Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland leader invited to Addis to meet Ethiopian AU leaders...

Recommended Posts

Madaxweynaha_PL1.jpgMadaxaweynaha Puntland oo ka dhoofey Garowe

1 Sep 1, 2010 - 4:35:14 AM

 

Madaxweynaha Puntland oo la jooga ciidamada u tababarku dhamaadey

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole ayaa maanta duhurnimadii ka dhoofey magaalo madaxda Garowe isagoo ku wajahan wadanka Ethiopia.

 

Safarka Madaxweynaha oo horey u sii qorsheysnaa ayaa wararka aan ka heleyno sarakiil ka tirsan xafiiskiisa waxaa uu khuseeyaa kulamo uu Addis Ababa kula qaadanayo madaxda dalka Ethiopia iyo ururka Midowga Afrika.

 

 

Booqashada Madaxweyne ayaa kusoo beegantey xili xaalad xasaasi ku jirto Somalia guud ahaan gaar ahaan iyadoo ciidamada Puntland dagaal buuraha Gagalgala kula dagaalameen koox xiriir la leh ururka Al-shabaab oo halkaas ku dhuumaaleysanaya.

 

Xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo saraakiil kale ayaa halkaas kusii sagootiyey Madaxweynaha Puntland iyo waftigiisa.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa intii uusan ambabixin booqdey ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland kuwaasoo xerada 54aad ee ku taal duleedka Garowe tababar ugu xirmey.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa u bogaadiyey ciidamadaan isaga oo u sheegey in looga baahan yahay ka qayb qaadashada difaaca Puntland iyo Somalia guud ahaan.

 

Dhageyso Radio Garowe oo wax ka weydiiyey safarka Madaxweynaha Puntland la taliyaha xaga saxaafada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo Safar Ugu Baxay Itoobiya

September 1, 20100 comments| leave your own!

Share Madaxweynaha Puntland ayaa maanta safar aan horey loo shaacin ku aadey dalka Itoobiya, safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay in ay ku weheliyaan xubno ka tirsan xafiiskiisa.

 

Diyaaradda uu Madaxweynuhu raacey ayaa maalintii shalay soo gaartey garoonka diyaaradaha ee Garoowe, waxaana saarnaa Saraakiil ka socota dawladda Itoobiya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Madax badan oo ka tirsan Puntland, diyaaradda ayaa markii hore lagu sheegay in ay tahay mid ka dhexshaqeyn doonta Garoowe iyo Adis-baba laakiin habeenkii xalay ayey ku baridey Garoonka waxaana maanta horey u sii raacey wefdiga Madaxweynaha.

 

Warar aan ka helayno ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha safarkiisu uu ahaa mid deg-deg ah isla markaana salka ku haya wada tashi ku saabsan xaaladdaha amni ee ka jira koonfurta Soomaaliya iyo Puntland.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka warfaafinta Puntland oo aan ka waraysanay safarka M/weyne Faroole ee Adis Ababa, Ethiopia.

 

Garowe, Sept 01 - M/weyne Faroole iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta safar hawleed ugu kicitimay Ethiopia. Wasiirka warfaafinta Puntland C/xakiim M. Gu [...]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this