Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Cabdalle Deeroow's assassination: One year later

Recommended Posts

Hal Sano ayaa ka soo wareegatay Markii la dilay Cabdalla Deerow Isaaaq, iyadoo ilaa iyo hadda la Maxkamadeyn ciddii ka dilkaas ka dambeysay

 

CABDALLA%20DEEROW%20ISAAQ.jpg

 

Muqdisho, 30/July/2007 - Muddo hal sano ah ayaa ka soo wareegtay maalintii Magaalada Baydhabo lagu dilay Marxuum Cabdalle Deerow ***** oo xilligaas ahaa Wasiirkii Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Soomaaliya, waxaa dilka Marxuumka fuliyay nin Bustoolad ku hubeysanaa sida ay sheegeen dad arkayay markii dilka dhacayay.

 

Waxay ahayd maalin Jimcaha taariikhduna ahayd 28 Luulyo 2006 waxaa magaalada Baydhabo dil toogasho ah lagu dilay Marxuum Cabdalla Deerow ***** oo ahaa siyaasi iyo aqoonyahan maqaam sare kaga jiray taariikhda siyaasadeed ee qowmiyaada [qabiil] e uu Marxuumka ka dhashay.

 

Dilka Cabdalla Deerow oo salka ku haya shirqool siyaasadeed abaabulan oo si gurracan loo soo maleegay ayaa wuxuu ku reebay laabta dhammaan dadyowga [.......] utun iyo gocasho waarta oo hore u gilgishay kuna reebtay xasuus xun oo maskaxda iyo wadnaha gunta u fadhida oo loo aanaynayo dilalka ku salaysan shirqoolka siyaasadeed eel ala beegsaday Marxuumka xilli uu Salaada Khudbada ama Jimcaha ka soo baxay.

 

Dilka Marxuum Cabdalla Deerow ***** wuxuu dib u soo nooleeyay xasuustii murugada leh ee dilalka abaabulan ee gaamuray oo lagula kacayay Siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaan dadka [.........] waxay qabaan in dhawr jeer oo hore dad iyaga ka tirsan la dilay qaarna dil qorsheysanaa ka badbaadeen sida hogaamiyihii (HDM) Ustaad Cusmaan Maxamed Xuseen oo ahaa hal-abuurihi nidaamka federaalka ee Soomaaliya oo bishii Maajo, 1952-dii shirqool abaabulan lagu dilay. Waxaa kaloo xusid mudan in sanadkii 1957 siyaasigii waynaa ee [.......] Marxuum Cadiqaadir Maxamed Aadan "Zope" uu Ilaahay ka badbaaday isku day dil ku salaysan shirqool siyaasadeed.

 

Haddaba dilka Marxuum Cabdalla Deerow ***** ayaa Magaalada Baydhabo ka abuuray maalintaas iyo wixii ka dambeeyay rabshado keenay in ganacsigii Magaalada uu xirmo.

 

Waxaa dilka Marxuumka loo xirxiray ilaa iyo 20-meeyo dad ah kuwaas oo markii dambe mid ka mid ah la rumeysanaa in uu isago geystay dilka.

 

Ilaalada Madaxtooyada Dowladda Federaalka ayaa la sheegay mar in uu damac ka galay in ninkii geystay ama la rumeysanaa inuu Deerow dilay dibadda loo dhoofiyo markii ay isku deeyeen inay xabsiga kala baxaan, waxaase arrintaas ka hor yimid qoyska Marxuum Deerow.

 

Mid ka mid ah Xaasaskii Marxuumka ayaa xilligii uu socday shirkii Khartoum ee lagu dhexdhaxaadinayay Dowladda iyo Maxkamadihii Islaamiga waxay qaylo dhaan Caalami ah ku sheegtay in dilkii Nin-keedi ay ka dambeeyeen Maxkamadihii Islaamiga, laakiin taasi waxaa beeniyay Ibraahim Xasan Caddow oo xilligaas ugu sareeyay ergada wadahadalada Maxkamadaha Islaamiga u tagay Khartoum.

 

Dad badan ayaa markaasi u arkay hadalka Xaaskii Deerow in ujeeddo Siyaasadeed laga lahaa oo uusan ka dhab ahayn.

 

Mar aan bishii Janaayo kula kulmay Xamdi oo ahayd Xaaskii Deerow ee eeda u soo jeedisay Maxkamadihii Islaamiga Hotelka Global ee Magaalada Muqdisho waxaan weydiiyay hal arrin oo ahayd in ay ii sheegto caddeymada u haysato in ninkeeda ay dileen Maxkamadihii balse jawaab fiican waxay ka bixi weysay arrintaas.

 

Waxaa jirta in dad badan ay aaminsan yihiin in falkii lagu dilay Deerow ay ka dambeeyeen xubno ka tirsan Madaxda Dowladda Soomaaliya, laakiin warkaasi ma kala cada maxaa yeelay Dowladda waa ay ka war wareegtay inay sii daba gasho kooxihii ka dambeeyay dilkii Deerow.

 

Shaki kuma jiro in dilka Deerow uu ahaa arrimo Siyaasadeed, waxaase dhici karta in xilligan wax kasta lagu dhawaaqi Karin.

 

Hadaba Qoyskii Marxuumka ayaa u baahan maalin maalmaha ka mid ah inay arkaan dadkii ka dambeeyay dilka Deerow in Maxkamad la soo taago lana mariyo cadaaladda.

 

TAARIIKHDII MARXUUM CABDALLA DEEROW *****

 

Marxuum Cabdalla Deerow ***** wuxuu sanadkii 1950 ku dhashay Tuulada Ceelgaras ee gobolka Bakool wuxuuna waxbarashadiisa dugsiga Qur’aanka ku bilaabay isla Tuulada Ceelgaras oo u dhaxaysa degmada Tijeeglow iyo degmada Xudur ee gobolka Bakool. Marxuumka ayaa waxbarashadiisa aasaasiga (Scuola Elementare ) wuxuu ku soo qaatay magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo, wuxuuna markii uu dhamaystay noqday macalin PP (Primary Programme Teacher), wuxuuna markii danbe uu ku guulaystay imtixaanki loo geli jiray Kulliyadii Tababarka Macalimiinta ee Lafoole ( Lafole College of Education) oo uu waxbarasho ka billaabay wuxuuna ku takhasusay English (Major/History (Minor). Markii uu ka qalinjebiyay Lafoole bishii December 1979 ayaa waxaa loo diray degmada Xudur wuxuuna noqday maamulaha Dugisga Sare ee Xudur intii u dhaxaysay 1981-1990.

 

Ka dib markii la riday xukuumadii uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre wuxuu Cabdalla Deerow ku biiray ururkii SDM (Somali Democratic Movement). Cabdala Deerow ***** wuxuu door lama ilawaan ah ka qaatay u gargaaridda dadkii ay ka habsadeen masiibooyinkii uu beni'aadamku abuuray ee sababay in ay macluul u geeriyoodaan maalin kasta boqolaal ka mid ah dadkii ku dhaqnaa gobolada Baay iyo Bakool wuxuuna Cabdala Deerow ***** ka hawlgalayay xaruumaha quudinta magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda asagoo la shaqaynayay ururka samafalka ee magaciisa loo soo gaabiyo CRS (Catholic Relief Services).

 

Marxuum Cabdalla Deerow ***** wuxuu ka mid ahaa ragii fara ku tiriska ahaa ee joogay Baydhabo 17/09/1995 markii uu general Maxamed Faarax Caydiid uu xoog iyo faramaroorsi ku qabsaday magaalada Baydhabo uuna afgembiyey maamul goboleedkii ugu horeeyey ee ay samaystaan qowmiyada [.......] wuxuuna Cabdalla Deerow ***** ka mid noqday ragii abaabulay kacadoonka lagaga hor yimid general Caydiid wuxuuna ka mid ahaa aasasayaashii ururkii RRA oo dhidibada loo aasay Oktoobar 13, 1995.

 

Cabdalla Deerow wuxuu halgankiisii ka sii watay halkaas wuxuuna ka dhex muuqday muuqaallada cajalad muuqaal ah (video) tii ugu horraysay ee laga soo duubay dagaalyahaniinta RRA oo 06/06/1999 gacanta ku dhigay Baydhabo wuxuuna noqday Xoghayihii Guud ee RRA.

 

15/05/2000 waxaa uu hogaaminayay ergadii ee uu maamulkii RRA u dirsaday shirkii Carta, Jabuuti wuxuuna shirka Carta ka noqday shir gudoomiyaashii ergadii ka soo gaybgalay shirka oo Soomaalida lagu heshiisiinayay waxaana 20/ 08/2000 ka dib doorasho socotay afar (4) saac Caabdalla Deerow ***** uu ku guulaystay jagada GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA ee KMG waxaana 21/08/2000 loo dhaariyay Cabdalla Deerow Guddoomiyaha GOLAHA SHACABKA ee dawladii Carta. 10/09/2000 ayaa wafdi uu hogaaminyay Cabdala Deerow waxay ka duuleen Madaarka caalamiga ah ee Jabuuti iyaga oo ku sii jeeda wadanka NIGERIA oo ay kaga qaybgaleen shirka Baarlamaanada Afrika.

 

Sanadkii 2002 Cabdala Deerow ***** wuxuu hogaaminayay ergadigii dawlada TNG (Transitional National Government) wuxuuna intii uu shirkan socday uu aad ugu ololeeyay in ay lama huraan tahay in dalka Soomaaliya lagu maamulo hannaanka federaalka si loo helo qaab ku ay nabad iyo wada noolaansho ku helaan bulshada Soomaalida wuxuuna ka mid ahaa 24-tii hogaamiye ee saxiixay heshiiskii xabad joojinta iyo dhisidda dowlada federaalka.

 

Bishii September 2004 Cabdalla Deerow ***** wuxuu ka mid ahaa murashixiintii loo baratansiiyay jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka ee dawlada federaalka ee uu ku guulaystay Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuuna Cabdala Deerow ***** shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee muddo labo sano ah ka socday dalka Kenya dawladii ka dhalatay Golihii Wasiirada lagu soo dhisay loogu magacaabay Wasiirkii Dastuurka & Arrimaha Federaalka wuxuuna xilkan hayay ilaa dilkiisa.

 

Marxuum Cabdala Deerow ***** wuxuu ahaa nin bulshay ah oo bashaash ah oo dadka aad u ixtiraama runtana aan ka gaban oo marna aan ka baqin in uu si bareer ah oo saraaxad leh ugu cadeeyo mowqifkiisa siyaasadeed siiba masaaliixda siyaasadeed ee qowmiyaada [.......] warbaahinta iyo siyaasiyiinta ay jaalka ahaayeen taasoo aakhirkii u horseeday in loo maleego shirqoollkii lagu dilay.

 

Marxuum Cabdala Deeow ***** wuxuu ifka kaga tagay 7 caruur ah iyo laba xaas.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this