General Duke Posted November 13, 2009 Nayrobi: “ Dawladda Dhexe waxa ay ka biyo diidsan Dibu heshiisiinta iyo Horumarka Puntland” Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya. 13. november 2009 Nayrobi(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday waxyaabihii ay isku maan-dhaafeen Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna Madaxweynaha Puntland sheegay in ay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya dooneyso in aysan horumar gaarin gobalada Puntland. Madaxweynah oo hada shir jaraa’id ku haya Hotelka uu ka dagan yahay Magaalada Nayroobi, ayaa sheegay in aysan dawladda KMG ah usoo jeesan in ay wax ka qabato xaaladaha dalka Soomaaliya, wuxuuna xaqiijiyey in aysan sidoo kale diyar uaheyn in ay waxqabad ka samayso gudaha dalka. Mr, C/rixmaan wuxuu caalamka ugu baaqay in gargaarada iyo horumarinta Puntland aan lasoo marsiin waxa ugu yeeray kooxo ka soo horjeeda horumarka Puntland, wuxuuna sidoo kale cadeeyey in aysan marnaba Puntland ka mid ahaan doonin, dawlad uu ku sheegay mid ka shaqeynaysa horumar la’aanta dalka Soomaaliya. Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyey dawladda KMG ah in aysan dooneyn nabad ka dhacda dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ay ka biyo diideen madaxdeedu in iskaashi amaan lasameeya, si wadanka Soomaaliya looga dhaliyo nabadgalyo baahsan oo ay layskaga kaashado arrimahaasi, isla markaasna ay sidoo kale diidan tahay guud ahaan wada xaajoodyada nabadgalyada. Saacado ka hor Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ka baxay wada hadal uu xarunta Safaarada Soomaalida ee Nayrobi, kula lahaa Madaxweynaha dawladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed oo dawladdiisu hada ka taliso oo kaliya 2 KM oo ah Waqooyiga caasumada Soomaaliya. Wariyaha APL ee jooga Madasha shir jaraa’id ku hayo Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in uu Madaxweynaha dawladda Puntland xaqiijiyey in ay isku maan-dhaafeen arrimaha Iskaashiga amaanka, dibu heshiisiinta, deeqaha Waxbarashada & horumarinta kale barnaamijyada ku saleysan. Madaxweynaha Puntland ayaa usheegay APL in aysan marnaba dawladdiisu ka tanaasuli doonin qodobadii ay ku saxiixday magaalada Gaalkacyo, isagoo cadeeyey in ay lagama maarmaan tahay in lafuliyo heshiiskii lugu saxiixay magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay in ay sidoo kale dawladdiisu aysan hada dhaafi doonin waxyaabo badan oo ay horay uga tanaasushay. F. C. Maxamed AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted November 14, 2009 This is really bad PR for Puntland State. Awoowe it is better to bring the people to your side rather than use blackmail and heavy handedness. Faroole has made Puntland's administration to be vain and pompous since taking office and you win no one to your side by turning your partners off to that degree. Granted Puntland has built itself peace and relative stability but it has never been and is not now going to start being the concentration of Somalia's power. That area is the south and particularly the Benadir region. Faroole needs to rethink the strategy he has been pursuing because it seems he is isolating Puntland. The public rebuke given by the TFG is only a consequence of that il-advised strategy. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Castro Posted November 14, 2009 Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud PhD-ey xaal qaado. Quote Share this post Link to post Share on other sites