Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Clan Fighting in Buuhoodle

Recommended Posts

Wararka naga soo gaadhaya magaalada buuhoodle ee xarunta Gobolka cayn ayaa sheegaya inay gudaha magaaladaasi ay ka dhaceen Israsaasayn xoogan oo saaka barqanimadii laysku weydaarsaday halkaasi iyadoo ay ku geeriyoodeen inta la og yahay 4-qof oo mid kamid ahi yahay haweenay halka dhaawacuna tiro kale yahay .

 

Dhacdadan ayaa la sheegay inay ka bilaabatay labo nin oo kasoo kala jeeda labada beelood ee iminka dagaalku dhex marayo israasayn islamrkaana uu mid kamid ah labadaas nin uu geeriyooday kadibna ay sii balaadhisay xaalada aar goosi ee dhinacyada magaalada buuhoodle taasoo la sheegayo inay sii xoogaysanayso xaalada dagaal ee ka jirta gudaha magaaladaasi .

 

Sidoo kale dhaawaca ayaa la sheegayaa in qaarkood la geeyey magaalada burco halka qaar kalena lagu hayo magaalada buuhoodle ,labadan reer oo dagaalku u dhexeeyo ayaa laga soo sheegayaa inay dhimashada labo iyo labo kala marayaan.

 

 

Ma cada sababta dhabta ah ee israsaayntan ka kacday iyadoo weli ay socoto sida laga soo sheegayo mana jiraan waan waan weli lakala dhex dhigay labadaasi beelood in kastoo wararka laga helayo magaaladaas iyo hareereheedaba ay sheegayaan inay ku howlan yihiin odayaal iyo wax garad doonaya inay xiisadan damiyaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2009-05-05 (Hadhwanaagnews) Buuhoodle(HWN):- 4 qof ayaa dhintay 2 kalena way dhaawacmeen, ka dib markii iskudhac laba qof ka bilaaabmay oo rasaal laysku waydaarsaday saaka ka dhacay Magaaladda Buuhoodle ee Xarunta Gobolka sanadkii hore la magacaabay ee Buuhoodle.

 

Wararka ka imana Magaaladda Buuhoodle, ayaa sheegaya in tirada dadka la ogyahay ee iskudhacan ku dhintay ay yihiin 4 qof, halka 2 qof oo kalena ku dhaawacmeen. Nin hubaysan oo la sheegay in uu doonayay inuu dilo nin meel Meherad ah horteeda fadhiyay oo la xusay in Xurgufi ka dhaxaysay, hase ahaatee, ninkii uu ninkani doonayay in uu dilo ee meesha iska fadhiyay ayaa Rasaas huwiyay ninkii isaga doonayay inuu dilo, isla markaana waxa ay rasaastaasi ku dhacday ninkii qoriga u sitay dilka ninka rasaasta furay iyo laba nin oo kale dhaawaco.

 

Warku waxa uu intaa ku daray in dadkii Magaaladda joogay ee ay isku haybta ama ehelada u kala ahaa labadaas nin, kuwaasoo la sheegay in ay Rasaas is waydaarsadeen oo ay la kala safteen labada nin ee Xurguftu ka dhaxaysay, iyada oo iskudhacaasi sababay dhimashada 4 qof iyo dhaawaca laba qof, inkasta oo wararka qaarkood ay sheegayaan in tirada dadka falkaas ku dhaawacmay ay laba ka badan yihiin, hadana inta la xaqiijiyay dhaacawu waa 2 qof.

 

Dhaqdhaqaaqa iyo isu socodka Magaaladda Buuhoodle ayaa lagu soo waramayaa in uu intii hore ee maanta istaagay, isla markaana ay Magaaladdu khalkhal gashay, hase ahaatee, galinkii dambe ayaa la sheegay in ay xaaladdu deganaansho ku soo noqotay, ka dib markii ay Odayaasha Dhaqanka ee Deegaanku ka hawlgaleen.

 

Suldaan Siciid Cismaan Cali oo ka mid ah Madax-dhaqmeedka Deegaankaas, ayaa Laanta Af-soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u sheegay in ay weli hubinayaan dhimashada iyo dhaawaca isku dhacaas ka dhashay, isaga oo xusay in uu hubo saddex dhimasho ah, mid afraadna loo sheegay. Waxaanu Suldaan Siciid sababta iskudhacaas ku tilmaamay mid aan qayral-masuulnimo ku dhacay, nabadgalyada iyo wada noolaanshaha dadka deegaanka uun wax u dhimaya.

 

Wariye Cabdifataax Siciid Jaamac (C/fataax-shalumaray ), oo ku sugan Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer oo Buuhoodle hore uga mid ahaan jiray Degmooyinkeeda, ayaa Hadhwanaagnews.com u Xafiiskeeda Hargeysa u sheegay Magacyada dadka iska horimaadkaas ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay isaga oo soo xiganaya dad goob-joog u ahaa dhacdadan oo isugu jira hawlwadeenada Caafimaadka Buuhoodle iyo Saraakiisha Booliska Somaliland ee Buuhoodle ku sugan sida uu sheegay.

 

Magacyada Dadkii Geeriyooday ee uu Wariyahaasi noo soo gudbiyayna waxay u dhignaayeen sidan:-

 

1. Axmed Cumar Faarax (Ninkii markii hore weerarka soo qaaday)

2. Xasan Faahiye Xasan (Nninkii ay haleeshay rasaasta seeraarada ahi ee markii danbena beeshiisu weerarka qaaday)

3. Mahad Maxamed Dhantac (Ninkii markii danbe la dilay ee ay isku beesha ahaayeen ninkii hore ee wax dilay)

4. iyo Gabadh gaabiyey oo aan magaceeda sheegin, balse lagu soo koobay (Ina Maxamed Jaamac)

 

Ninkii werarka lagu soo qaaday markii hore ee ka dibna rasaastiisu wax dishay:

 

1. Libaax Cabdi Ismaaciil iyo 2- Faarax Maxamed.

 

Maagaaladda Buuhoodle oo Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin badhtamihii sannadkii hore u magacaabay Gobol buuxa, hase ahaatee, hore u ahaan jiray Degmo ka tirsan Gobolka Togdheer, ayaan maamulka Somaliland si buuxda wakhtigan gacanta ugu wadahaynin, isla markaana waxa ka jira maamulo Somaliland iyo Puntland kala taabacsan, sidoo kale, dadweynaha ayaa kala qaybsan oo dawladda Somaliland iyo dhinacyada Soomaaliya kala raacsan. Sidaa daraadeedna, dadka Deegaanka ayaa la sheegay in ay inta badan hub gaar ay u leeyihiin sitaan ama isticmaalaan, taasoo meesha ka saaraysa xakamaynta tirada kooban ee Ciidamada Somaliland halkaas ka jooga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

wa ariin laga naxo kolay waxa taggii doona ergooyin golaha guurtiida somaliland just like they did in 2005 markudagaal dhex marray labo beelood oo ku dhaqan magalaada buhuudle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Waanu Ka Xun Nahay Geerida Ka Dhacday Iyo Dhiiga Ku Daatay Buuhoole,Annaguna Guddi Ayaanu U Diraynaa”Guddoomiyah a Guurtida Somaliland

 

 

Guddoomiyaha Golaha Guuritda Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal),aya a sheegay inuu aad uga xunyahay Shaqaaqadii shalay ka dhacday Magaaladda Buuhoodle ee dhimashada iyo dhaawaca sababtay,ka dib markii ay laba kooxood Rasaas is waydaarsadeen,isla markaana waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in ay Guurti ahaan Guddi Ergo ah u diri doonaan Buuhoodle.

 

Saleebaan Maxamuud Aadan, oo maanta Warbaahinta Xafiiskiisa ugu waramayay, ayaa sheegay in dhexdhexaadin laga waday Beelihii ay dhawaan Dirirtu ku dhexmartay Deegaanka Ceelbardaale ee Gobolada Awdal iyo Gabilay dhexdooda oo ay Guddi isu soo dhawayn iyo heshiisiin ka dhalisa beelahaas oo Golaha Guurtida ka socotaa ay wakhtigan meel aad u fiican marayso, in dhawaan la soo gebagabeeyana lagu wado haddii Illaahay yidhaahdo. Waxaanu Guddoomiye Saleebaan intaa kuk daray in dhinaca dawladda laga sugayo kharashkii Guddigaas nabadayntu ku hawlgali lahayd.

 

“Waanu ka xun nahay Geeridaasi ka dhacday Buuhoole dhiig baa daatay oo mashaqo ka dhacday gudahoodaba ha noqdee, ilaahay ha qaboojiyo labada reerna nabada ha ilaaliyaan nin dhintayn waa laga samraa,ka nool aan u talino. Deegaanka Gal-galo iyagana waa la isku hor fadhiyaa,haddii aan laga hor tagin oo aan halkaa lagu qaban mid tan ka weyn ayaa ka dhici karta,Guddi ayaanu dirinaynaa waanu ka diyaar garoobaynaa fasaxna waa lagu jiraa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal).

Share this post


Link to post
Share on other sites

One can see from miles the political undercurrent of these posts;

 

 

Baadida ninbaa kula day dayi daalna ka badane

Oo aan doonahyn inaad heshaa daa im abidkaayye

Dawana malaha aakhiro haddii loo kitaab dayaye'e

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^You need not tell me that it was about me. I know xiin voices in your head hardly leave you sleep in peace.

 

As teh originator of this post it borders absurdity to ask me what was there to admit…

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

“Waanu Ka Xun Nahay Geerida Ka Dhacday Iyo Dhiiga Ku Daatay Buuhoole,Annaguna Guddi Ayaanu U Diraynaa”Guddoomiyah a Guurtida Somaliland

 

 

Guddoomiyaha Golaha Guuritda Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal),aya a sheegay inuu aad uga xunyahay Shaqaaqadii shalay ka dhacday Magaaladda Buuhoodle ee dhimashada iyo dhaawaca sababtay,ka dib markii ay laba kooxood Rasaas is waydaarsadeen,isla markaana waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in ay Guurti ahaan Guddi Ergo ah u diri doonaan Buuhoodle.

 

Saleebaan Maxamuud Aadan, oo maanta Warbaahinta Xafiiskiisa ugu waramayay, ayaa sheegay in dhexdhexaadin laga waday Beelihii ay dhawaan Dirirtu ku dhexmartay Deegaanka Ceelbardaale ee Gobolada Awdal iyo Gabilay dhexdooda oo ay Guddi isu soo dhawayn iyo heshiisiin ka dhalisa beelahaas oo Golaha Guurtida ka socotaa ay wakhtigan meel aad u fiican marayso, in dhawaan la soo gebagabeeyana lagu wado haddii Illaahay yidhaahdo. Waxaanu Guddoomiye Saleebaan intaa kuk daray in dhinaca dawladda laga sugayo kharashkii Guddigaas nabadayntu ku hawlgali lahayd.

 

“Waanu ka xun nahay Geeridaasi ka dhacday Buuhoole dhiig baa daatay oo mashaqo ka dhacday gudahoodaba ha noqdee, ilaahay ha qaboojiyo labada reerna nabada ha ilaaliyaan nin dhintayn waa laga samraa,ka nool aan u talino. Deegaanka Gal-galo iyagana waa la isku hor fadhiyaa,haddii aan laga hor tagin oo aan halkaa lagu qaban mid tan ka weyn ayaa ka dhici karta,Guddi ayaanu dirinaynaa waanu ka diyaar garoobaynaa fasaxna waa lagu jiraa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal).

How can someone dispatch a reconcilation committee to Buhodle while he himself, the said "Gaal", cannot set his feet in Buhodle, that just services us a laughing stock, or really doesn't it?

Share this post


Link to post
Share on other sites

is that necessary ??? ....

 

 

There are members from Buuhoodle in the Guurti. They can be sent and do a lot there.

 

It is not necessary for the chairman to go there in person.....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

Originally posted by xiinfaniin:

^^You need not tell me that it was about me. I know xiin voices in your head hardly leave you sleep in peace.

 

As teh originator of this post it borders absurdity to ask me what was there to admit…

^ :D:D , you haunt him in his sleep?

 

As for the post,and the pathetic sympathic comments of Jac and co. are just hilarious.

 

What is the big deal about this conflict? to the one recently between a clan of Awdal and Hargeysa where I personaly know of people who died? These conflicts are nothing new to the nomads,there had always occured and will perhaps still continue occuring due to the nature of our tribalist mentality.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Any conflict is a big deal in Somaliland. We had the same comments & concerns about the past one in Gebiley area last month.

 

 

4 persons died in just few hours ... isn't that a big deal ?? If neglected it could be even worse ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this