Sign in to follow this  
Jabhad

Xildhibaano xabsi loo taxaabay.

Recommended Posts

Jabhad   

Xildhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya oo ay tiradooda gaareyso ilaa 3 xildhibaan, ayaa la sheegay in Booliska Kenya ay kala baxeen hoteel ku yaala magaalada Nairobi, kuwaasoo la dhigay xabsi ku yaala Nairobi.

 

 

 

Hobyonet. Muqdisho. Jimco, Jan,05, 2007

 

 

Warar ka imaanaya Nairobi, ayaa tilmaamay in booliska Kenya ay u dhaceen hoteelka Barakaad, halkaasoo oo ay dagan yihiin xildhibaano taabacsan guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadam, oo siyaasad ahaan si weyn uga soo horjeeda xubnaha sarsare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

 

 

 

Ma jiraan warar rasmi ah oo la xiriira xarigga xildhibaanadaan, balse wararka qaar ayaa la xiriira in ay dowladda Soomaaliya ka codsaday in booliska Kenya ay qabqabtaan xildhibanadaas.

 

 

Xildhibaano kale oo baarlamaanka ka tirsan, ayaa waxaa la sheegay in ay iyaga baxsad yihiin, iyadoo maamulaha hoteelka Barakaad ee Nairobi uu sheegay in la tusay liis ay ku qoran yihiin ilaa 26 xildhibaan oo ay booliska Kenya baadi-doonayaan.

 

 

xildhibaanadaas, la doonayo, ayaa waxaa la sheegay in ay ka mid yihiin Xildhibaan Suleymaan Colaad Rooble, xildhibaan Cismaan Xasan Cali ( Caato), xildhibaan Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo xildhibaano kale oo la sheegay in ay haatan baxsad ku yihiin gudaha magaalada NBairobi.

 

 

Waa markii ugu horeysay oo ay Booliska Kenya baacsadaan xildhibaano ka tirsan dowladda tan iyo markii ciidamada Itoobiya ay kala wareegeen maamulka maxkamadahja magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka arrimaha dibedda dowladda federaalka Soomaaliya oo arrintaan wax laga weydiiyey, ayaa waxa uu sheegay in dowladda aysan waxba ka ogeyn arrintaan, balse waxaa muuqata in maalin kadib markii uu M/weynaha Soomaaliya tagay magaalada Nairobi ay billaabatay in la doondoono xildhibaanada ku fikirka ahguddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan.

 

Warar aan la sjaacin isha laga helay, ayaa tibaaxayey in M/weynaha dowladda federaalka Soomaaliya uu ka cudur daartay in kulamo dhexdhexaadin ah la yeesho guddoomiyaha baarlamaanka oo ku sugan dalka Kenya.

 

 

 

Axmed Daahir

 

Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Yeey-Ahmaar hoping to score a goal against his enemies before his masters[uS and Ethiopia]leave the scene..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cismaan Caato ma Neyroobi uu joogaa? Ar Cismaan Caato mee isku taabtaabanoyaan. This guy dad badan uu ka raaye banooniga, and I don't think Xabashi wax dhabta u saaran inay ka reyn karaan the day he arrives Xamar. I am sure he will convey a meeting to his fellow qabqable dagaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afsoomaaliga waa kugu adagyahay waala ogyahay, laakiin waxaaga butchering a fine language waaye.

 

"Ma xishoode Caato iyo wixii lamid ahba waala karbaashi doonaa" dheh, baliis.

 

Buug iyo qalinlaabis soo qaado, adiga iyo kuwa kale Amxaarada wataan inta ku jiro oo Afsoomaaliga aad ugu adag, si fiican ayaa la idiin baraa. Aan ka bilaabno B T J X KH D R S SH DH C G F..., leyliga caawa xaggaas ha inoo joogo. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

looks like yeey is trying send a signal to gedi! loool...! this gotta be a revenge thing since yeey cant get back to xamar!!

 

stay tuned 4 the upcoming pwr struggle between the clan worlords. :eek: :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Xabash lover wrote:

ma xeeshode, caato iyo wexe la mid ah ba wa la karbashi doona.

 

{1)ma xeeshode=maxishoode

{2}wexe = wixii

{3}karbashi=karbaashi

{4}doona=doonaa

You need alot of improvement, maybe you should give more attention to your Somali teacher, you never now you might need it when Xabashos are liberated from Somali soil.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Wararkii: Jan 7, 2007

 

www.somalitalk.com

 

Ciidamada Ethiopia oo Hadda Isku urursaday garoonka iyo Dekedda Muqidisho

Dagaal ka dhacay Xuduuda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya..

Halkee ku dambeeyeen hogaankii Sare Maxaakiimta..

Cali Cabdala Saalax oo kulan la yeeshay kaaliyaha..

Ciidanka Ethiopia oo Diley Wiil 13-jir ah...

Banaanbax looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya..

Dowladda Kenya oo sii deysay xildhibaanadii…

Muuse Suudi Yalaxow oo Sabtidii dib ugu laabtey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this