xiinfaniin Posted July 24, 2006 Muqdisho: Guddoomiyaha Maxkamadaha oo ka digay in lagu sii jiro Guryaha xoogga lagu qabsaday Dagaalladii sokeeye Monday, July 24, 2006 Muqdisho(AllPuntland)- Guddoomiyaha guddiga fulinta maxkamadaha Islaamiga Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta hadal ka jeedinayay mudaaharaad looga soo horjeeday Itoobiya ayaa wuxuu khudbaddiisa xooggeeda uga hadlay xasiloonida Muqdisho. Sheekh Shariif wuxuu ugu baaqay dadka ku jira guryaha aysan lahayn ee ay boobka kula wareegeen inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan , wuxuu sheegay inta ay codsiga joogto inay habboontahay in qolo walba ay ciddii lahayd ku wareejiso guryaha ay ku jirto , haddii kale maxkamaduhu ay kasaari doonaan. Wuxuu sheegay in maxkamaduhu ay ku jiraan halgan ay muddo soo wadeen oo ujeedadiisu ahayd in xasiloonida Muqdisho gacan adag lagu qabto, wuxuuna sheegay inay jiraan dad deg deg ku jiro oo doonaya in wax walba dhaqso lagu qabto. Shariifku wuxuu sheegay in dalku bur bursanaa 15 sano, dib usoo noolayntiisuna ay u baahan tahay Nidaam, kala danbayn ,aqoon, xirfad , dulqaad iyo ad adayg. Wuxuu xusay inay ku dadaalayaan samaynta maamul lagu soo dhisay aqoon iyo karti, asagoo sheegay in maamulladii hore ay bur burin jireen dad aan aqoon lahayn oo loo dhiibo. Guddoomiyaha maxkamaduhu wuxuu dadwaynaha magaalada Muqdisho ka codsaday inay soo sheegaan dad uu ku tilmaamay inay ammaanka magaalada khal khal ku hayaan. Magaalada Muqdisho oo ahayd caasimaddii dalka waxaa daganaa dad ka kala yimid daafaha Soomaaliya oo goobo ganacsi iyo guryaba ku lahaa, waxaana markii ay dheceen dagaalladii sokeeye dad soo galay magaalada Muqdisho ay xoog ku dageen guryahaasi, inkastoo la sheegi karo dad guryo iib kula soo wareegay. CCC Farayaamo AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted July 24, 2006 Alla ya cizak. Sheekh Sheriif Sheekh Ahmed for president Awoowe Xiinoow annigu issagaan la hayaa. Wiilku waa caadil. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted July 24, 2006 Baashow, surely Sharif is the man of the hour. He’s effortless intelligent yet humble and modesty. Look how he managed to get the sequencing right: after the defeat of the warlords he immediately lifted the roadblocks and opened the harbor and airport. Now he declared that Courts militias will be integrated and consolidated under one command. Now by talking about the property and land issues he’s signaling a gesture that he understands the issues that matter most. No matter how his doubters dismiss his declaration as an empty talk, his understanding that this needs to be resolved is the beginning for bringing a lasting resolution to this hot issue. You see he’s challenging the most basic tenet of warlordism; political capital invested in xaraam. He’s saying to that lot we can do without. And yes they can do without, I say. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 24, 2006 ^^^stop the propoganda we are at war...lol. "Ethiopia, Amharo are here, Melez is coming there is no time to waste on such trivial issues".. "What looted property" Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted July 24, 2006 Baashi, i second that, Sheikh Sharif for President. Waa uu uqalmaa in madaxwayne loo doorto, unlike mid Xabashi inoo soo dhoodhootay, oo aan markiisii hore aan ogayn waxa uu galo ama uu gudo. Haddii dadku munaafaqnimo isku urursadaan dee marbay kala jabi, waan arki doonnaa waxa ka soo baxo goobta ay warlords isku uruursaday (baydhabo).. Go figure:......... Quote Share this post Link to post Share on other sites