Sign in to follow this  
Liqaye

And the beat goes on the ever peacefull conclusion to the Bay debacle

Recommended Posts

Liqaye   

And the beat goes on the ever peacefull conclusion to the Bay debacle ..............Just throw more men at it.

 

Maleeshiyooyinkii Wasiirada Xudur taageersanaa oo Xalay soo gaaray Magaalada Waajid

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Jowhar, Soomaaliya

 

In ka badan 1000 Maleeshiyo oo ku hubeysan Baabuurta dagaalka isla markaana ay daacad u yihiin Wasiirada Siyaasad ahaan taageersan Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed kuna sugnaa mudooyinkan dambe magaalada Xudur ayaa xalay waxay soo gaareen magaalada Waajid oo 90-Mt u jirta magaalada Baydhabo.

 

Sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya magaalada Waajid oo ka tirsan Degmooyinka Gobolka Bakool waxay Ciidamadaas laga soo Ururiyay deegaano ka kala tirsan Baay iyo Bakool ku soo fool leeyihiin magaalada Baydhabo oo hadda gacanta ku haya Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo fikir ahaan taageersan in dowladda degto magaalada Muqdisho.

 

Wasiirada Xudur ayaa waxay doonayaan inay qabsadaan magaalada Baydhabo kana saaraan maleeshiyada Daacada u ah Xildhibaan Xaabsade,waxaana la filayaa in magaalada Baydhabo mar kale ka dhacaan iska hor imaad hubeysan oo ka dhaca gudaha magaaladaas.

 

Wasiirada Xudur ayaa waxay gacan dhaqaale ka helaan sida uu sheegay Xildhibaan Xaabsade Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed,laakiin warkaas waxaa beeniyay Wasiirka Garsoorka ee Dowladda Federaalka Sheekh Aadan Madoobe.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Jowhar, Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

 

www.midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this