Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu : Geedi's private weapons confiscated..others to follow

Recommended Posts

Geedi oo hub lagala wareegey

18 Apr 18, 2008 - 7:33:33 AM

 

Ciidamada Ethiopia ee Muqdisho ku sugan ayaa waxay la wareegeen ku dhawaad 10-gaadiidka dagaalka ah oo uu lahaa Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia Cali Max'ed Geeddi.

 

Gaadiidkaan dagaal oo ah nooca loo yaqaan TOYOTA Cabdi-Bile oo ay ku rakiban yihiin qoryaha Dhashiikaha, waxaana ay ciidamada Ethiopia kala baxeen guriga Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia uu ka daganaa Muqdisho.

 

Ciidamada gaadiidkaan la wareegay ayaa waxaa la socday saraakiil sarsare oo ka tirsan Dowladda Somalia, waxaana u xaqiijiyay saxaafadda qaadashada gaadiidkaan mas'uuliyiin ka tirsanaan jiray xafiiskii Geeddi oo Muqdisho ku sugan.

 

Dhawaan ayay xukuumadda Somalia daboolka ka qaaday inay qorshaynayso inay la wareegto gaadiidka dagaal ee gaarka loo leeyahay, kuwaasoo ay ka mid noqon doonaan kuwa ay leeyihiin mas'uuliyiinta hadda ka tirsan DF, waxaana la wareegidda gaadiidkaan lagu bilaabay kuwa Geeddi.

 

Ma jirto wax hadal ah oo uu Ra'iisul Wasarihii hore ee Somalia Cali Max'ed Geeddi kasoo saaray la wareegista hubkiisa.

 

Geeddi ayaa ku sugan magaalada Nairobi, isagoo ah xildhibaan ka tirsan Barlamaanka DF, wuxuuna ka wadaa halkaas dadaallo uu ku doonayo inuu masraxa siyaasadda dib ugu soo laabto; isagoo horay u sheegay inuu ka qaybgalayo doorashooyinka 2009-ka ka dhacaya dalka.

 

Ra'isal Wasarihii hore ayaa la aaminsan yahay in uu aad ugu dhow yahay dowlada Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Maxaa hubka looga qaadi waayey markuu ahaa Raisul Wasaare?

 

Ka qaadista hubka maxaa hada keenay oo xilkiisa markuu ka tagay ama laga xayuubiyeyba hubkana looga qaadi waayey?

 

Maxaa sababy in ay Ciidama Itoobiyaana hub ka qaadis ku sameeyaan Guriga Geedi?

 

Micnaha iyo ula jeedada maxey tahay looga dan leeyahay hub ka qaadistan noocan oo kale ah?

 

Hadii uu Geedi aad ugu dhawyahay dowlada Tigreyga maxay gurigiisa u weerareen?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Geedi's getting a tiny taste of his own medicine. He's man who marched out to meet the enemy singing songs of praise "tigreey walaal-kaanya waa.. waa tiigsaheenaa.." :D maxaa ka raacay! Ka xaa-xaabi dheh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Maxaa hubka looga qaadi waayey markuu ahaa Raisul Wasaare?

Waba sheege in uu Raisul Wasare ahaye , se hubka logu qada?

 

Ka qaadista hubka maxaa hada keenay oo xilkiisa markuu ka tagay ama laga xayuubiyeyba hubkana looga qaadi waayey?

 

Sidi xilka loga xayuubsadey waqtii aya la wayay . Hada madama xelad dagal awgeed dibugurasho laga sameynayo magalada Xamar aya loso jeestey in hubki la siyaayna laga si xayubsado.

 

Maxaa sababy in ay Ciidama Itoobiyaana hub ka qaadis ku sameeyaan Guriga Geedi?

 

Wax qima ah agtado kama laha hada - lakiin ayan daro kuwi asaga la socdey oo gurbanka tumayo weli kuma quus qadan.

 

Micnaha iyo ula jeedada maxey tahay looga dan leeyahay hub ka qaadistan noocan oo kale ah?

Wax aan ka aheyn bahdiil iyo awood sheegasho mahiine wax kale oo micna ah masameyneyso.

 

Hadii uu Geedi aad ugu dhawyahay dowlada Tigreyga maxay gurigiisa u weerareen?

Tigrega waxa oo dhaw oo keliya kan uu adeega - mar hadi aad xeradi ka baxdey ama danta laga laha aad dhameysatey sidi la rabo aya lagu yela madama aan xishood awal xeerka ku jriin.

 

In regard to the posters mention of "others to follow"..indeed they will - but I very much doubt whether that will make you happy. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this