Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Audio report interview with a Suldan, Beeldaaje Ugaas at NRC

Recommended Posts

yes indeed mr duke amezing interview.

 

Beeldaaje aad baan ufaraxsanahay.

 

Suldaanka. Inalaah ma casaabiriin (waa haadal xikmad badan) Nabada halaga shaqeeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ergada Goballada Puntland ee Muqdisho Jooga oo sheegay in soo dhaweyn wanaagsan ay kala kulmeen shacabka Muqdisho.

 

Qaar ka mida ergada ka qeyb qaadaneysa wada hadallada dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida ee Jooga magaalada Mqudisho kana yimid Gobalalda Puntland ee Soomaaliya ayaa sheegay in aysoo dhaweyn aad u wanaagsan kala kulmeen shacabka reer Muqdisho markii ay magaalada soo gaareen.

 

Qaar ka mida ergada ka qeyb qaadaneysa wada hadallada dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida ee Jooga magaalada Mqudisho kana yimid Gobalalda Puntland ee Soomaaliya ayaa sheegay in aysoo dhaweyn aad u wanaagsan kala kulmeen shacabka reer Muqdisho markii ay magaalada soo gaareen.

 

C/casiis Dalmar oo ka mida samadoonnada ka yimid Puntland oo u warramay shabakadda wararka carmooyin.com aya sheegay in tan iyo dhabaha diyaaradaha Aadan cadde ilaa iyo Hotelka ay magaalada ka dageen ay arkayeen shacab farabadan oo wadooyinka taagan oo salaan iyo soo dhaweynba siinayay,tasoo uu sheegay in ay tahay arrin aad u farxad gelisay

 

"Waxaanu ogaanay in dadku aanay is necbeyn ee la isku dirayay,Soomaaliduna waa walaalo kalamana maaranto"ayuu si farxad leh u yiri C/Casiis Dalmar oo shabakadda carmooyin.com u warramayay isagoo jooga Hotelka Madiina ee Magaalada Muqdisho oo haatan ay dagan yihiin qaar ka mida ka qeyb galayaasha kulan weynaha dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed.

 

C/Casiis Dalmar waxaa uu ka dhawaajiyay in wafdigooda ay horkacayaan salaadiinta reer Puntland qaar ka mida,waxana uu intaa ku daray in ay shirka Soomaalida ka rajeynayaan in uu kusoo dhamaado Guul iyo is afgarad.

 

"Shirkani waxaa uu kaga duwan yahay shirarkii horay u dhici jiray in uu yahay shir ay ka qeyb galayaan samadoonno doonaya in Soomaaliya ay nabad waarta hesho,halka kuwii ka horeeyay ay ka qeyb gali jireen qab qablayaal dagaal oo ahaa kuwii iyagu bulshada walaalaha ah isku dirayay"ayuu yiri masuulkan ka mida ka qeyb galayaasha kulan weynaha dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida

 

Xafiiska warqabadka shbakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho

 

Contact:info@carmooyin.com or

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this