Cowke Posted June 8, 2010 Sawiro aad u qurxoon oo laga soo qaadey goobaha roobabku ka da’een June 8, 2010 Akhriste ka mid ah akhristayaasha qiimiga leh ee Horseed Media ayaa gaarey goob ka mid ah goobaha roobabka lixaadka leh ka da’een ee deegaanka Qardho, akhristaha ayaa noo sheegay in uu socod ku tegay deegaanka Mindhiciro oo dhanka waqooyi 15km kaga beegan xarunta gobolka Karkaar ee Qardho, waxaana uu halkaas kula kulmey dad xoola dhaqato ah, waxaana uu ka soo direy sawiradan qiimiga leh iyo warbixinta hoose: Bilihii aynu kasoo gudubnay,gaar ahaan bishii May waxa ka da’ay,deegaanada gobolka Karkaar roobab lixaad leh oo dad iyo duunyaba lagu diirsaday.Haddaba waxaan booqday dooxada Mindhicir oo hillaada 15km u jirta degmada Qardho,waxaan ku soo arkay barwaaqo ilaah ku minnaystay halkaasi,meel walba waxaa ka muuqday doog iyo xareed wadhan dhulka oo idil gaar ahaan ceelka Mindhicir.Waxaan waraystay mid ka mida xooladhaqatada halkaasi ku nool oo ii sheegay inaan la arag roob caynkana muddo ku siman soddomeeyo sano “Wali ma arag roob ka biriq iyo hanqar badan noloshayda oo runtii waanuba baqnay!” ayuu yiri ninkaas. Waxaan sidoo kale waraystay Maxamed Jaamac dheere oo isagu inta badan dega deegaanka mindhicir waxaa wajigiisa ka muuqday farxad iyo rayraynta barwaaqada wuxuu ii sheegay inay xoolihii u darareen Lo iyo ariba oo la liswaayey ciirtuna jug leedahay Dhinaca kale waxaan arkay haweenka oo ku ururuya geed wayn oo damala hadhkiisa si ay u akhriyaan waxa la yiraahdo MADIIXA oo haweenku akhriyaan xilliga bari samaaga waxay luuq dheer ku qaadayeen heeso iyo ereyo kala duwan oo af soomaaliya oo ay ilaahay uga shukrinayeen cirka hooray dartiis. K. Awmuuse Qardho Quote Share this post Link to post Share on other sites
FIDHIN Posted June 8, 2010 thts beatiful maashallah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 8, 2010 Fidhin, yeah amazing what a little bit of rain can do in somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 9, 2010 Cowke, you don't have to post every new thread in the Politics section. The topic discussed needs to be relevant to politics. This obviously isn't. Will move to General section. Quote Share this post Link to post Share on other sites