Sign in to follow this  
General Duke

Highest UN delegation ever arrive in Baidoa..

Recommended Posts

Wufuud Caalami ah Oo ka Tirsan UN-ka Oo Maanta Baydhabo Ka Degay (Waftiga oo Kulamo La Leh R/wasaaraha, G/Baarlamanka, Prof. Buubaa & Xubno kale).

 

diyaarad.jpg

Posted to the Web Mar 18, 08:45

 

 

BAYDHABO Wufuud caalami ah oo ka socda Jamciyadda Qurumaha ka dhaxaysa ayaa ka degay garoonka dayuuradaha ee Magaalada Baydhabo, iyadoona si weyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

 

 

Waftigan oo ka kooban 23-xubnood, ayaa waxaa horkacaya Kaaliyaha Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Kalamo, waxaana ujeedada socdaalkooda lagu sheegay u kuur-gelida xaaladaha ka oogan Soomaaliya xilligan.

 

 

Waxaa hogaaminaya xubnaha waftiga Mr. Kalamo oo u dhashay dalka Namibia, iyagoona si gaar ah u quudaraynaya in ay wax ka ogaadaan suurto galnimada ciidamo ka socda UN-ka in ay soo gaaraan dalka Soomaaliya iyo sidii loo taageeri lahaa ciidamada Midowga Africa oo hordhacoodu uu soo gaaray dalka gaar ahaan Caasimadda.

 

 

Waftiga ayaa waxa ay haatan kulan la leeyihiin R/wasaare Prof. Cali Max’ed Geedi Afhayeenka Baarlamanka Sh. Aadan Madoobe, Wasiirka Amuuraha Dibadda Ismaaciil Buubaa, saraakiisha sar sare ee Ciidamada iyo xubno kale oo muhiim ah.

 

 

Sidoo Waftigan ayaa ujeedadoodu tahay in ay meel-mariyaan kharaarkii UN ee tirsigiisu ahaa 1744 kaasoo Golaha amaanka uu ku ogolaaday in Soomaaliya loo diro ciidamo ka socda Africa, oo kaalin ka cayaara soo celinta xasiloonida dalka.

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

 

 

Puntlandonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

UN delegation visits Somalia

Last Updated::2007-03-18 18:10:28

 

HRNet - Baidoa:- A high level United Nations delegation has arrived in the temporary seat for Somali government, Baidoa, just about 250km southwest the capital Mogadishu on Sunday, authorities said.

 

The team visiting Baidoa consisted of 22 members led by assistant UN secretary general Kalomo, They had a meeting with senior Somali government officials including Premier Ali Mohamed Gedi and foreign minister Isma'il Mohamud Hurre Buba.

 

FM Buba said they discussed about possible UN forces deployment in the horn of African chaotic nation in replacement for current AU peacekeepers in the country.

 

Last month the U.N. Security Council voted unanimously to authorize an African Union force to help stabilize Somalia, setting the stage for U.N. peacekeepers to take over the long-term job of bringing peace to the Horn of Africa nation.

 

Buba also said they appealed the UN envoys to give a logistical and financial support to the interim Somalia government to over come this critical turn over time, a move he described as accepted by the UN team.

 

"For the first time in 15 years, the Somali people have a prospect of being governed by representative institutions that will provide them with security and stability," Mr. Kalomo said after meeting with Somali authorities.

 

 

HRNet - News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi ka socda UN-ka oo Baydhabo kula shiray Xukuumada Federaalka

 

Last Updated::2007-03-18 18:21:09

 

Baydhabo:- Waxaa maanta magaalada Baydhabo kulamo ku yeeshay Wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Mas'uuliyiinta DFKMG.

 

Wafdigan oo ahaa mid balaaran oo ka kooban 22 xubnood oo ka socda UNKa ayaa waxaa hogaaminayey Kaaliyaha Xoghayaha Qaramada Midoobay Mr.Tuliameni Kalomoh.

 

Wafdigan ayaa la kulmay Ra'iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya Ismaaciil Hure Buubaa.

 

Mr.Buubaa ayaa sheegay in labada dhinac ka wada hadleen taageerida dowlada iyo sidii loo dhameystiri lahaa dhaqaalihii loogu talo galay in Dowlada Soomaaliya ay ku hawlgasho.

 

Waxay labada dhinac kulamadan uga hadleen in mustaqbalka la keeno dalka Soomaaliya Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo bedala ciidamada Midowga Afrika.

 

Golaha Amaanka ayaa horey u ansixiyey in ciidamo nabad illaalin ah loo diro dalka Soomaaliya isla markanaana Qaramada Midoobay ka qeyb qaataan.

 

Tuliameni Kalomoh ayaa asagu sheegay in maanta uu dalka Soomaaliya heysto fursadii ugu wanaagsaneyd iyo dowlad shaqeyn karta.

 

Wuxuuna wafdiga sheegay in ay dowlada Soomaaliya kala hadli doonaan arrimo la xariira dhaqaalaha, amniga iyo shirka dib u heshiisiinta Soomaalida oo dhawaan lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa shalay dib ugu soo noqday Magaalada Baydhabo, kadib markii uu soo dhameystay safar uu dhaqaale ugu raadinayo shirka dib u heshiisiinta la filayo inuu bisha April ka furmo magaalada Muqdisho.

 

Geedi ayaa soo naqashadiisii shalay sheegay in loo ogolaaday dhaqaalihii ay codsadeen oo ahaa in ku dhaw 40 milyan oo dollar.

 

Hussein Farah

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this