Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: King Abdullahi the elections of Puntland

Recommended Posts

Bossaso, Dec 16 - Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse oo baaq ka soo saaray doorashada Puntland.

 

Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse ayaa ku sheegay in Gudiga Isimada Puntland ee ku hawlanaa Qaabka Doorashada u dhici doonto iyo soo xulista Xubnaha Golaha wakiilada Puntland ay goobjoog ka ahaan doonaan Isimadaan ku cad Baaqa Boqorka oo u dhigan sidaan:-

 

Ref.Bos/01/08

 

Bosaso Dec 16, 2008 iyadoo sida la ogsoon yahay uu soo aadan yahay xilli lagu gudan jiro dhismaha Golaha wakiilada iyo doorashada Madaxwaynaha iyo Madaxwayne kuxigeenka Gawlad Goboleedka Puntland, waxaa lagama maarmaan ah in la abuuro jami ay hawlahaasi si hufan ugu fulaan.

 

Waxaa muhiim ah in la sugo nabadda iyo degenaanshaha Puntland lagana ilaaliyo wax kasta oo jiritaanka iyo magaca bulshadeena iin u yeeli kara.

 

Sidaa daraaddeed waxaan Gartay in Gudi Issimo ah ka hawlgalaan:

 

1. Inuu noqdo marjaca loo la noqonayo wixii khilaaf ah oo ka dhasha xubinnimada Golaha Wakiilada ee uu u xil saaran yahay Gudiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadku, iyadoo uu Gudiga Isimadu Go'aan ka gaarayo wixii cabasho ah oo arintaan ku saabsan.

 

2. Inuu goob joog ka noqdo Doorashada xiliga la qabanayo si loo hubiyo inay u dhacdo si hufan.

 

Gudigu waa:

 

1. Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse

2. Garaad Jaamac Garaad Cali

3. Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin

4. Garaad Saleemaan Garaad Maxamuud

5. Garaad Cabdulaahi Cali Ciid

6. Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi

7. Garaad Maxamed Cilmi Shirwac

8. Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cali oo ah wakiilka Boqorka.

 

Waxaan Eebbe ka baryayaa inuu guddiga ku garab galo xilka culus ee hawshaan la xiriira.

 

Dadwaynaha Puntland waxaan ka rajaynayaa in lagu mintido Midnimada, Xasiloonida iyo Nabadda Puntland.

 

Eebbe talada hana waafajiyo kuwii asiibana ha naga yeelo.

 

Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse ayaa ku saxiixan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this