Cowke Posted October 17, 2009 Xagee Ku Jiheysan Yahay Mustaqbalka Siyaasadeed ee Xasan Daahir Aweys? (Faallo Siyaasadeed) Published on: October 16,2009 Garowe Time 11:47 am Hogaamiyaha ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaan u muuqda inuu hadda sii galayo ciriiri xagga siyaasada ah, ka dib markii ay muuqatey in ururkiisa uu ku guul dareystay in tartan awoodeed uu la galo Al Shabaab iyadoo sidoo kalana ay miro dhali waayeen dadaalo waanwaan ah oo Sheekh Xasan laftiisu uu la waday saraakiisha Al Shabaab. Tan iyo wixii ka dambeeyey markii bishii hore Xisbul Islaam ay ku jabtay dagaalkii magaalada Kismaayo ay kula galeen Al Shabaab waxa hoos u sii dhqacayey diiranaanta iyo kalsoonida xagga jiritaanka ee ururku uu heystey, taasi oo si weyn u soo shaac baxday markii saraakiil ka tirsan Xisbul Islaam oo weliba caan ahaa lagu dilay magaalooyinka Beledweyne iyo Muqdisho, dad badan waxaa u muuqday weliuba waqtiga adag ee ay dilalkaasi ku soo beegmeen. Inkastoo hogaanka Xisbul Islaam ay diideen in Sheekh Aadam C/salaam oo ahaa sarkaalka looga dilay Beledweyne uu iyaga ka tirsanaa, haddana waxay qireen in Sheekh Aadam C/raxmaan oo loo yaqaanay Daalibaan uu ka mid ahaa xubnaha sare ee hogaanka Xisbiga, waxaa xusid mudan in saraakiisha Xisbigu aysan weli cara baabin cida dishay sarkaalkaasi- xitaa haddii ay hoos ahaan u og yihiin. Marka dib loogu laabto bilawgii halganka looga horjeedo dowlada KMG ee uu hogaamiyo madaxweyne Sheekh Shariif oo mar isagu laftiisa abaanduule u ahaa kooxahan, waxaa iska cad in sida ay ku bilawdeen kooxaha dagaalamaya aysan hore u lahayn ajende degsan oo la isla ogol yahay oo hawshu waxay ahayd “aanu wadno dagaalka ka dibna eegno halka la gaaro”. taasi waxay hadda joogtaa Shabaab iyo Xisbul Islaam kee talada ku xaq leh? Dabcan su’aal kama taagna in labada urur is ku hadaf ka ahaayeen dhowr arimood oo aan ka xusi karo; - Shabaab iyo Xisbul Islam waxay ka mideysnaayeen dagaalkii Ethiopia. - Shabaab iyo Xisbul Islam waxay ka mideysnaayeen dagaalka DKMG. - Shabaab iyo Xisbul Islam waxay ka mideysnaayeen dagaalka ciidanka AMISOM. -Shabaab iyo Xisbul Islam waxay ka mideysnaayeen in dagaalka socda uu yahay jihaad. Hadaba, waxaa su’aashu tahay maxaa keenay khilaafka hadda u dhexeeya Shabaab iyo Xisbul Islaam? Ka jawaabida su’aashan waxaa laga yaabaa inay u baahan tahay tafaasiil dheerad ah iyo in wax laga weydiiyey rag labada dhinac ka tirsan, laakiin waxaa isku dayeynaa inaan si guud u sharaxno sababaha ugu waaweyn khilaafka. Intii ay socdeen dagaaladii hubeysnaa waxaa labada kooxood mid walba u muuqatey baahida uu u qabo kan kale mar haddii ay jirtey dagaal iyaga ku wada socda oo dhinacna aanu dhaafi doonin, sidaasi awgeed in iyaga dhexdooda (Shabaab iyo Xisbul Islaam) ay isku jeedsadaan waxay ku ahayd guul daro. laakiin waxaa hadda muuqata in marxaladaasi laga soo gudbay, madaamaa ay gobolada iyo degmooyinka dalka intooda badan qabsadeen waxaa soo if baxay han ku saabsan awood qeybsi. Waxaa taasi dheer in Al Shabaab ay muujisay inay tahay awood ka xoog badan Xisbiga, jabka dagaalkana kaga badneyd sidaa awgeedna meel kasta oo la qabsadey taladeeda wax laga weydiiyo loogana dambeeyo, taasina Xisbiga way u cuntami weysey. Saraakiisha Al Shabaab waxay weligoodba dareen xasaasiyad wata ka qabeen Xisbul Islaam oo ay u arkaan urur isku wada siyaasad iyo diin aan is lahayn waxayna meel adag iska taageen in wax badan oo ka mid ah arimaha socda lug ku yeeshaan. Dhinaca Xisbul Islaam, walow ay qeyb ka yihiiin dagaalka ka dhanka DKMG hadana kuma raacsana Al Shabaab wax badan oo ka mid arimaha socda, waxaana ugu horeeya in Xisbigu ogol yahay in ay wada socon karaan dagaalka iyo wada hadalka oo la is bar wadi karo, laakiin Al Shabaab in lala xaajoodo DKMG waxay u tahay in lala hadlo “GAALO”. Ragga ku jira Xisbiga waxaa ka muuqata dhaqan siyaadeed diin ku maldahan, aas aaskii Xisbigana kama fogeyn in siyaasad wax lagu doono. Taasi waa mida dhalisay in qaar badan oo ka mid ah raggii hubeysnaa ee Xisbul Islaam ay ku biireen dhinaca dowlada sida Yuusuf Indha Cadde oo markii dambe xilka wasiiru dowlaha gaashaanmdhiga loo magacaabay, arintan Shabaab waxay ku dhalisay shaki weyn oo ay ka qadeen mabda’a Xisbiga, caro badana way ka qaadeen. Hawlgalada labada kooxood ay wada galaan waxaa sida la fahmi karo ku jirta kala qeybsanaan mug leh, tusaale dhinaca Xisbiga waxaa Al Shabaab ku eedeysaa inay baneeyeen dhowr goobood oo ay hore u qabsadeen, waxaa taa la socota in dad badan oo ay qabteen maleeshiyaadka Xisbul Islaam ay siidaayeen. Sarakiisha Al Shabaab waxay ka hor yimaadeen qorshihii lagu siidaayey sarkaal France ahaa ee laga soo qafaashay hotelka Saxafi 3 bilood ka hor iyagoo oo labo ah, kaasi oo sida la sheegay oo lacag laga qaatay, halka sarkaalkii labaadna weli uu ku jiro gacanta Al Shabaab. Bishii September Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu socdaal dhinaca dhulka ah oo uu kaga ambabaxay Muqdisho ku aaday gobolada dhexe si uu u qabanqaabiyo xarun Xisbigu leeyahay fadhina u noqota guud ahaan Xisbiga, laakiin waxaa qorshahaasi hor istaagay Al Shabaab, iyadoo rag ay ka mid yihiin Sheekh Muhktaar Roboq iyo Sheekh Fu’aad Shongole ay kula kulmeen Xasan Daahir degmada Jalalaqsi unasheegeen inuu dib u laabto. Al Shabaab waxay shaki ka qabeen hawlgalka Xasan Daahir oo ay u arkeen inuu keeni karo in gobolada dhexe oo ay ku jirto Hiiraan iyagana qeybo badan ka joogaan uu carqalad ku noqdo. Waxa iyaduna is faham la’aan ka jirtaa weli sida loo kala maamulayo qeybaha badan ee ay labada dhinac ka wada joogaan Muqdisho, waxay arintan banaanka timid markii rag si dhow ula socda arimaha kooxahan ay kula taliyeen Xasan Daahir inuu Muqdisho ku yeesho baro cayiman oo maamulkiisa hoos yimaada markaasna ku gorgortamo. Kulamo dhowr ah oo arintan laga yeeshay ayaa Al Shabaab ragga ugu sareeya gaashaanka ku dhufteen, waxaana la aaminsan yahay inay tani ahayd tallaabadii ugu horeysey ee Sheekh Xasan uu ka niyadjabo, wixii xilligaas ka dambeeyeyna waxa uu Sheekhu u guuray degaanka Ceelasha biyaha oo dadkii barakacay ay u guureen halkaasi oo uu saldhig iyo maamul degmo uu ka abuuray. Maamulka Al Shabaab ee gobolka Banaadir oo Ceelasha biyaha ay u tahay wadada ay u maraan gobolada Koonfureed ayaan arintaasi aqbalin, wuxuuna u diray ciidamo degaanka Ceelasha biyaha si joogitaanooda uga muuqdo iyagoo canshuurna ku soo rogay. Al Shabaab waxay maamushaa degaano badan sida Muqdisho inteeda badan, Bay, Bakool, Labada Shabeelle, Gedo iyo qeybo ka mid ah Hiiraan oo dhamaantood aan wax talo ah laga siin Xisbul Islaam maamuladooda, sidaa darteed Xisbiga waxaa ku adkaatay in Jubooyinkana ay u daayaan Al Shabaab. Marka la kala saaro goobaha ay wada joogaan labada urur waxaa iyana jirta in ay kala muhimsanaayeen, Magaalada Kismaayo waxa dhinac walba uu u arkaa meel istiraatiiji ah oo leh deked wax lagala soo degi karo lagana dhoofin karo, gaar ahaan hubka isla markaana leh dakhli wax lagu socodsiiyo sidaa awgeed Shabaab way ka daadegi weysey in meeshaas wax lagala cuno. Waxaa xusid mudan in Xisbul Islaam ay aaminsanaayeen hab maamulka Kismaayo lagu wadaago qaab qabiil, laakiin ma ahayn mid hore u hirgashay waayo bishii August ee sanadkii hore ayey ahayd markii ay labada dhinac qabsadeen Kismaayo habka maamulkana waxaa waagaasi ka dhashay muran markii dambe lagu xaliyey in maamulka loo dhiibo dad ka so jeeda beelaha kale ee aan gobolka u dhalan, waxaana loo ballamay in mudo ka dib la sameyn doono maamul ballaaran oo laga wada dhex muuqdo. Saraakiisha Xisbiga ee uu hormuudka u ahaa Axmed Madoobe waxay u arkeen in Shabaabka Kismaayo talada maroorsadeen sidaasi darteedna aan awood lagula xaalo maahee xal kale jirin arintaas waxay cirka ku shareertey shakigii dhinacyada u dhexeeyey. Al Shabaab wallow dullaanka Axmed Madoobe ay ku micneysey mid keligiis ah, hadana waxay u aragtay mid gardaro ah ayna mudan tahay in “lala jihaado” waxayna dhalisay dagaal maalin cad ka dhex qarxa labada dhinac. Hogaamiyaashii labada dhinac oo arintan aan la dhacsaneyn, gaar ahaan kuwii Xisbiga waxay Shabaab weydiisteen xabbad joojin iyo in Kismaayo wax laga siiyo laakiin Shabaab go’aan adag ayey ka qaateen in Kismaayo gorgortan gasho. Sheekh Xasan Daahir Aweys tan iyo intii uu ka yimid Eritrea sanadkan hotaantiisii wuxuu ku rajo weynaa in markan ay tahay xilligii ugu dhowaa ee kursiga heli karo, ayaa hadda ay talada ku ciirsan tahay. Al Shabaab maanta diyaar uma aha inay hoos yimaadaan maamul Xasan Daahir hogaamiyo oo madaxweyne ka yahay, waayo halganka ay soo galeen ma ahayn mid u adeegaya Xasan Daahir, sida uu isaga u heystey. Dadka ka faalooda arimaha siyaasada ee dalka waxay qabaan in hadda ay u badan tahay in Sheekhu uu ku dhaqaaqo saddex arimood midood; 1- Inuu ka aamuso dhamaan waxyaabaha socda oo uu uga dambeeyo Al Shabaab, markaasina wuxuu halis ugu jiraa xabada Al Shabaab ee maalinba dhinac u socota. 2- Inuu dalka ka baxo oo uu xaalada siyaasada dusha kala socdo. 3- Ama inuu qaato go’aan lama filaan ah oo uu ku biiroi DKMG, kana qaato xil sare sida ragii ka horeeyey, si kastoo loo cambaareeyo. Dabeecada golaha siyaasada ayaa ah khasaare iyo faa’iiido, la yaabna ma leh in shakhsi meel lagu ogaa meel kale lagu arko, oo taasi oo waa caadada siyaasada. Xasan Daahir waa nin lagu yaqaan ad- adeyg, gaar ahaan go’aan qaadashada, laakiin taasi waxaa laga yaabaa inay ka awood badiso marxalada hadda uu ku jiro oo ah “labo daran mid dooro”. W/Q: Faarax Cali Quote Share this post Link to post Share on other sites