADII BOQORKII SHINIDA!

 

 

 

Apr 13 2002 Akhristayaasha sharafta lehoow: Waxaa Maanta oo ay bisha 12ka April goobo Xamar ku yaala looga dabaal degayaa waxa loogu yeedhay maalintii aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidankaas oo maanta la xusayo oo badi shacbiga Soomaaliyeed ay u aqoon san yihiin kuwii masuulka ka ahaa qaran jabkii ka dhacay dalkeena, iyada oo ay ka baaqsadeen inay dalka hooyo ka qabtaan kaligii taliyihii haligmay ee Siyaad Barre. Sidoo kale Ciidankaas xoogga dalka la odhan jiray waxa ay sumcadiisii dhimatay markii uu shacbigii uu difaaci lahaa dib ugu soo jeestay ee uu xasuuqay in badan oo shacbiga Soomaaliyeed ka mid ah. Hadaba maqaalkan hoose waxaan ku xusi doonaa dhacdo yaab leh oo Magaalada Hargeysa ka dhacday habeen loo dabaal degayay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed taariikhdu markay ahayd 12kii April 1983kii. akhris wacan.

 

Waxay ahayd dhamaadkii sanadkii 1982kii markii ay Itoobiya ka abuurmeen dhaqdhaqaaqii xaq u dirirka ahaa ee ururkii SNM, xiligaas waxaa Itoobiya isugu yimi saraakiil door ah iyo siyaasiyiin debadaha ka yimi oo ay ujeedadoodu ahayd sidii ay u bilaabi lahaayeen halgan lagaga hor tago xukuumadii haligantay ee Siyaad Barre madaxda ka ahaa oo xasuuq iyo xumaato ku la dhaqmaysay shacbigii ku noolaa wixii loo yaqaanay gobalada waqooyi xiligaas.

 

Si hadaba uu ururka SNM u helo taageero gudaha ah iyo mid debada ahba una muujiyo awoodiisa ayaa waxa uu go'aan saday in uu hawlgalo milatari ka fuliyo dalka gudahiisa, waxaana qorshayaasha dagaal ee laga fulinayo gudaha dalka ay ujeedadiisu ahayd naafaynta cadawga, argagax galinta dawlada iyo muujinta la muujinayay in aan shacbiga gobolada waqooyi marnaba raali ka ahayn xasuuqa iyo xad gudubka ay xukuumadii siyaad barre ku haysay shacbigeedii miskiinka ahaa.

 

Hadaba Ururkii SNM waxa uu go'aansaday inuu talaabooyin milatari ku fuliyo qaar ka tirsan madaxdii dhagar qabayaasha ahayd ee shacbiga xasuuqaysay, waxaa markaas SNM ay gudahii dalka usoo dirtay saraakiil milatari oo SNM ka tirsanaa. Bishii Diisambar ee sanadkii 1982kii ayaa waxaa Tuulaha Gaashaamo oo Bariga Itoobiya ku taala SNM ay kasoo dirtay laba sarkaal oo kala ah:

 

Cabdi Salaan Turki Maxamuud iyo Cabdilaahi Askar Barkhad.

 

Waxa labadaas sarkaal ee naftood hure ay soo mareen dhulka hawdka ah, waxaana ay dhinaca koonfureed kasoo galeen Magaalada Burco, muddo gaaban kadibna waxay usoo dhaafeen dhinaca magaalada Berbera, iyaga oo markii danbana usoo gudbay Magaalada Hargeysa.

 

Ujeedada ay labadaas sarkaal Hargeysa u yimaadeen waxay ahayd laba ujeedo oo kala ah:

 

Inay isku habeeyaan oo isku dubarridaan saraakiishii Ciidanka dawlada ku dhex jiray ee ay filayeen inay dawlada kasoo horjeedaan, iyaga oo waliba bartilmaameed ka dhiganayay inay qadiyda SNM ka dhaadhiciyaan saraakiishii milatariga ahayd ee asal ahaan kasoo jeeday beelihii taageeri jiray SNM.

 

Ujeedada kale ee ay u socdeen labadaas sarkaal waxay ahaayeen inay khaarajiyaan taliyihii qaybta 26aad ee waagaas oo ahaa Gacan ku dhiigle Maxamed Xaashi Gaani.

 

Hadaba muddo afar bilood ku dhow markii ay magaalada Hargeysa ku dhuumaalaysanayeen ee ay hawlahoodii si fiican oo qarsoodi ah ay u wadaan, laba habeena ay ka hadhsan tahay inay khaarajiyaan dhagarqabe Gaani ayaa nasiib darro dhacday oo waxaa Taliskii Dawladu uu gacanta ku dhigay Gaashaanle sare Cabdilaahi Askar Barkhad taariikdu markay ahayd sagaalkii

bishii April ee sanadkii 1983kii.

 

Waxaa taasi noqotay dhacdo argagax badan oo ay ka murugoodeen dadweynihii taageeri jiray ururkii SNM, waxaana ay guul lama filaan ah u noqotay maamulkii dawlada, gaar ahaan taliyihii qaybta 26aad Gacan ku dhiigle Maxamed Xaashi Gaaani oo markiiba u damaashaaday inuu gacanta ku dhigay wax uu ku magacaabay BOQORKII SHINIDA oo uu ula jeeday Cabdilaahi Askar oo ahaa sarkaal sare oo SNM ka tirsanaa.

 

Gaani waxa uu markiiba damaashaadkiisa gaadhsiiyay maamulkii muqdisho gaar ahaan kaligii taliyihii Qaxootinimada ku dhintay ee Siyaad Barre.

 

Markiiba talo ayaa ku cadaatay dadkii taageeri jiray SNM waxaana ay aamineen in maalmo yar gudahood badhka la gayn doono naftana laga jari doono Cabdilaahi Askar, nasiib darro dadweynahaasi may lahayn wax awood ah oo ay ku caawin karaan Maxbuuskaas SNM oo iyaga ayaaba xasuuq iyo xadgudub lagu hayay.

 

Cabdilaahi Askar waxaa markiiba loo qaaday Xarunta Miiska saraakiisha oo dhinaca galbeed kaga toosan huteelka dawlada ee Hargeysa Kilaab, waxaana lagu wareejiyay ciidan xoog u hubaysan oo laga soo kala qaaday xeryihii kala duwanaa ee qaybta 26aad ay ku lahayd magaalada Hargeysa.

 

Waxaa markiiba Cabdilaahi lagu bilaabay jir dil iyo garaacis aad iyo aad u daran, taasoo xanuunkeeda aanuu qiyaasi karin qof aan gacanta u galin askartii naxariista darnayd ee loo carbiyay ku tumashada xuquuqda aadamaha " mar kaliya ayay igu boobeen qoriga dabadiisa iyo caaradiisa, waxay igu garaaceen kabahii waaweynaa ee ay xidhnaayeen, daqiiqado gudahoodna

jidhkayga oo dhan dhiig ayaa ka dareerayay, waxaanan dhulka galgalanayay aniga oo miyir doorsoomay" sidaas waxaa yidhi Danjire Cabdilaahi Askar oo aan ka waraystay sidii loo jir dilay ee loola dhaqmay markaas la qabtay.

 

Waxaa jidhkiisa lagu gubay dab ololaya, waxaa laga garaacay Ilkaha waxaana markiiba laga soo tuuray todoba ilig, waxaana la jabiyay shan feedhood iyada oo si naxariista ka fog looga garaacay xididada iyo xubnaha dareenka, waxaa taasi u dheeraa tiiq-tiiqsi iyo ku digasho uu Gaani la dul yimi Cabdilaahi oo dhiig ka da'ayo.

 

"Waxaad ahayd sarkaal bilad haysta oo xorayntii Goday masuul ka ahaa, waxaanad ka tagtay Ciidankaagii kuliyada milatariga ee Ameerika kuu diray, maxaad iga filanaysaa" Sidaas waxaa yidhi gacan ku dhiigle Gaani oo ul yar gacanta ku haysta waardiyayaashiisiina ay la socdaan.

 

Cabdilaahi Askar oo taahaya jidhkiisuna uu aad u damqanayo ayaa ugu war celiyay Bilada geesinimaan ku helay ee been been la iima siin, waxbarashada Maraykan la iigu dirayna imtixaankaan baasay ayaan ku tagay ee garab iyo qabyaalad toona la iiguma dirin, Ilaahay ayaanan wax ka fishaa ee aadami waxba kama fisho ayuu Cabdlaahi cod hoose ku yidhi.

 

Waxaa markiiba uu Gaani wargeliyay afartii waaxood ee Hargeysa ka koobnayd waxaana uu u sheegay in uu gacanta ku dhigay Boqorkii Shinida ee SNM, waxaana uu dadweynihii reer Hargeysa Gaani u balan qaaday inuu Maxbuuskaas keeni doono Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Magaalada Hargeysa oo lagu qaban jiray xaflada debaaldega wixii loo yaqaanay xuskii 12ka April oo ahayd Maalintii la aasaasay wixii la odhan jiray Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee majaro habawsanaa.

Xiligaas dadweynaha reer Hargeysa ee isu diyaarinayay inay xafladaas ka qayb galaan waxay badidoodu sii diyaarsadeen dhagxaan, budad iyo Middiyo si ay ugu dagaal galaan habeenkaas intii taagooda ah, taasina waxay ahayd talaabo is miidaamin ah oo halis ahayd.

 

Xadhigaas Cabdilaahi Askar waxa uu ka cadhaysiiyay Geesigii Ibraahim Ismaaciil Koodbuur oo ahaa Gaashaanle Dhexe oo ka tirsanaa xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana uu si qarsoodi ah uga tirsanaa ururkii SNM.

 

" Ilaah ha u naxariistee Ibraahim Koodbuur waxa uu si qarsoodi ah uga tirsanaa ururkii SNM, waxaana uu ahaa nin haybad leh oo ay tix galin jireen ciidamadii dawladu" Sidaas waxaa yidhi Cabdilaahi Askar oo aan waydiiyay su'aal ku saabsanayd in Ibraahim Koodbuur uu xidhiidh hore la lahaa SNM iyo in kale.

 

Xaalada rajo ama filasho ee Cabdilaahi uu filanayay waxa uu cawaaqib kiisu noqon doono markaas uu miiska saraakiisha ku xidhnaa oo aan su'aal ka waydiiyay Cabdilaahi waxa uu ku jawaabay " Qadarka Ilaahay waa meeshiisa, laakiin anigu waxaan ahaa oo aan filanayay in jeelkan aan ka bixi doono iyada oo aan ku kalsoonaa in aan leeyahay rag awood u leh inay naftooda u huraan badbaadintayda" waxaana uu Cabdilaahi ii sheegay in uu mar walba sugayay goorta ay albaabka kasoo gali doonaan geesiyaal badbaadiyaa.

 

Laba Cisho markii uu Cabdilaahi ku xidhnaa miiskii saraakiisha ee ay taariikdu ahayd 11kii April ee sanadkii 1993kii saacaduna ay tahay shantii iyo badhkii galabnimo ayaa waxa rumowday riyadiisii.

 

Waxaa xeradii soo daf yidhi ciidan uu Hor kacayo Ibraahim Ismaaciil Koodbuur oo uu la socdo Cabdisalaan Turki Maxamuud oo isaga markii hore ay Cabdilaahi Askar wada socdeen, waxaana markiiba bilaabmay muran gaaban oo dhex maray Ciidankii Ibraahin Koodbuur watay iyo kuwii dawlada ee miiska saraakiisha ilaalinaayay, daqiiqado gudahoodna waxaa bilaabantay xabad aad u kulul oo

dhex martay labadii Ciidan.

 

Waxaa goobtii ku naf waayay sodomeeyo ciidankii dawlada ka tirsan Ciidankii Ibraahim Koodbuur uu hor kacayayna waxaa ka dhintay Ilaah naxariistii jano ha siiyee geesigii Biixi Xaaji Xasan oo ku dhintay meel ku qabsan huteelka Hargeysa Kilaab. Waxaana dhaawacmay geesigii kale ee Siciid Cabdi Dalabay.

 

Markiiba qolkii uu ku jiray ayaa Cabdilaahi ay kala soo baxeen waxaana ay ku soo qaateen gaadhigii ay wateen, waxaana ay kor usoo qaadeen wadada tagta Isha Boorama iyaga oo kasoo dhex dhacay dalcada Ina naxar, wax yar ka dibna waxay uga sii gudbeen Masalaha halkaas oo dhinaca koonfureed kaga beegan Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, waxaana goobtaas ay ku tukadeen laba ragcadood oo salaatul-shukrri ah.

 

Hadana waxay kor usii qaadeen dhinaca Gumburaha iyaga usii gudbay dhinaca tuulaha Gumar halkaas ayaanay isga hor yimaadeen ciidankii dawlada oo kasoo kala baxay tuulooyinka Bali Cabane iyo Bali Gubadle, goobtaas ayaanay dagaal la galeen ciidamadii Dawlada, waxaana halkaas ay ku dileen lix askari oo ciidankii dawlada ka tirsan.

 

Markii danbe ayay soo gaadheen tuulaha Xarshin ee ku yaala gudaha wadanka Itoobiya, halkaas ayuu ku dhintay geesigii dhaawaca ahaa ee Siciid Cabdi Dalabay Rabi naxariistii jano haka waraabiyee.

Halkaas ayaana Geesigii Ibraahim Koodbuur iyo kooxdii la socotay ay ka sii wadeen halgankii xaq u dirirka ahaa ee SNM, waxaana uu Ibraahim Koodbuur ku geeriyooday tuulaha Rabaso ee dalka Itoobiya sanadkii 1987kii Rabi Naxariistii jano haka waraabiyee, waxaana uu noqday oo uu muujiyay geesinimo aad u sarraysa oo taariikhda reer Somaliland baal dahab ah ka gashay.

 

Waxaana uu qalbi jab iyo naxdini ay ku dhacday Gaani iyo Maamulkii Siyaad Barre oo kui fashilmay in Cabdilaahi Askar qabashadiisa ay ku faanaan. Cabdilaahi Askar waxa uu maanta ku sugan yahay dalka Itoobiya waana Danjiraha Dalka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya, Cabdisalaan Maxamuud Turki waxa uu isna ku nool yahay wadanka UK waxaanan ku han weynahay inaan dhawaan idiin soo gudbiyo waraysi aan la yeelan doono Mujaahid Turki hadii uu Allah ogolaado.

 

 

Written by:

Kaysar Cabdilaahi London

Email:Kaysar Maxamed

22:22 Apr 13 2002 by Kaysar Cabdilaahi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this