Sign in to follow this  
Sharmakee

Qeybdiid and Xiis Meeting warlords

Recommended Posts

Cabdi Qeybdiid iyo Xiis Cali oo ku sii jeeda deegaanka Qurac Joome ee gobolka Bakool, halkaaasoo lagu uruuriyo maleeshiyaad qas ka abuuraya dalka Soomaaliya.

 

 

C/waaq, 25-October-06 ( Qaadisiya.com) Col. Cabdi Qeybdiid iyo taliyaha ciidamada Puntland ee magaalada Gaalkacyo Xiis Cali ayaa lagu soo warramayaa in ay u baqooleen dhinaca deegaanka Qorac JOome oo fariisin u ah maleeshiyaad nidaamka Tikreega uu ugu tala galay in lagu soo weeraro shacabka Soomaaliyeed iyo golaha maxkamadaha islaamiga si halkaasi ay kulamo ugu la soo yeeshaan ragga ku hawlan uruurinta iyo diyaarinta maleeshiyaadkaasi oo uu ka mid yahay Maxamed Dheere.

 

Col. Cabdi Qeybdiid oo ka mid ah haraadigii isbahaysigii bur buray ee islaam la dirirka iyo dawladda Puntland oo uu maalgelinayo nidaamka Tikreega ayaa waayahanba ku hawlanaa sidii xasilooni darro looga abuuri lahaa goobaha nabdoon oo maxkamadaha islaamiga ay ka taliyaan si mar kale shacabka Soomaaliyeed aaney ugu ladin nabada haatan ay haystaan.

 

Socdaalka Qeybdiid iyo Xiis Cali ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii iskaashi uu u dhex mari lahaa qab qablayaasha kale ee uu taageerada la garab joogo nidaamka kala taliska Meles Zenawi oo ayagana dhankooda diyaar garaw ballaaran ugu jira sidii loo wiiqi lahaa amniga ka jira goobaha maxkamadaha islaamiga ay ka taliyaan.

 

Cabdi Qeybdiid iyo ninka la socda oo dhawaanahan socdaalo ku soo kala bixiyay degmooyinka Cabudwaaq iyo Balanbale ayaa la filayaa in ay kulamo la qaataan Maxamed Dheere iyo raga kale ee ku wehliya u adeegida cadwaga Soomaaliyeed,waxa ayna sidoo kale kulamo la qaaadan doonaan saraakiisha Tikreega ee ku sugan deegaanka Qorac Joome ee gobolka Bakool.

 

Dhaq dhaqaaqyadan ay wadaan Cabdi Qeybdiid iyo taliyaha ciidamada Puntland ee magaalada Gaalkacyo ayaa qeyb ka ah abaabul ballaaran iyo shirqoolo loo maleegayo shacabka Soomaaaliyeed si looga hor istaago xoriyada iyo nabada uu haatan haysto isla markaana uu u noqda mid hoos yimaada gumeystaha Tikreega.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka aanu ka heleyno degmada Ballan Balle ayaa sheegaya in halkaasi xalay ay gaareen ciidam aad u fara badan oo Etrhiopian pp ku hubeysan gawaarida dagaalka ee lagu yaqaano Ciidamada Ethiopian-ka.

Ciidamada Ethiopian-ka ee gaaray Ballan balle ayaa la sheegayaa in ay kulamo la qaateen in Hogaamiye kooxeedka Col.Cabdi Xasan Cawale Qeybdiid iyo taliyaha Ciidamada daraawiishta maamul goboleedka Puntland.

 

Inkastoo aan la ogeen waxyaabihii ay kawada hadleen labada dhinac ayaa hadane waxaa warar soo baxaya ay sheegayaan in Ciidamada Ethiopian-ka ay kala xaajoodeen dhinacayada Somalida ah qaabkii loo adkeyb lahaa Xuduuda gobolada Dhexe Somaliya.

 

Ciidamada gaaray deegaanka Ballan Balle ayaa xoojin u ah ciidamo kale oo ka socda Ethiopia kuwaasi oo mudo bilal ah ku sugnaa degmada Ballan Balle halkaasi oo fariisimo ay ka dhigteen.

 

Dhawaan ayey aheyd markii C/Qeybdiid iyoi Xiis Cali ay gaareen degmada Caabud Waaq,halkaasi oo ay kulasoo hadleen qaar kamid ah masuuliyiinta waxgaradkaasi.

 

C/Qeybdiid iyo taliyahaasi katirsan maamul goboleedka Puntland aya qeyb ka ah olole dagaal oo ka dhan ah Maxkamadaha islaamka oo ku sugan Gobollada Dhexe,iyagoo gacanb buuxda ka helaya ciidamada Ethiopian-ka ee fariisinta ka dhigtay deegaanka Ballan Balle.

 

Ciidamada Ethiopian-ka ee soo gaaray degmada Ballan Balle ayaa qeyb ka ah ciidamo boqollaal gaaray oo dowladda Ethiopia ay soo galisay gudaha Somaliya tan iyo markii uu xumaaday xiriirka ka dhaxeeya dowladda FS iyo Golaha Maxaakimta Islaamka

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

when people speak their mind,they are simply overeacting eh?

 

They are reacting to the actions of the evil doers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Ethiopians you mean! They are destined for defeat IA, i say. Those objecting to these two warlords have a very good reason to do so: that community need not be used and made someone else's cats-paw!

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^I was refering to Horn' comments--and yes most definately,the warlords such as Qaybdiid,the Baidhabo gang as well as the Ethiopians are the evil doers.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Temujin   

Listigaas waa been. Dad badan aan aqaano ayay magacooda iska soo qorteen. Midkuu surwaal gaab ah oo sheekada dhabta ah oo Somalia ka jirta la socon ayaa qore malaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this