Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: President Faroole angry statement @ the killings

Recommended Posts

Boosaaso:"Uma dulqaadanayo in dadkayga lalaayo,Dulqaadkiina waa naga dhamaaday"Madaxweynaha Puntland oo si kulul uga hadlay Amaanka Puntland

 

Boosaaso:(Allpuntland)-Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa Maanta si kulul uga hadlay Amaanka guud ee Puntland gaar ahaan Magaalada ganacsiga ee Boosaaso oo uu imika kusugan yahay,wuxuuna sheegey in Amaanka ay Ciidanku sugayaan.

 

Madaxweynuhu wuxuu Cabasho xoogan ka muujiyey Boqolaalka kun ee Qoys oo kunool Xeryaha barakacayaasha ee deegaanada kaladuwan ee Puntland ku yaala,wuxuuna sheegey in dadkaasi ay ku jiraan kuwo dhibaatooyin Amaan wada,isagoo sheegey in Dawladu ay go'aan ka gaari doonto.

 

"Saacadihii lasoo dhaafay magaalada Dhowr qof ayaa lagu dilay,nin Dhalinyaro ah waa la dilay,Labo ruux iyaga waa la dilay,Dawladu waxay tuhun san tahay Dadka soo barakacay,Waxaa ku dhex jira kuwo Dhibaatooyin badan ku haya Amaankeena & Xasiloonideena,Marka Dulqaadkii waa naga dhamaaday Golaha Wasiiraduna Go'aan bay ka gaari doonaan arintaan"Ayuu si caro leh uyiri madaxweynaha puntland.

 

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegey in Xukuumadiisu ay ka walaacsan tahay Dadka Reer Puntland oo uu sheegey in mararka qaar si macno daro ah lagu laayo,wuxuuna intaas ku daray in Golaha Wasiirada ee Dawlada Puntland ay go'aan adag si dhakhso leh usoo saari doonaan.

 

"Uma dulqaadanayo in dadkayga La'iska laayo,Waxaanu samayndoonaa Go'aamo Amaan oo si gaar ah dadka soo barakacay u quseeya,Waxaanuna Hay'adaha Qaxootiyada u shaqeeya u sheegaynaa in aysan ka xumaan Go'aamadayada oo aanu amni bidnay"Ayuu yiri Madaxweynaha Dawlada Puntland.

 

Madaxweyne Faroole ayaa dhowr jeer ku celceliyey in Xukuumada Puntland ay go'aamadeeda si dhakhso leh u soo saari doonto,wuxuuna madaxweynuhu intaas ku daray in Amaanka Puntland uu xukuumada xil weyne ka saaran yahay,Hadalka Madaxweynaha oo ah kii u adkaa oo uu jeediyo in mudo ah ayaa laga warsigayaa halka uu ku biyo shubto,waxaana la filayaa in madaxweynuhu uu isugu yeero Wasiirada Puntland si ay uga xaajoodaan Arimaha Amaan ee guud ahaan Deegaanada Puntland.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

So masaakiinta dagaalaha kasoo cararay, oo is iri dhul Soomaaliyeed oo nabad ah u magan gala, baa hadda la leeyahay wax bey qasaayaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Haatu, yeah farole thinks people will actually buy that cheap talk. The second he came to town this started happening what a coincidence huh!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Maxay ahayd sheekadii?: Ari uu lahaa Shabeel baa Geel ku dur-duriyey, Shabeelkii markuu ogaaday ayuu ku dhici waayey geelii, balse wax uu iska dhicin karo ayuu raadsaday! Arigeyga Indhabuur ma leyne, lo'danaa leysay! [waa iga kala maqantahay]...

 

Hadda, masaakiintan baa laga adagyahay!, haddii argagaxiso joogaan ma iyagaa soo qaxay, maxaa dadka soo qaxay laga rabaa? Dadka dagaalada ka soo cararay ee PL yimid, waan soo dhoweyneynaa, waddankiinnii baad joogtaan, balse ciddii ammaankayaga halis ku ah oy ku caddaato, gacan bir ah baan ku qabanaynaa, ama halkan ha ku dhasheen, ama ha yimaadeen! saas maxaa ku jaban?.

 

Mise waa: ...AF SALLAX KU DHEG? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this