Sign in to follow this  
Jabhad

Breaking news:troops loyal to dowlad beeleedka and Ethiopia flee to Baidoa city.

Recommended Posts

Jabhad   

Govt withdrawal

 

 

 

Breaking news reaching the Garowe Online news desk from Baidoa, the Somali government capital, say that government troops who captured Buurhakaba town Saturday have withdrawn.

 

 

 

The official reasons for the government’s withdrawal from Buurhakaba are as-of-yet unknown, but military sources who declined to be named in print informed Garowe Online that the government’s sudden pullout came after a heavy military buildup of Islamic Courts militia in neighboring regions.

 

 

 

The Mogadishu-based Islamist militia have been deploying hundreds of militiamen and heavy weaponry in the outskirts of Buurhakaba for the past 2 days, using bases in the Islamist stronghold of Lower Shabelle region to reinforce militias in Bay region.

 

 

 

Buurhakaba is a town in Bay region, where the government is based, and is only 60 KM from Baidoa.

 

 

 

Keep with Garowe Online for the latest on this developing story.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Ciidamada Maxakiimta oo dib u qabsaday Bur Hakaba

22 Oct 22, 2006, 23:50

 

 

 

 

Ciidamada deegaanka Burhakaba oo gacan ka helaya Malishiyadka Maxakiimta Islaamiga ayaa dib u qabsaday degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay halkaasoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda KMG ah.

 

Ciidamada dowladda KMG ah ayaa xalay isaga baxay magaalada Buur-Hakaba halkaasoo ay kala wareegeen maliishiyo deegaanka iyo kuwo Maxkamaddaha waxaana lagu soo waramayaa in xaalada magaalada ay iminka degan tahay.

 

Xoogaga Maxkamaddaha Islaamiga iyo kuwa dowladda ayaa ku loolamaya gacan ku heynta degmada Buur-hakaba, iyadoo deegaanka ay ku wada sugan yihiin ciidamo kala taabacsan Maxkamaddaha Islaamiga iyo dowladda KMG ah.

 

Ciidamada DF ah oo dib uga soo baxay Buurhakaba

 

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xalay ciidamda DFKMG ah ay dib uga soo guureen magaalada Buurahakabo.

 

Lama oga ilaa hada sababta dhabta ah oo keentay ka soo bixitanka Burhakaba balse warar ka soo baxaya qaar ka mid ah dad wargal ah oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa sheegaya in ay timid kadib markii culeys ciidan oo aad u balaaran uu kaga yimid Malishiyaadka Maxaakiimta.

 

Midowga Maxaakiimta ayaa labdii maalmood ee la soo dhaafey keeney Malishiyaad aad u fara badan agagaarka Buurhakaba gaar ahaan degaanka la yiraahdo Qardho.

 

Midowga Maxaakiimta ayaa maalintii shaley aheyd sheegtay in ay guulo Milatari ka gaareen dagaalo ka dhacey magaalada Bu'aalo kuwaas oo ay isaga horyimaadeen Malishiyaad uu horkacayo Barre Hirraale iyo kuwa midowga Maxaakiimta halka sarkaal u hadley ciidamada Barre Hiraale uu beeniyay sheegashada Maxaakiimta.

 

Garowe Online, Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Mogadishu 23, Oct.06 ( Sh.M.Network) Ciidamadii dowladda KMG ah ee Somalia ayaa isaga baxay magaalada Buur-hakaba, iyagoo sheegay in halkaasi ay uga baxeen, ka dib markii ay ku wareejiyeeen dhinaca nabadgalyada Maleeshiyooyinka deegaanka.

 

 

Maleeshiyooyinka deegaanka Buur-hakaba

 

 

Ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia oo oo ay wehliyeen kuwo Ethiopian ah oo 21 kii bishaan la wareegay magaalada Buur-hakaba ee gobolka Baay, ayaa xalay saqdii dhexe baneeyay magaalada Buur-hakaba, iyadoo warar si khilaafsana ay ka soo baxayaan sababihii keenay ka bixitaankooda.

 

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in ka bixtaankooda uu salka ku hayo khilaaf ba'an oo soo kala dhex galay horjoogayaasha ciidamada dowladda halka warar kalena ay tilmaamayaan in ka bixitaankooda ay saameyn ku yeelatay dagaalkii shalay looga itaal roonaaday ciidamada wasiirka G/dhigga.

 

Gudoomiyaha maxkamadda islaamiga ee Albayaan Max'ed Ibraahim Bilaal ayaa shabelle u sheegay in qeybtii ugu horeysay ee maleeshiyada deegaanka oo ay wehliyaan ciidamo ka tirsan maxkamada Albayaan ay saakay galeen degmada Buur-hakaba oo gacanta ay ku hayaan.

 

Wariyaha Shabelle ee gobolka Baay, aya soo sheegaya in indhihiisa uu ku soo arkay ciidamada dowladda oo ka sii baxaya buur-hakaba kuwaasi oo dib ugu laabtay duleedka magaalada Baydhabo.

 

Ka bixitaanka ciidamada dowladda ee magaalada Buur-hakaba ayaa ku soo beegmatay xilli maanta la filayay in Ra'isulwasaare Geedi uu gaaro halkaasi.

 

Sidoo kale waxa ay ku soo beegmeysaa arinkaan xilli shalay ciidamada Maxkamadaha islaamka iyo kuwa Wasiirka G/dhigga dowladda Somalia uu dagaal qaraar ku dhex maray magaalada Bu'aale.

 

Dhinaca kale wararka naga soo gaaray degaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka ayaa waxa ay sheegayaan in ay ka jirto xiisado dagaal.

 

Xiisadahaan dagaal ayaa waxaa laga soo sheegayaa deegaanadii shalay ciidamada maxkamadaha iyo kuwa Barre Hiiraale dagaalka uu ku dhex maray gaar ahaan degmooyinka Saakow iyo Bu'aale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Temujin   

There is a war of words being waged from all corners and it is confusing the readers like me. I hesitate to believe anything written by a somali website these days.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this