Juje Posted October 9, 2009 Sarkaal ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo goordhow lagu dilay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye Shabelle: AFGOOYE Sarkaal ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa goordhow waxaa lagu dilay inta u dhaxaysa magaalada Muqdisho iyo degmad Afgooye ee gobolka Sh/hoose. Sarkaalkan geeryooday oo magaciisa lagu soo gaabiyay Daalibaan ayaa kooxo hubaysan islamarkaana gaari Rooneed ah watay waxa ay Marxuumka isagoo gaari saarnaa ay ku toogteen deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magalaada Muqdisho. Wararka qaar ayaa waxa ay tibaaxayaan in 2-qof oo kale oo kamid ahaa dadkii gaariga la saarnaa Sarkaalka geeryooday ay iyana geeryoodeen mid kalana uu dhaawac soo garay. Deegaanada lagu barakacay ee inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan deegaanka Ceelasha biyaha ayaa xaaladeedu waxa ay haatan tahay mid kacsan sida ay wararku tilmaamayaan iyadoona halkaasi lagu arkayo gaadiid dagaal oo wataan Ciidamada Ururka Xisbil Islaam. Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta sar sare ee Ururka Xisbul Islaam oo ku aadan dilkan loo gaystay Sarkaalkani ka tirsanaa Ururka Xisbul Islaam ee magaciisa lagu soo gaabiyay Daalibaan. Wixii warar ah ee ku soo kordhaa kala soco Shabelle.net hadii uu Ilaah inoo Saamaxo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted October 9, 2009 Warar hada na soo gaaraya ayaa sheegaya in Sarkaal sarre oo ka tirsan Ururka Xsizbul Islaam ee uu hogaamiyo Sheekh Xasan daahir Aweys goor dhow lagu toogtay ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Sarkaalkan la toogtay oo magaciisa lagu soo gaabiyay 'Talibaan" ayaa waxaa toogtay koxoo hubeysan kuwasoo gaari ku horgooyay gaari uu watay sarkaalkani ka dib xabada ooda kaga qaaday. Dilkan qorsheysan ayaa ilaa iyo hada la ogeyn cida ka danbeysa iyadoo ay jiraan dagaalo u dhaxeeya kooxaha islamiyiinta ayaa hadana aysan jirin ilaa iyo hada cid sheegtay dilka mas'uulkaasi. Ururka Xisbul Islaam ayaa isan weli wax war ah ka soo saarin dilka sarkaalkaasi lagu magacaabo Talibaan kasoo daqiiqad ka hor lagu dilay ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. wixii ku soo kordha wararkeena danbe kala soco. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted October 9, 2009 omali Islamist commander gunned down in capital Posted: Oct 9, 2009 03:27 PM Updated: Oct 9, 2009 03:27 PM MOGADISHU, Somalia (AP) - An Islamist spokesman says gunmen have killed a senior member of Somalia's insurgency in the country's capital. Hizbul Islam spokesman Mohammed Osman Aros says the group does not know who killed Ahmed Abdurahamn Odawa, known as "Taliban". Local resident Mohamud Aden says Odawa's bodyguard and a nearby civilian were also killed. The attack follows clashes between the Islamic Party and al-Shabab over revenues generated in the southern port town of Kismayo. It was unclear whether the al-Shabab group was responsible for the attack. Three people were killed and six injured in a separate incident Friday. Local resident Salad Ahmed says he saw the bodies after the Islamic Party attacked a government base in the central Somali village of Bacda. Copyright 2009 The Associated Press. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted October 9, 2009 Sargaalka la dilay wuxuu gacanyare u ahaa Xasan Dahir ,,, AUN Quote Share this post Link to post Share on other sites