Sign in to follow this  
General Duke

BUURTINLE : Peace meeting starts..

Recommended Posts

BUURTINLE : Shirkii heshiisiinta beelaha Cagaare oo maanta furmay

Posted to the Web Apr 29, 16:36

 

Buurtinle.jpg

 

Buurtinle:-Waxaa maanta magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal ka furmay shir ballaaran oo lagu heshiisiinayo beelaha dhawaan ku dagaalamay deegaanka scagaare.

 

Shirkan , oo ay isku yimaadeen dad aad u badan oo magac iyo mansabba ku leh gobolka oo isugujira Issimo , Siyaasiyiin , Aqoonyahan iyo Waxgarad kale , ayaa waxaa laga filayaa in la sameeyo dhexdhexaadin rasmi ah.

 

Islaan Bashiir Islaan C/lle ka mid Issimada Puntland ayaa sheegay in uu quudaraynayo in la dhammeeyo colaada labada beelood ee walaalaha ah ee Cagaare.

 

Wuxuuna sheegay in ay labaduba yihiin dad walaalo ah oo ood-wadaag ah , sidaasdarteedna ay lagama maarmaan tahay in heshiis gaaraan.

 

Furitaanka shirkan , ayaa ka dambeeyay shir gogol-xaar ah oo dhawaan reer nugaaleedku ay ku qabteen magaalada Garoowe , kadib markii ay Caasumaad u fidiyeen Islaan Ciise iyo Suldaan Siciid beelaha , islamarkaasna ay cod kalsooni ah ka qaateen beesha

 

Shirkan , ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro go’aamo soo afjara dagaalka salka ku haya la haansho deegaan , ee ay ku geeriyoodeen 10 qof 9 kalana ay ku dhaawacmeen , kaa soo beelaha Cumar Maxamuud iyo Bah-hararsame ku dhexmaray deegaanka Cagaare.

 

 

 

Axmed C/salaam

 

Garoowe , Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulan Heshiis ah oo maanta ka furmey Buurtinle

Last Updated::2007-04-29 22:50:26

 

Buurtinle:-Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa manta ka furmey Shir Nabadeyn ah oo lagu heshiisiinayo Labo Beelood oo dhawaantaan Dirir ay ku dhex martey Deegaanka Cagaarre.

 

 

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galey Maamulka Puntland, odey dhaqameedyo, waxgarad, aqoonyahano, Dhalinyaro, iyo Haween ka kala socdey dhamaan Deegaanada Puntland.

 

Waxaana u jeedadiisu ay ahayd sidii loo soo afmeeri lahaa khilaafaad soo noq noqdey oo sababey iska hor imaad dhimasho iyo dhaawac Geystey.

 

Shirkaan ayaa waxaa Gogol xaar u ahaa shir dhawaantan ka dhacay Magaalada Caasimada ah ee Garoowe kaas oo ay ku yeesheen dadka ku dhaqan Deegaanka Nugaal, waxaana uu u ahaa hor dhac shirkii Maanta la isugu yimid.

 

Ajandayaasha Shirka ayaa Maalinta Berito ah la rajeynaya in la wada Gorfeeyo, iyada oo manta uu ahaa kulankaan Furitaan iyo is bariidin.

 

Deegaanka Cagaarre waa Deegaan ay ku badanyihiin dad xoolo dhaqato ah waxaana uu ku yaalaa Deegaanka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

 

Waxaana horey oga dhacay iska hor imaad aan sidaas u Buurneyn, waxaana ay isku qabteen dadka halkaas dega oo reer Puntland ah Dhul Baraageed.

 

Waa ismaan dhaaf kii ugu weynaa ee Dadka Reer Puntland dhex mara waayadaan, waxaana la filayaa in kulankaan uu ku soo Afmeermo jawi is afgarad, Maadaama ay Reer Puntland-tu ku can baxeen is Faham, Balaaran taas oo keentey in ay sameystaan maamul iyaga u gaar ah oo ay ku xalistaan waxii Khilaafaad ah ee dhexyaal, si nabdoon.

 

 

Mohamed Ali (Dalmar)

mohamedali11@gmail.com

Horseednet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Great news, I really have to comment Islaan Ciise Islaan Maxamed and Suldaan Saciid Maxamed Garaase for this latest endeavour of theirs to pacify the two brotherly clans that had a disagreement with one another.

 

I'm positive that a lasting settlement will be reached inshallah. I have also to thank the local government of Nugal district for facilitating this latest initiative and I hope for a good outcome inshallah.

 

The way to go.

 

Nabada Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this