General Duke Posted July 22, 2008 Haddii Al-jaabiri ganacsigii dalka oo dhan loo xidhay walaalkiina haloo yeedho oo Madaxweyne aynu ka dhigano” Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha ururka SNM, ahna Madaxweyne-ku-xigeenkii ugu horreeyey ee Somaliland Muj. Xasan Ciise Jaamac ayaa ku tilmaamay mid lagu mijo xaabinayo gebi ahaanba ganacsatada waddaniga ah heshiiska cusub ee xukuumaddu ugu fasaxday ganacsadaha Carbeed ee Al-jaabiri inuu dalka keeno raashin quutal-daruuriga ah, isla markaana kootadii uu ku haystay dhoofka xoolaha nool. Muj. Xasan Ciise oo xalay khadka telefoonka uga warramayey Jamhuuriya ayaa faahfaahin ka bixinayey sida uu u arko heshiiska cusub ee xukuumadda Somaliland la saxeexatay Al-jaabiri ee qeexaya inuu dalka keeno raashin jaban, isla markaana siiwato kootadii dhoofka xoolaha nool loogu xidhay, waxaannu isaga oo ka jawaabayey su’aal ahayd in tallaabadan xukuumaddu u qaaday lexejeclo dhinaca bulshada ah uu yidhi; “Maya, wax allaale iyo wax dan ah oo ugu jira ummadda reer Somaliland kama muuqado heshiiska cusub ee Al-jaabiri, sababtoo ah heshiiskii hore ee xooluhu waxa uu meesha ka saarayaa ganacsatadeenii waddaniga ahaa ee dhoofka xoolaha nool oo uu laf-jab ku noqonayaa. Heshiiskana wax uu macno samayn lahaa haddii aanay bayaac-mushtarkeena xooluhu aanay awoodi karayn dhoofinta xoolaha, markaa waxa khasab ahaan lahayd in aynu soo baryootano oo dalka keeno cid allaale ciddii xoolaha inoo dhoofinaysa qiimahay doonaan ha ku qaataane, laakiin iminka ganacsatadeenii waxay leeyihiin awood ay xoolaha ugu dhoofiyaan meelkasta, mana aha in la carqaldeeyo qorshe kasta oo ganacsatada lagaga joojinayo dhoofka xooluhuna waa mid aan ummadda dan u ahayn oo ka horimanayna qodobadda dastuurka ee qeexaya in baayac-mushtarku xor yahay. Kan Al-jaabiri raashinka lagu siiyana kaa hore ee xoolaha ayuun buu la mid yahay oo dani uguma jirto ummaddeena, qofka baayac-mushtariga ahina haddii uu ku yidhaahdo raashin jaban oo bilaa macaash ah ayaan kuu keenayaa marka horreba shaki ayey leedahay, waayo qofna isma khasaarinayo ee dano kale ayaa u qorsoon, markaa raashinka jaban ee Al-jaabiri qiimana malaha danina kuma jirto, hay’ad samafalna maaha oo ku caawinaysa. Heshiiska raashinka lagu siiyey Al-jaabiri waxa uu hantaaqayaa oo uu curyaaminayaa ganacsatadeenii waddaniga ahayd oo waqtiga dheer iyo ka dhawba wax faa’iido ah oo ugu jirt Somaliland ma jirto. Baayac-mushtariga xorta ahina waxa uu ka qayb qaataa kobaca dhaqaalaha iyo shaqo-abuurista, waxaanna uu leeyahay waajib qaran oo ah in dawladdu koriso oo gacan qabato, mana ahaa inay cuno-qabatayso si uu meesha uga baxo, mid shisheeyana gacanta loogu ganacsatadeena waddaniga ahina haddii uu meesha ka baxo mid shisheeye waxba kuu qaban mayo, masiirka ummaddana wax faa’iido ahi uguma jirto, waxaanna la hubaa marka uu iminka qiimaha kuu jabiyo ee uu meesha ka saaro baayac-mushtarkeenii ee uu kaligii ku soo hadho sida u doono ayuu kaayeelayaa, qiimahana cirka ayuu kugu gaynaynaa. Dawladduna inta ay inin shisheeye ah xoolaha iyo raashinka kaligii siinayso, waxay ahayd hantiilayaasha iyo tujaarta dalka kala hadasho gacan qabashadooda iyo taakulayntooda, markaa waajibkii dawladdu lahayd may garan. Danta ummadduna waxay ku jirtaa in baayac-mushtarkeena la kobciyo oo la gacan qabto, waxaanan odhan karaa haddii la yidhaahdo baayac-mushtarigii shisheeye haloo gacan geliyo oo nin kaliyaata haloo xidho, waxay ka dhigan tahay siyaasidiina nin qudha haloo xidho oo siduu doono ha ka yeelo masiirka ummadda. Haddii baayac-mushtarigiiba shisheeye loo gacan geliyo, siyaasadiina ajaanib haloo dhiibo oo hala yidhaahdo na maamul, markaa haddii Al-jaabiri ganacsigii dalka oo dhan loo xidhay walaalkiina haloo yeedho oo Madaxweyne aynu ka dhigano.” Muj. Xasan Ciise Jaamac oo la waydiiyey su’aal ahayd markii qiimaha maciishaduhu dunida ka kaceen, xukuumaddu waxay kordhisay tacriifadaha badeecadaha quutal-daruuriga ah, marka taa loo eego arrinta maanta maxaa loo fasiran karaa, isaga oo su’aashaa ka jawaabayana waxa uu yidhi; “Horta haddii uu $100 siisanayo xoolaha in qof loo xidho ayaa khalad ah, waxaanna ka maqnaa xukuumadda in markii maciishaduhu kaceen ee dunidaba ka qaaliyoobeen intay u tagto baayac-mushtarkaa, hadday tahay kuwa xoolaha dhoofiya iyo ganacsatadaha kale ee maciishada quutal-daruuriga soo dejiya, kuwa tidhaahdo, maxaannu idiin qabanaa, sidee dhibta looga bixi karayaa, markaa hadday yidhaahdaan cid arrinta naga caawisa noo keena, waa qasab in Al-jaabiri iyo cidkasta oo wax qabanaysa loo yeedho, laakiin taasi may dhicin, arrintuna maaha qiimahu halkuu marayaa ee waxay tahay in la isweydiiyo danta ummaddu halkay ku jirtaa, waxaanna qurux badnaa maadaama uu sicir-bararku ahaa dhibaato heer qaran, waxay ahayd dawladdu inay u yeedho adhiiyalaashii, baayac-mushtarkii, Baarlamaanka, xisbiyada, aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo dhibaatada si heer qaran ah looga wadatashado, laakiin xukuumaddu waxay ka gashay meel khaldan, shisheeye ayey gacanta u gelisay masiirkii ummadda. Caalamka horumarayna marka laga hadlayo xoolaha iyo raashinka waxa la yidhaahdaa waa arrimaha lama huraanka u ah nolosha dawladaha ayaana ilaashada oo cid kale gacanta looma geliyo, waanna khalad in arrimaha lama huraanka u ah nolosha, sida xoolaha iyo raashinka shisheeye gacanta loo geliyo oo uu siduu doonto ka yeelo uguna takrifalo.” Xasan Ciise oo ugu dambeyntii la waydiiyey saamaynta heshiiska cusub ee ay xukuumaddu la gashay Al-jaabiri ku yeelan karo ganacsatada Somaliland, waxa uu yidhi; “Saamayn weyn buu keeni karaa haddii uu heshiiskani sidan ku hirgelo, dhibaato weyna wuu keeni karaa, shisheeyaana gacanta ku qabanaya dalkeena iyo baayac-mushtarkeenaba, taasina saamayn xun bay ku yeelanaysaa ummadda reer Somaliland mustaqbalka, maahmaah soomaaliyeed baa tidhaahd, ‘Midho geed saaran kuwo gunti kuugu jira looma daadayo,’ taas ayeyna garan weyday xukuumaddeenu.” Jamhuuriya Online Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 22, 2008 Guddi-hoosaadada Wakiillada oo Caddeeyay inay Go’aan sharci ka soo saari doonaan Heshiiska xukuumadda iyo Al-Jabiri Badheedhihii Ganacsatada xoolaha iyo ballanqaadyada Guddiyada Wakiilada Hargeysa (Jam)- Guddi-hoosaadyada Golaha Wakiillada Somaliland iyo guddiga ganacsatada xoolaha ayaa shalay kulan xaasaasi ah ku yeeshay xarunta Wakiillada ee magaalada Hargeysa. Kulankaas oo ay ka qaybgaleen qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha guddi hoosaadyada iyo xoghayeyaasha guud ee guddi hoosaadyada oo matalayey guddoomiyeyaasha shirka ka maqnaa, waxa dhinaca ganacsatada xoolaha nool dhoofisana horkacayey Guddoomiye-ku-xigeenka guddiga ganacsatada Mr. Xuseen Maxamed Cawaale (Gacma-dheere). Waxayna ganacsatadu guddi hoosaadyada Wakiillada u soo bandhigeen cabashadooda la xidhiidha dhoofka xoolaha nool ee xukuumadda Somaliland kootada ugu xidhay maalqabeen Sucuudiga ah ee Saleebaan Al-jaabiri, kaas oo ay ku tilmaameen heshiis xaaraan ah oo lagu cuno-qabataynayo, isla markaana aanay sinaba u aqbalayn. Guddoomiye-ku-xigeenka ganacsatada xoolaha Mr. Xuseen Maxamed Cawaale (Gacma-dheere) oo u hadlayey adhiilayaasha, ayaa u xaqiijiyey guddi hoosaadyada Wakiillada in xukuumadda Rayaale xabsiga u taxaabtay Guddoomiyahoogii, iyaga oo aan ilaa hadda garanayn sababta xadhiggiisa ka dambeysay marka laga reebo shir-jaraa’id oo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin heshiiska kootada loogu xidhayo Al-jaabiri oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa, kaas oo dareenkooda ay ku cabirayeen iyaga oo aan wax dhibaato ah gaysan. Waxaanna Guddoomiye-ku-xigeenku si faahfaahsan sharraxaad uga siiyey mudanayaasha Wakiillada arrinta dhoofka xoolaha nool iyo khilaafaadkii cakirnaa ee muddada dheer soo taxnaa, kaas oo la xidhiidhay kootada dawladda xoolaha ugu xidhay Al-jaabiri oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid sharci-darro ah kana soo horjeeda shuruucda iyo xeerarka dalka ee qeexaya ganacsiga xorta ah. Isaga oo xusay in aannu heshiiskaasi khusayn oo ay go’aan ku gaadheen in xoolahooda si toosa uga dhoofiyaan Dekedda Berbera oo aan xadhig iyo caga-juglayn karin inay si xor ah xoolahooda uga ganacsadaan, meesha ay doonaana u dhoofiyaan, iyaga oo caddeeyey inay ku helayaan qiimo aad uga sarreeya ka iminka Al-jaabiri loogu xidhay inuu xoolaha ku iibsado. Waxaannu Gacma-dheer caddeeyey in xoolihii ay 15 July 2008 sida xorta ah uga dhoofiyeen Dekedda Berbera neefkiia laga siistay $45, kaas oo ka sarreeya ka xukuumaddu kula heshiisay inuu xoolaha ku iibsado oo ah $42 neefkiiba. Ugu dambeyntiina waxay ganacsatada xooluhu ka codsadeen guddi hoosaadyada Golaha iy guud ahaanba mudanayaasha Wakiillada inay ku taageeraan sidii heshiiska Al-jaabiri oo khatar ku ah horumarka iyo kobaca dhaqaale ee dalka looga gudbi lahaa xukuumaddana laga qancin lahaa inay shuruud la’aan heshiiskaa kaga noqoto. Guddi hoosaadyada Golaha Wakiillada ayaa iyaguna dhinacooga u muujiyey ganacsatada xoolaha ee cabashada ugu timi inay dhibta haysata ka warqabaan, isla markaana la qaybsanayaan, waxayna ganacsatada ugu xorwarrameen dhibaatada dalka ka taagan iyo sida xukuumadda Madaxweyne Rayaale isaga indhotirtay, ugana tallaabsatay dhammaanba xeerarka iyo shuruucda dalka u yaal, waxayna xuseen in Golaha Wakiillada oo ummadda reer Somaliland soo dooratay ay in badan ka hadleen dhibaatooyinka dalka ka taagan iyo shuruucda lagu tuntay, balse aanay xukuumadda rayaae dhag-jalaq u siin iyada oo kaashanaysa shacbiga iyo ganacsatada dalka. Balse, waxay guddi-hoosaadyadu caddeeyeen in iminka uu cusubi u baryey hawl-maalmeedkii Golaha Wakiillada wax badanna hadda qaban doonaan, maadaama shacbiga iyo ganacsatadiiba arkeen sida xukuumaddu shuruucdii dalka ugu tumanayso. Waxayna ganacsatada u ballanqaadeen in arrintooda Golaha Wakiilladu degdeg ah wax uga qaban doono, isla markaana arrinta xoolaha lagu dari doono ajandaha kaldhiga 7aad ee Golaha oo fadhigooda u horreeyey shalay yeeshay. Sida oo kale waxay guddi hoosaadyada Goluhu caddeeyeen inay I Golaha Wakiilladu sida ugu dhakhsaha badan soo saari doono sharci lagu tirtirayo heshiiska xukuumaddu kootada ugu xidhay dhoofka xoolaha ninka Sucuudiga ah ee Al-jaabiri. Guddoomiyaha guddiga joogtada iyo anshaxa ee Golaha Wakiillada Md. Xaashi Xuseen Caabi oo kulankaa ka hadlay, ayaa ugu dambeyntii ganacsatada ugu mahadnaqay booqashada ay ugu yimaaddeen isaga oo ka codsaday inay mawqifkooda dhabta ah ee ku waajahan halka ay ka taagan yihiin heshiiska xukuumaddu la gashay Al-jaabiri oo qoraal ah Golaha u soo gudbiyaan si ay wax-ka-qabashada arrinta fure ugu noqdo. Kulankaas oo socday muddo saacad ku dhow waxa uu ku soo gebageboobay jewi fiican oo labada dhinacba niyad samaan isu miijiyeen. Jamhuuriya Online Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted July 23, 2008 waxa la yidhi habar dhali weyday alleele ku waalatay. reporting on the usuall game of cat and mouse that is known as politics in somaliland between parties in the run up to election does not my friend mean an imminant collapse so dont get your wrist tired with the copy and past in fact somaliland has achieved most of its goals this year especially as the political landscape of eastern somaliland has been totaly altered and somaliland has its firm grasp on every capital of every region from Las Anod to Borame and since somaliland broke the back of puntland millitarily it has never been the same for you has it, i guest you are only left with the propaganda from second rate sites as a source of comfort. happy copy and pasting Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 23, 2008 This is from the big secessionist newspaper and not the Duke. Feeling the heat ya secessionists? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted July 23, 2008 amxaro boy oh yes let me see the parliament are going to have a look at the contract awarded a private indivuduall. in democracy that is the job of a parliament but what would naagaha habashidu like ina yey and yourself know... you just not civilised enough keep swimming in your own excriment Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 23, 2008 lool. Adeer why all the talk. Stop the mafia boss from absuing the people. Come on were is the SNM. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 24, 2008 That is the problem when you need some lessons from the democracy. The President issued a contract, the parliament is having a review on it, some people came against the contract ,, people are debating over the issue. DEMOCRACY INDEED ................. Shall we talk about Muqdisho now ??? ,,,, You better not. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted July 26, 2008 Duke, The other day you were saying Dahir Rayaale is being held hostage in Hargeysa and that you felt sorry for him and now he is the boss above all. Waad naga waalaysaa sxb. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 26, 2008 ^^^Adeer the word boss in this context is tinged with irony. He is part of the Mafia group a puppet of the family, know what I mean. Qudac, why are you getting angry lad. Did Pete thatchels efforts not get you recognition yet? Quote Share this post Link to post Share on other sites