Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: President opens police investigations branch :Oto Oto

Recommended Posts

Madaxweyne Yuusuf oo furay Xarunta booliska ee Oto Oto

Last Updated::2008-04-02 11:47:32

 

Muqdisho (HR Media) Madaxweynaha dowladda kmg ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta xariga ka jaray xarunta

booliska Soomaaliyeed ee Oto Oto.

Xaflad ballaaran oo halkaasi lagu qabtay ayuu madaxweynuhu ka hadlay wuxuna sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay dib u furista xaruntii booliska.

 

Xarunta Oto Oto ayaa dib loo furay ka dib markii la dayac tiray.

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf wuxuu ka hadlay ammaanka oo uu sheegay inuu lafdhabar u yahay booliska Soomaaliyeed.

 

Wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan booliska isla markaana ka qeyb qaataan soo celinta nabadda iyo dib u heshiisiinta dalka.

 

Xafladda dib loogu furayay xafladaasi waxaa ka qeybgalay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo mas'uuliyiin kale oo dhinaca ammaanka ah.

 

C/laahi Yaasiin Jaamac

Horseed Media Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta xariga ka jaray Xarunta ka hortaga Dambiyada Ciidanka Booliska soomaaliyed.

2. april 2008

 

Muqdisho (AllPuntland) - Madaxweynaha Dowladda soomaaliya Mudane cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee ka hortaga dambiyada ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo loo yaqaan 88.

 

Madaxweynaha oo hadalo ka jeediyay xaflad lagu furayay munaasabada dhismaha Xarunta ka hor taga dambiyada ee Ciidamada Booliska leeyihiin ayaa sheegay in dhismahan uu xariga ka jaray uu rajeynayo in ay noqoto mid si weyn u ilaalisa nidaamka sharciga booliska iyo amni soo celinta.

 

Mr Yuusuf ayaa carabka ku adkeeyay in ay wanaagsan tahay in nabada laga wada shaqeeyo si qaranimadii luntay ee dalka Soomaaliya usoo laabato.

 

Mar uu ka hadlayay arrimaha dib u heshiisiinta ayaa waxa uu tibaaxay in ay dhankooda wax walba diyaar u yihiin, balse dad walaalaheena ayaa shida wada ayuu yiri.

 

"Umada soomaaliyeed waxay ku jireen dhibaato, waxaana loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo nabad si loo samata bixiyo, qof walbana waxaa waajib ka saaran in ay ka shaqeeyaan nabada"ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf.

 

"Waxaan la soconayaa in dad walaalaheena ay yihiin kuwa shidada wada, oo dagaalka kaga qurux badan yahay nabada, kuwaas waxaan leenahay iimaanka allaha geliyo"ayuu mar kale ku celiyay Madaxweynaha.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Qeybdiid oo ka hadlay munaasabadaas ayaa waxaa uu sheegay dhismaha ay gacan ka wada geysteen Ciidanka Booliska Soomaaliyed iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Waxaa uu sheegay in ujeedka xarunta hogaanka dambi baarista Ciidanka Booliska uu yahay in cid waliba ay xaq u yeelato iyadoo aan waxba loo dhimeyn nidaamka iyo kala dambeyn booliska.

Furitaanka hogaanka dambi baarista Ciidanka Booliska ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas'uuliyiin iyo saraakiil ka socotay Ciidamada Qalabka sida.

 

Ma ahan markii u horeysay ee uu Madaxweynaha xariga ka jaro xarun ka mid ah kuwa Dowladda ku shaqeyso, waxaana bartamihii sanadkii hore aheyd, markii uu xariga ka jaray Xarunta gaadiidka ee Visha Bra, taasoo ahaa halkii laga xukumi jira Gaadiidka Dowladii hore.

 

Cabdicasiis Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta xariga ka jaray munaasabadii dib u furista xarunta Otto Otto (Xildhibaan Muuse Yalaxow oo munaasabadaa ka qeyb galay isagoo muujinayay ku qanacsanaantiisa dowladnimada Soomaaliya)

 

In ka badan muddo 17 sanadood ah oo ay howlgab ahayd ayaa maanta dib albaabada loogu balaqay xarunta hogaanka ciidanka ka hortaga dambiyada ee loo yaqaano Otto Otto,waxaana xariga ka jaray madaxweynaha jamhuuriyada federalka Soomaaliyeed mudane Cabduillaahi Yuusuf Axmed.

 

Madaxweynaha oo munaasabadii dib u howlgelinta ciidanka ka hortaga dambiyada iyo furitaanka xaruntoodaba ka hadlay ayaa sheegay in wax loogu farxo ay tahay maanta xarumihii hey’adaha qaranku in ay si tar tiib tartiib ah dib ugu howlgalayaan.

 

Munaasbadii maanta oo ahayd mid si aad u qurux badan loo soo qaban qaabiyay ayaa waxaa kasoo qeyb galay hadalana ka jeediyay masuuliyiin ka tirsan dowladda federalka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin taliyaha ciidanka booliska qaranka General cabdi Qeybdiid,xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow,guddoomiyaha gobalka Banaadir maxamed Dheere iyo masuuliyiin kale,waxaana dhamaanba dad weyne iyo masuuliyiintii ka qeybgalay ay muujiyen sida ay ugu faraxsan yihiin dibu howlgelinta ciidamada ka hortaga dambiyada.

 

Waxaa kaloo munaasabada kasoo qeyb galay taliye yaal ka socday ciidamada nabad ilaalinta Afrikaanka ee jooga dalka Soomaaliya.

 

Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo Soomaalida ugu baaqay midnimo &...

 

Madaxweynaha Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaalida inay ka shaqeeyaan sidii ay dalka midnimadiisa u sugi lahaayeen, isla markaana ay soo celin lahaayeen qaranimadii luntey.

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin wadahadal iyo nabad waxaase uu sheegay inay jiraan dad kale oo walaalo ah oo wada ah shidada iyo dhibka ka socda Soomaaliya.,

 

C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu sheegay inay haboon tahay in laga wada shaqeeyo nabada oo dagaalka la joojiyo, wuxuuna xusey in dagaal qofkii aan aqoon uu ku ordo balse kii yaqaan uu ogyahay waxa dagaal uu yahay.

 

"Waxaan la soconayaa in dad walaalaheena ay yihiin kuwa shidada wada, oo dagaalka kaga qurux badan yahay nabada, kuwaas waxaan leenahay iimaanka ALLAHA idin galiyo” ayuu yiri Madaxweye C/laahi Yuusuf oo ka hadlayey munaasabad maanta magaalada Muqdisho lagu qabtey oo xariga lagaga jareyey xarun ka mid ah xarumihii ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ay adeegsan jireen oo lagu magacaabo 888 taasi oo aan shaqeyn mudo ka badan 15 sano oo ay dalka ka oognaayeen qalalaase iyo dagaal.

 

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iney nabada ka shaqeeyaan gacana ku siiyaan ciidanka booliska sidii uu u gudan lahaa waajibaadka ka saaran xasilinta nabadgelyada iyo xasiloonida dalka oo haddii aan la helin aaney suuragal aheyn horumar lagu talaabsado” ayuu yiri C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Munaasbadaasi ayaa waxaa ka soo qyab galey xubno kala duwan oo ka mid ah DFKMG ah oo ay ka mid ahaayeen Taliyaha ciidanka Booliiska Soomalaiyeed Jen.Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Gudoomiyaha Gobolka Banaador Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) iyo xubno kale.

 

Xaruntan uu maanta xariga ka jaray madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa waxay nooqn doontaa xarun ay adeegsan doonaan ciidamada Booliiska gaar ahaan qaybta dambi barista.

 

Axmed Aar

SBC International Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo maanta dib u furay Hoggaanka ka hor taga Dembiyada ee gurmadka deg deg ah Booliska.

 

Mogadishu, Wednesday, Appril 02 2008 SMC“

 

Waxaa maanta dib loo furay xaruntii hore ee ka hortaga Dembiyada ee ka hortaga Dembiyada, waxaana xaruntaas maanta lagu qabtay Munaasabad dib loogu furayey 17 sano kadib.

 

Mas’uuliyiintii ka soo qeybgashay munaasabadaas waxaa ka mid ah eg Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, taliyaha Ciidanka Booliska DF Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb M/Dheere iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumada iyo Baarlamanka oo uu ka mid ahaa xaaji Muuse suudi yalaow.

 

C/llaahi Yuusuf Axmed oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyey ciidanka Booliska Soomaaliyeed furitaanka xaruntaasi oo uu sheegay iney saldhig u tahay howlaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

“Waxaa jira qaar walaalaheen ah oo shido ka wada dagaalkana uu kala qurux badan yahay nabada, dagaalna ninkii yaqaan kuma deg dego, waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iney nabada ka shaqeeyaan gacana ku siiyaan ciidanka Booliska sidii uu u gudan lahaa waajibaadka ka saaran xasilinta nabadgelyada iyo xasiloonida dalka oo haddii aan la helin aaney suuragal aheyn horumar lagu talaabsado” ayuu yiri Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo u mahad celiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

 

Madaxweynaha ayaa mudadii uu khudbeyanay u soo jeediyay saraakiisha Booliska inay ka shaqeeyaan nabadda, wuxuuna ciidanka Booliska u soo jeediayay inay deyn qaataan, islamarkaana u adeegaan qaranka.

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loool...at the so called presidet...Inta beebe korkiis laga soo gemey ayaa haddana lagu sii gemey, waxaas wax furid miyaa. Did anyone see the atmosphere? Very tight security sidii in Malaga nafta gooya ay qoryo badan kaa celin karaan. And yeah Gabra was there as well telling Yey when to hop the armoured vehicle and when not to. When that guy leaves our soil then can the likes of Yey claim to be the president and Finally whatever happened in Diin soor, Qansax Dheere, Jowhar, Buulo Barde, Ceeldheer, Jalalaqsi, Kala Bayrka, and Cadaado Today? I think no one iska indha tiri karo ma leh that inay mucaaradku marba meeshii ay rabaan gaardis ku maraan? Odaygaan yaa dhaho hadda meeshaan iskaga tag gaarigaas qufulan orod meel kuma gaaro ama Badda ayuu kula geli sidaad u cararayso amaba waa laguu imaan oo madaxtooyada ayaa laguugu soo dhici insha Allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this