Sign in to follow this  
Cowke

President Dr.Farole Praises Bossaso Fire-Fighters

Recommended Posts

Cowke   

madaxweynaha_Pl.jpg

 

la_qabtey.jpg

 

Madaxweynaha Puntland oo mahadnaqey howlwadeeno

13 Oct 13, 2009 - 3:11:27 AM

 

Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku tagey dakada Bosaso ayaa mahadnaq iyo abaalmarin siiyey dadkii ka qayb qaatey daminta dabkii qabsadey Doon shidaal sida taas oo khatar galisay dhamaan xafiisyada iyo

Hantida.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa u mahadceliyey hay'adaha dowliga ah sida Booliiska, Wasaaradda Dekadaha, shirkadda Golis iyo shaqsiyaad muwaadiniin ah oo ka qayb qaatey daminta Dabkaan.

 

Ciidamada Dabdamiska iyo Ilaada Dekadda

 

Mud.Farole ayaa dhinaca kale mahadceliyey nin u dhashay qowmiyada Ethiopian-ka ee ku dhaqan magaalada Bosaso kaas oo magaciisa la yiraahdo Xuseen.

 

Xuseen ayaa aad ugu dadaley sidii dabkan oo qabsan lahaa ama u qabsan Xafiisyada dowladda Puntland oo ku dhexyaala dekadda Bosaso gudaheeda.

 

" Hadii dadnimo iyo beni'aadinmo jirto malaha xuduud kala xirta wadamada" ayuu yiri Farole oo shaqo kasiiyey ninkaas Dakadda Bosaso.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegey in dadka ka qayb qaatey dabdamiskaan ama howlaha kale oo bulshada qiimaha u leh noqdaan kuwo la baro shacabka Puntland gaar ahaan ardeyda Iskuuladda.

 

Farole ayaa si gaar ah ugu mahad celiyey shirkadda Golis oo uu hogaaminyey Farah Xaaji Mire iyo Cabdi-Hakim Cali Hiirad oo ah khabiir Dabdamiska kana shaqeeya dalka Imaradka Carabta.

 

Madaxweynaha Puntland iyo Ku-xigeenkiisa oo ku wheliyey kormeerkaan ayaa sidoo kale u mahad celiyey dadka iska leh Booyadaha biyaha kuwaas oo ka qayb qaatey daminta dabkaan.

 

Kulanka Madaxweynaha Puntland uu la qaatey dadkii ka qayb qaatey dab-damiska waxaa la kulmey saraakiisha Wasaaradda Dekadda iyo sarkaal ku takhasusey dabdamiska halkaas oo lagu go'aansadey in la dhiso Koox gaar ah oo qaabilsan Dabdamiska Dekadda Bosaso.

 

Kulankaan ayaa sidoo kale lagu go'aansadey in la dhiso goobo iyo barro Dab-damis oo biyaha Badde kasoo tuura halka dabka ka qarxo iyada oo la adeegsanyo qaabka casriga ee caalamka adeegsado.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegey in Dakadda Bosaso dhowaan la qodi dooni taas oo kor loogu qaadayo awooda Marakiibta kusoo xiran karta Dekada Bosaso.

 

Dekadda Bosaso ayaa ah isha dhaqaalaha dowlada Puntland iyada oo u baahan dayac tir xoogan taas maamulka hadda jira rajo ka muujiyey inuu wax ka qaban doono.

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this