Sign in to follow this  
General Duke

News from Puntland Somalia...

Recommended Posts

BOOSAASO : Xassan Aloore “ bil gudaheed baan ku bilaabaynaa hawlaha shidaalka iyo Macdan soo saarinta Puntland"

Posted to the Web Feb 09, 14:28

Boosaaso:-Wafdi uu hogaaminayo M.waynaha Puntland Cadde Muuse Xirsi oo uu ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wakiilada Shidaalka iyo Macdanta Puntland Xassan Maxamuud Cismaan (X.aloore) oo muddo dalka dibadiisa ugu maqnaa safar-shaqo oo la xiriira arimaha soo saarista khayraadka dalka ayaa maanta dib ugu soo laabtay Puntland waxaana Puntlandpost warbixin ku saabsan safarkooda dibada ee madaxdan siiyay Xassan Aloore.

Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Shidaalka iyo Macdan-baarista Puntland ayaa sheegay in ay shiirkado waawayn ay la kulmeen isaga iyo M.waynaha mudadii ay joogeen magaalada Dubai ku waa soo ay ka wadahadleen arimaha soo saarista khayraadka dalka wuxuuna sheegay in uu rajaynayo in ay muddo bil-gudaheed ah ay dalka ku yimaadaan iyakoo wata qalabkoodii.

Aloore wuxuu sheegay in Shirkada Conmax ay iminka haysato muddo bil ah xiliga lala balamay in ay hawlaheeda ay ka bilowdo Puntland sidaasdarteedna ay si dhakhso ah ka shaqa bilaabayso gudaha dalka.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in ceelasha ugu horeeya ay shirkaduhu ka bilaabayaan dooxada Nugaaleed ( Nugal Valley ) halkaasi oo ay ku yaalaan ceelal muhiim ah islamarkaana lagu xijin doono deegaanka dharoor.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay iminka si toosa ay u bilaabayaan qaadashada shaqaalihii ku haboonaa shaqada ay Wakaaladdu ay qabanayso wixii ka dambeeya qorista shaqaalahana ay Wakaaladdu ay hawlaheeda ay si caadi ah u bilaabayso haddii Eebe idmo.

Puntlandpost.com

Share this post

Link to post
Share on other sites

cadde.bmp

Madaxweynaha maamul goboleedka puntland ayaa maanta soo gaaray magalada Boosaaso

Last Updated::2007-02-09 17:08:28

Boosaaso;-Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso

Madaxweynaha ayaa soo maray dalal ay ka mid yihiin Jarmalka iyo Imaaraadka Carabta, waxaana safarka Madaxweynaha ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Xassan Cismaan Maxamuud Alloore.

Madaxweynaha waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Cali Yusuf, Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo Caasho Geele Diiriye, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda, Gudoomiyaha Gobolka Bari, Duqa Deg.madda Bosaso, Ururadda Bulshada , Isimadda Gobolka iyo dadweyne aad u faro bada.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ku qaabiley Xarunta madaxtooyadda wefdi ka socdey Dalka Jabuuti wefidgaan ayaa ka socdey dekadda Jabuuti, waxa ayna ku sugnaayeen muddo afar cisho magaalada Bosaso oo baaritaano aad u badan ku sameeyay dekadda Bosaso, waxa ay madaxweynaha u sheegeen in ay dib u habayn weyn ku samaynayaan dekadda, ayna doonayaan in ay la sameeyaan iskaashi wanaagsan dawladda Puntland lana doonaayo in labada dekadood ee Jabuuti iyo Bosaso in ay wada shaqeeyaan wefdigii ka yimid dalka Jabuuti ayaa isla maanta dib ugu noqdey Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ayna sheegeen in muddo yar kadib ay dib ugu soo laabanayaan Bosaso ayna ka hawlgalayaan Dekadda Bosaso.

Maxamed maxamuud welcome

Horseednet.com

Wafdi ka socda dawladda Puntland oo u amba baxay Baargaal iyo Caluula

Last Updated::2007-02-09 12:37:41

Bosaso:- Wafdi ballaaran oo ka socda dawlad goboleedka Punltand ayaa maanta u amba baxay degmooyinka Baargaal iyo Caluula

ee gobolka Bari, kaas oo ah wafdigii ugu ballaarnaa ee ka socda dawladda Puntland ee booqda deegaannada ku yaal cirifka bari ee Puntland amaba gobolka Bari.

Wafdigan ayaa waxay ku hor mari doonaan degmada Baargaal ee xeebta badweynta India, iyagoo markaasi kadib uga sii gudbi doona magaalada Caluula oo dhacda xeebta Badda Cas si halkaasi looga hir geliyo golayaasha deegaanka degmooyinka.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ahna guddoomiyaha guddiga dhismasha golayaasha degmooyinka Puntland, Cali Cabdi Awaare, waxana kamid ah wafdiga, wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta, dalxiiska iyo dhaqanka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, guddoomiye kuxigeenka kowaad ee gobolka Bari, Yuusuf Muumin Bidde, iyo duqa degmada Caluula Xareed Cartan iyo shakhsiyaad kale oo doonaya in ay degmooyinkaas daraasad iyo xog ururin ku soo sameeyaan.

Degmada Baarlgaal ahaa ah degmo taariikhi ah taas oo ah meeshii ugu horreysey ee maamul laga sameeyo kana mid ah meelaha ay xadaaraha Soomaalidu ka soo bilowdeen sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Dr Bangax.

Degmada Caluula ayaa iyana ah mid kamid ah degmooyinka ugu faca weyn gobolka Bari, waxana ay ku taal Raasi Casayr oo ah halka ay iska galaan Badda Cas iyo Badweynta India, ahna meel istaraatiiji ah.

Maxamuud Faarax Bile

HorseedNet.com

Share this post

Link to post
Share on other sites
nuune   

Cadde spends most of his time in Imaaraadka, I don't know why but could be his health related stuff or signing with new contracts for nothing, but waxaan la yaabey ninkan socod baa diley walina wax uu achieve gareeyeyna ma arkin.

diyaarad lee ma la sii raacaa lagana soo dagaa mar kasta.

aawey dadkii afganbiga yaqaaney, mey iska eryaan ninkan dhogortu bislaatey

Share this post

Link to post
Share on other sites
Ms DD   

Cadde waa iska jiroole nuune. U ducay odeyga.

I am really against this venture. I would have preferred for the TFG to start the ball rolling when things settle and start functioning with all factions onside. Even the revenues from this venture isnt distributed fairly. We all think we had problems, but the day oil and macdan is found, that is the day aan eedi doono.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this