Sign in to follow this  
General Duke

Dr Faroole strong words for Sharif Hotel group..

Recommended Posts

Nayrobi: “ Dawladda Dhexe waxa ay ka biyo diidsan Dibu heshiisiinta iyo Horumarka Puntland” Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya.

13. november 2009

 

Nayrobi(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday waxyaabihii ay isku maan-dhaafeen Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna Madaxweynaha Puntland sheegay in ay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya dooneyso in aysan horumar gaarin gobalada Puntland.

 

Madaxweynah oo hada shir jaraa’id ku haya Hotelka uu ka dagan yahay Magaalada Nayroobi, ayaa sheegay in aysan dawladda KMG ah usoo jeesan in ay wax ka qabato xaaladaha dalka Soomaaliya, wuxuuna xaqiijiyey in aysan sidoo kale diyar uaheyn in ay waxqabad ka samayso gudaha dalka.

 

Mr, C/rixmaan wuxuu caalamka ugu baaqay in gargaarada iyo horumarinta Puntland aan lasoo marsiin waxa ugu yeeray kooxo ka soo horjeeda horumarka Puntland, wuxuuna sidoo kale cadeeyey in aysan marnaba Puntland ka mid ahaan doonin, dawlad uu ku sheegay mid ka shaqeynaysa horumar la’aanta dalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyey dawladda KMG ah in aysan dooneyn nabad ka dhacda dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ay ka biyo diideen madaxdeedu in iskaashi amaan lasameeya, si wadanka Soomaaliya looga dhaliyo nabadgalyo baahsan oo ay layskaga kaashado arrimahaasi, isla markaasna ay sidoo kale diidan tahay guud ahaan wada xaajoodyada nabadgalyada.

 

Saacado ka hor Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ka baxay wada hadal uu xarunta Safaarada Soomaalida ee Nayrobi, kula lahaa Madaxweynaha dawladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed oo dawladdiisu hada ka taliso oo kaliya 2 KM oo ah Waqooyiga caasumada Soomaaliya.

 

Wariyaha APL ee jooga Madasha shir jaraa’id ku hayo Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in uu Madaxweynaha dawladda Puntland xaqiijiyey in ay isku maan-dhaafeen arrimaha Iskaashiga amaanka, dibu heshiisiinta, deeqaha Waxbarashada & horumarinta kale barnaamijyada ku saleysan.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa usheegay APL in aysan marnaba dawladdiisu ka tanaasuli doonin qodobadii ay ku saxiixday magaalada Gaalkacyo, isagoo cadeeyey in ay lagama maarmaan tahay in lafuliyo heshiiskii lugu saxiixay magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay in ay sidoo kale dawladdiisu aysan hada dhaafi doonin waxyaabo badan oo ay horay uga tanaasushay.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

This is really bad PR for Puntland State. Awoowe it is better to bring the people to your side rather than use blackmail and heavy handedness. Faroole has made Puntland's administration to be vain and pompous since taking office and you win no one to your side by turning your partners off to that degree. Granted Puntland has built itself peace and relative stability but it has never been and is not now going to start being the concentration of Somalia's power. That area is the south and particularly the Benadir region. Faroole needs to rethink the strategy he has been pursuing because it seems he is isolating Puntland. The public rebuke given by the TFG is only a consequence of that il-advised strategy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this