BN Posted August 4, 2003 Odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka Sool oo ku sii jeeda shirka dib u heshiisiinta Isniin, 04 August, 2003 In ka badan 10 oday dhaqameed oo ka tirsan kuwa ka soo jeeda magaalada Laas caanood ee gobolka Sool qeybta laga taageersan yahay maamulka Puntland ayaa maanta soo gaaray xarunta maamul goboleedka Puntland ee Garowe. Odayaashan oo ku sii jeeda madasha shirka dib u heshiisiinta ee Mbagathi ayaysan maanta u suurtagelin in ay u dhoofaan magaalada Nairobi, kadib markii ay imaan weysay diyaaraddii qaadi lahayd. berri ayaa lagu wadaa in ay odayaashaasi ka qaado magaalada Garowe diyaarad khaas ah oo uu u soo dirayo guddiga farsamada IGAD oo dhawaanahaanba ku mashquulsanaa sidii uu shirka ku geyn lahaa odayaal dhaqameedyada soomaalida oo loo arkay in aanan looga maarmin wejiga seddexaad ee shirka dib u heshiisiinta oo ah mid awoodda dowladda mustaqbalka soomaaliya lagu qeybsanayo. Odayaashan ayaa waxaa hoggaaminaya Garaad Suleymaan Garaad Maxamed Maxamuud, iyadoo ay xubno ka yihiin Garaad Abshir Saalax, Garaad C/llaahi Daba-gooye iyo kuwo kale, waxayna marka ay gaaraan madasha shirka dib u heshiisiinta ay ku biiri doonaan hoggaamiye dhaqameedyada lagu casuumay in ay wax ka soo dhisaan dowladda la filayo in ay ka soo baxdo shirka dib u heshiisiinta. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online saladxiis@yahoo.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites