Sign in to follow this  
SOO MAAL

Soo dhowoow garaad,ku soo dhowwoow hoyga garaadada iwm

Recommended Posts

SOO MAAL   

garaadaxmed2%5B1%5D.jpg

 

garaadaxmed1%5B2%5D.jpg

 

garaadaxmed5%5B1%5D.jpg

 

gar1.JPG

 

gar4.JPG

 

 

gar5.jpg

 

 

garaadkagabooyaha.JPG

 

caanashub.JPG

 

Garaadka Guud ee Beelaha Gabooyaha oo lagu Caana Shubay Maanta

Garaad Axmed Diiriye Gayllan

 

Laascaanood}09.01-06 Waa cusub ayaa u beryey dhamaan soomaalida , 9 / 1/2006 waxay noqotay maalin cadaaladeed taariikhda gashay , waa maalin lagu ismay oo lagu macacaabay Maalinta sinaanta iyo caddaaladda , kumanaan iyo kumanyaal dad wayna ah ayaa isgu yimi munaasabad balaadhan oo lagu boqrayey Garaad Axmed Diiriye Gayllan , oo ah garaadka guud ee beelaha Gabooyaha...

 

Waxaa garaadka lagu caana shubay kobta looyaqaan damallada GAALKUDHAL oo tobaneeyo km kaga toosan dhanka koontureed Magaalada Laascaanood ee G/Sool .

 

Garaad Axmed diiriye Gaylan oo kol hore loo cugtay Garaadnimo Maanta ayay waafajinta eebbe ku noqotay maalintii lagu caana shubay , kugu maalnay kugu taraawilnay ayaa jamaahiirtii meesh isugu timi ku dhawaaqeen markii caanaha lagu shubay garaadka

 

Waxaa ka soo qayb galay munaasabadan balaadhan ee lagu boqrayey islamarkaana lagu caana shubayey Garaad Axmed Diiriye gaylan Dhamaan soomaalida oo dhan , oo waxaa la isga yimi guud ahaan gobolada soomaaliya oo dhan .

 

waxaa ka soo qaybgalay garaado , Cuqaal , Culimo ,Masuuliyiin , Waxgarad , Hooyooyin , Dhalinyaro , ururo bulsho ,

 

Haddii aynu bal dadkii munaasabadan ballaadhan ka soo qayb galay wax ka xusno , waxaa markiiba in dhuhu qabanayeen Garaadada , cuqaasha oo dhinac fadhiyey Garaad Axmed Diiriye Gayllan .

 

Waxaa ka loo ka soo qayb galay munaasabada caana shubka garaadka Mas'uuliyiinta maamul gobolka sool , xil dhibaano ka tirsan Dawlada goboleedka Puntland , iyo xildhibaanno ka tirsan Dawladda Soomaaliya .

 

Soo koobi kari mayno hadii aynu isku dayno in aynu magac dhawno sharfanayaashii ka soo qayb galay munaasabadan .

 

munaasabadan ayaa waxay ka mid noqotay munaasabadiihii ugu waawaynaa ee ka dhaca deegaamadan ,

 

Waxaana maanta laduugay oo la aasay caadadii xumayd ee soomaalidu ku dhaqmi jirtay ee Quudhsiga , kaas oo lagu faquuqi jiray Tolka beelaha Gabooyada .

 

Waxaana la isla qaatay , Sinaan ,Cadaalad, Midnimo, Walaaltinimo . ka dhaxaysa soomaalida .

 

ugaas faarax Maxamuud cali oo munaasabadan hadal ka soo jeediyey ayaa sheegay salaan iyo hanbalyo ka dib in cadaalada iyo dimuqraadiyada dhabta ahi taallo Puntland gaar ahaanna gobolka sool degmada Laascaanood , waxana uu si kaftan ah u sheegay ugaasku in maraykan iyo reer yurub ay kabartaan cadaalada iyo dimuqraadiyada Laascaanood .

 

Waxaa halkaas ay ka sheegeen culimada deegaankani in ay beelaha gabooye oo hoaray loo yasi jiray ay ahayd dulmi iyo cadaalad darro , maantana laga bilaabo aanay dib u jiray caadadaa iyo dhaqankaas xumi , umada soomaaliyeedna ay isku mid tahay.

 

gabayo iyo suugaan kala jaad jaad ah oo lagu boqrayey garaad Axmed Diiriye Gaylan ayaa halkaas laga Mariyey,

 

jawiga guud hadii aynu sawir koban ka bixinno waxaa munaasabada caana shubka garaaka lagu qabtay meel banan ah , oo geed wayn ayaa laxidhxidhay , waxaa la soo joojiyey fardo qurxoon oo aad loo soo sharaxay , gabdho bilicsan oo labisan hidihii iyo dhaqankii soomaaliyeed ,

 

dhanka kale saxaafada gobolka sool ayaa kaalin laxaad le ka qaadatay munaasabadan , codbaahiyayaal ay kadananayeen hooso wadani ah oo munaasabadan khuseeya , ayay saxaafadu ku taakulaysay munaasabadan , toos ayay wariyayaasha kala duwani uga soo tabinayeen wararka , oo judhiiba markii caanaha lagu shubay garaadka waxa uu warkii gaadhay qaaradaha aduunka oo dhan .

 

Hadaba waa kuma Garaad Axamed Diiriye Geylan wxaynu milicsanaynaa Taariikh Nololeedkiisa oo kooban :

 

 

Garaad Axamed Diiriye Geylan , wuxuu ku dhashay laascaanood 1969 kii halkaas ayuu ka bilaabay qur'aanka oo uu ku dhamaystay waxbarashada dugsiga hoose ilaa kasare , kadibna waxa uu u wareegay Muqdisho halkaas oo uu waxbarasho xaga maamulka iyo xisaabaadka ku qaatay .

 

Kadib waxa uu galay ganacsi , ilaa uu u hayaamay yurub , wuxuuna ka qaatay dhalashada wadanka iswiidhan , oo uu deganaa mudo dhawr iyo 10 sano , wuxuu kaloo iskandeneefiyanka ku sii horumariyey tacliintiisa , qur'aankana aad ugu bartay kuna guursaday .

 

Garaad Axmed waxa uu kobanheegan ku leeyahay Shirkad tagaasida iyo xafiisyo ganacsi oo kale . wuxuu muddo dheer waday halganka dadka laxaqiro ee soomaaliyeed wuxuuna socdaallo arimahaa la xidhiidha ku tegey shirar badan kaga qayb galay maraykanka , carabta , yurub , geeska afrika iyo gobolada Puntland .

 

Socdaallo badan ayuu ku yimaaddaa soomaaliya waxana marar badan wada xaajood lagalay Masuuliyiinta p/l xiligii c/laahi yuusuf iyo caddeba , iyo isimada reer /p/l , dawlada fadaraalkana wali xidhiidh buu araimahaas kala leeyahay .

 

Sanadkii 2003 dii ayaa loo doortay garaadka beelha gabooyaha ee degen P/L iyo gobolada dhexe ee soomaaliya , iyo waliaba gobolka soomaalida galbeed (kililka shanaad) .

 

waxaana lagu caana shubay ilaahay idankii maanta oo ay bishu tahay 9/1/2006 , dhanka kale muslimiinta xajaysa ayaa taagan carafa maanta oo caanashubka garaadkani wax uu la kowsaday maalin maamuusan oo sharaf u leh umadda islaamka .

 

waxaynu eebbe wayne uga tuugaynaa garaad axmed diiriye gayllan , in uu noqdo garaad umadda guud ahaan iyo gaar ahaanba ku hogaamiya khyrka , sharkana ka reeba .

 

Source: Widhwidh Online

 

C/rashiid Maxamed Xaashi (Duqa)

http://www.midgaan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this