Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Minister: Somalilanders in Somalia should repent and come back

Recommended Posts

Hargeysa (Qarannews)-Wasiirka Wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland, Mudane Cali Maxamed Warancadde, ayaa Madaxwayne ku xigeenka Dawlad goboleed Puntland Xasan Daahir Af-qudhac,

oo ka soo jeeda gobolka Sanaag ee Somaliland, ugu baaqay inuu isaga yimaado Puntland, isla markaana uu Kaadhka Jinsiyada qaato inta aanay diwaangalintu dhammaan, isla markaana waxa uu Waran-cadde ku eedeeyay inuu warbaahinta ka sheegay hadalo dhibaato ka dhex ridi kara bulshada reer Somaliland.

 

Wasiirka Duuliska hawada iyo gaadiidka Cirka, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde, sidoo kale waxa u soo jeediyay baaq inay toobadkeenaan ah, shaqsiyaadkaa ka soo jeeda Somaliland ee arimaha siyaasadeed u jooga dalka Soomaliya, kuwaasi oo uu u soo jeediyay in ayna kuraasta ka buuxin dadka reer Soomaliya, balse dalkooda yimaadaan.

 

Mudane Cali Maxamed Waran-Cadde, waxa uu hadalkan ka sheegay Munaasibad uu soo diyaariyay Ururka SRC, taasi oo uu Ururku shahaado sharafyo ku guddoonsiinayay Shirkado Madax banaan iyo Wasaarado ay mid tahay Wasaarada duulista hawado.

 

Mudane Waran-Cadde oo ugu horeyn ka hadlaya arimaha diwaangalinta ee ay Puntland, soo fara galisay ayaa waxa uu yidhi "Doraato waxa dhacday in goboladeena qaarkood ay kuwa aynu dariska nahay ee daladoodii iyo dantoodii ka soo bixi waayay ay isku dayeen inay carqaladeeyaan in ayna diwaangalintu ka qabano goboladeena qaarkood, oo ay isku dayeen inay cudud milatari ku muquuniyaan, hase yeeshee waxa nasiib wanaag ah in aynu ku guulaysanay dawlad iyo shacabba in aynu riixno kuwa warxumo tashiilka ah ee xasadka ah ee ka hadlaya arimaha noocaas ah, oo maanta meelihi ugu danbeeyay ee gobolada bariga fog ee Sanaag ay ka socoto diwaangalintii, runtiina taasi ayaa ah wax la soo qaado, taasi oo aynu dawlad iyo shacabba aynu meel uga soo wada jeedsanay"

 

Wasiir Waran-Cadde oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi "Waxa kale oo xusid in nin ka soo jeeda, oo la yidhaa Af-qudhacle, oo doraad ka hadlayay Idaacada BBC-da, oo hadalo naxli leh, oo aad moodo inuu isku dirayo dadka walaalaha ah ee reer Somaliland oo uu u kala sheegayo Haybo iyo Isir oo uu doonayo inay dhibaato ka dhex dhacdo, hase yeeshee laga guulaystay oo wixii uu sheegayay ay noqdeen waxaan waxba ka jirin, waxaanan isaga laftigiisa leeyahay waar haku habsaamin meesha aad joogto'e inta ayna diwaangalintu kaa dhamaane, kaaley oo ku soo biir dadkaaga, oo ka qayb qaado horomarka oo Kaadhka jinsiyada qaado"

 

Sidoo kale Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka, waxa uu siyaasiyiinta Somaliland ee jooga Soomaaliya ugu baaqay inay dalka dib ugu soo laabtaan dalka "kuwa kale ee isaga la midka ah ee reer Somaliland, ee Soomaliya ku maqan ee iyaga laftigoodu fadqalalada ku ah dadka aynu walaaha nahay ee ay dhex joogaan ee kuraasidii ay ku heshiin lahaayeen buuxiyay, iyagana waxaan leeyahay waar dadkaasi ha heshiiyaane uga kaalaya Kuraasidooda iyo Manaasiibtooda, kaalaya dalkiina ayaa idin qaadaya oo idinku filan, iyagana waxaan ugu baaqayaa, malaha qaarkood dhagtaaba dhiiga loo daray dhawaane, inta danbana intayna waxyeelo soo gaadhin inay dhakhso uga yimaadaan".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this