Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Trouble with vote registration in Togdheer.

Recommended Posts

Burco: Fadeexada Qarsoon ee ka soo Ifbixay Diiwaangalinta Gobolka Togdheer

 

-------------------------------------------------- ------------------------------

 

 

 

(Burco: Fadeexada Qarsoon ee ka soo Ifbixay Diiwaangalinta Gobolka Togdheer )

hadhwanaag 2008-12-14 (Hadhwanaagnews) Burco (HWN)- Gobolka Togdheer ayaa maalintii shalay waxa si rasmi ah uga bilaabmay hawlihii diiwaangalinta, halkaasoo subaxnimadii hore ee shalay ay goobihi diiwaangalinta ee magaalada Burco ay safaf dhaadheer dadku ugu jireen.

 

Goobaha diiwaangalinta ee Gobolka Togdheer loo qorsheeyay ayaa ah 196, halka magaalada Burco gudaheeda la dhigay 48 goobood, qaar ka mid ah goobaha magaalada ayaa waxa subaxnimadii hore la soo derestay cilado farsamo oo dhinaca kambayuutarada iyo qalabka wax daabaca,inkastoo qaarkood la xaliyay, haseyeeshee wararka ka imanaya goobaha dibedda ayaa sheegaya in cilado badani ku yimaadeen isla markaana qaarkood dib-u-dhacyo ku yimaaddeen.

 

Waxa kale oo la sheegayaa inay dhibaatada ugu weyn ee laga soo qaylinayay dhinaca goobaha dibedda ay ahaayeeen tirada dadka u soo baxay diiwaangalinta iyo sanaaduuqda loo diray oo aad u yaraa, taasina ay keentay in ay kala bataan dadkii iyo qalabkii diiwaangalintu.

 

Sidoo kale waxa goobhaas ka baxsan magaalada Burco aan loo dirin qalabkii kaydka ee Komishanku uu balanqaaday, kaas oo noqday mid aan la fulin, arrimahan iyo kuwo kale ayaa muujiyay tayo-daraanta qalabka kambayuutarada iyo tirada dadka lagu diiwaangalin karo.

 

Fadeexado aan hore loo ogeyn ayaa ka soo ifbixay hawlihii diiwaangalinta ee ka bilaabmay degaanka Gobolka Togdheer, ayaa ka dhashay markii dadweyne aad u farabadani u soo baxay inay isdiwaangaliyaan goobaha loogu talogalay diiwaangelin, kuwaas oo qalabka kambayuutaradu ay noqdeen kuwo ay awooddooda ay kooban tahay, isla markaana culayska ay qaadi karaana uu noqday.

 

Waxa soo baxay in kambayuuratadii marka tirada dadka lagu diiwaangaliyo ay dhaafaan laba boqol ay la soo baxaan culays badan oo ay dhaqaaqi kari waayaan, kadibna dib-u-dhac ku yimaaddo hawshii, isla markaana sida dadka khabiirada ku ah kambayuutardu ay sheegeen in aanay is lahayn tayada iyo baaxada lagu sheegay qalabkan, haseyeeshee awoodoodu liidato, sidaas darteed loo baahan yahay in goobaha qalabka la geeyay la xoojiyo.

 

Cabashooyinkan iyo dhaliilahan ka soo baxay diwaangalinta maanta, ayaa masuuliyiinta Xisbiyada, salaadinta iyo waxgaradka Gobolku Hordhigeen weftigii xukumadda iyo Komishanka una soo jeediyay in si deg deg ah wax looga qabto arimaha.

 

Si kastaba ha ahaatee sawirka giuud ee maanta ka muuqday Hawlaha diiwaangalinta Magaalada Burco iyo Guud ahaanba Gobolka ayaa cadeynaya sida xooga leh ee reer Togdheer ugu diyaargaroobeen diwaangalinta.waxaana hawshu u socotay si nabadgelyo ah, inkastoo boolisku ****oli kari waayay baahidii amaanka ee goobihii diwaangalinta, qaarkoodna aanayba joogin.

 

Dhinaca kale, Degaanka Oodweyne ayaa si Rasmi ah uga bilaabantay, diwaangalintu in kastoo goobo badan ay dib udhaceen ka dib markii qalabkii cilado farsamo ku yimaadeen, taasoo farsamayaaqanadii xalinlahaa,laga soo raadiyay Burco,taasina ay wakhti badan ku lumay.

 

Magaalada Buuhoodle ayaa Gudoomiye-ku-xigeenka Komishanku cadeeyay inaanay ka qabsoomayn doorashadu, isagoo ku macneeyay in meelihii ay hore uga dhacday Doorashooyinku loo qorsheeyay inay diwaangalintu ka dhacdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Buuhoodle ayaa Gudoomiye-ku-xigeenka Komishanku cadeeyay inaanay ka qabsoomayn doorashadu, isagoo ku macneeyay in meelihii ay hore uga dhacday Doorashooyinku loo qorsheeyay inay diwaangalintu ka dhacdo

what does this mean no doorasho in buuhoodle. wamaxay dawladan udub eeh waxan ku dhaaqaaqday suutii xuduuda la so xidhay maxa keenay doorasho kama dhacayso because 2003 doorasho kama dhicin.

maanta 2003 ba la jooga waa 2009 eh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this