General Duke Posted September 7, 2009 Wararka ka imaanaya xarunta Gobolka Hiiraan, ee Beledweyne ayaa wax ay sheegayaan in halkaas ay gabi ahaanba isaga baxeen dhammaan Ciidamadii dowladda iyo Kooxaha Mucaaradka ee Ururka Al-shabaab. Dadka degaanka ayaa Horseed Media u sheegay in ka bixitaanka Ciidamadda Dowladda ee Beledweyne ay timi Xilli dhawaan xaafado ka mid ah Beledweyn ay la wareegeen ciidamo ka tirsan Kooxaha Al-shabaab ee ka soo horjeeda jirtaanka Dowladda Soomaaliya. Axmed Macalin Cali oo ka tirsan dadka degaanka ayaa sheegay in gabi ahaanba Magaaladda si weyn looga dareemay dhaq dhaqaaqyo ay wadaan Kooxo aan la aqoon cida ay ka amar qaataan kuwaas oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo dhex wareegaya Magaaladda Beledweyne. Hasse ahaatee waxaa Magaaladda Beledweyne ku sugan Maleeshiyaad uu wato Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ee ka baxay dowladda kuwaas oo aan la aqoon cida ay si rasmiga ah uga amar qaataan. Beledweyne ayaa haatan ah meel aan Maamul ka jirin wallow saakay ay dadku bilaabeen in ay aadan Dugsiyadda Waxbarashadda iyo goobaha ganacsiga oo caadi ah, iyadda oo ay jirto cabsi weyn ay haysto dadka degaanka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 7, 2009 Baladweyn: Maamul la'aan ka taagan magaalada Baladweyne....Warbix in... 7. september 2009 Baladweyn(AllPuntlan d)- Magaalada Baladweyne ee bartamaha dalka Soomaaliya waxaa ka jirta saaka Maamul la'aan markii ay magaalada ka baxeen Maleeshiyo taageersanaa dowladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo Maleeshiyaad qabaa'il, ayadoo aan la garan karin ujeedada bixitaankaasi. Dadka waxgaradka ah ee magaalada Baladweyne ayaa sheegay in ay qabaan wlaaac culus oo ku aadan xaaladahan ku soo kordhay magaalada Baladweyne, waxaana magaalada Kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya ay ka wadaan Abaabul dagaal oo ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan cid walboo soo faragalisa gudaha magaalada Baladweyne. Waxgaradka gobalka Hiiraan ayaa wada hadalo ay doonayeen in ay ka yeeshaan xaaladaha ku soo kordhay ay qabsoomi waayeen, markii ay cabsi xoog leh ka soo wajahday xaalada amaan ee magaaladaas, oo aysan jirin hada taladeeda gacanta ku heysa, ayadoo ay jiraan tafaasiilaad xaqiijinaya in ay jiraan Siyaasiin gobalkaas udhalatay oo dooneysa in ay la wareegto hogaanka magaalada. Ciidamada Al- Shabaab oo shalay qabsaday meelo ka mid ah magaalada Baladweyne ayaa muujinaya dhoolatusyo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan magaalada Baladweyne, waxaana magaalada sidoo kale jooga gaadiid dagaal uu leeyahay gudoomiyaha gobalka Hiiraan Sheekh C/rixmaan Macow oo dhawaan sheegay in uusan taageersaneyn dowladda Faderaalka ee Soomaaliya. Macow ayaa usheegay Saxaafada Soomaalida in uusan ka mid aheyn Al- Shabaab,balse ay go'aansadeen in aan la fulin dagaal, isla markaasna ay Al- Shabaab iyo Beeshiisu isku afgarteen in la joojiyo talaabo kasta oo dagaal looga abuuri karo gudaha magaalada Baladweyne, wuxuuna cadeeyey in uu aad uga soo horjeedo ciidamada dowladda Itoobiya oo soo gala gudaha magaaladaasi. Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa hada jooga deegaan aan waxba ka fogeyn magaalada Baladweyne, oo la yiraahdo deegaanka Kalabeyrka, oo ay joogaan Maleeshiyaad taageersan hanaanka Siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya, waxaana sidoo kale ay warar soo baxayaa ay sheegayaan in ay ciidamada dowladda Itoobiya ay maagan yihiin dagaal ay ku qaadaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. F. C. Maxamed AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
ANWAR Posted September 7, 2009 YOU ARE FUNNY DUCK, cuz you never post negativ news abut YEEY but know wenn some negativ news coms you ARE FIRST Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 7, 2009 ^^^Adeer you are funny because you are still making excuses after 8 months. Yusuf Yey never lost a single town when he was President let alone his base. Sharif Ahmed today can not control a single town including his base, his birthplace. Nothing negative old boy, this is the truth. Quote Share this post Link to post Share on other sites