Sign in to follow this  
General Duke

Somali envoy to Russia named...Dr Hundule

Recommended Posts

Dr. Maxamed Maxamuud Handule oo loo magacaabay safiirka cusub ee dalka Ruushka

 

Handule.jpg

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Nairobi 15/02/07

 

 

Warqad qoraal ah uu ku saxiixnaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Fkmg Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa lagu magacaabay Safiirka ay yeelan doonto dalka Somalia ee u fadhiya dalka Ruushka oo magaciisa la yiraahdo Dr. Maxamed Maxamuud Handule oo in badan dalkaasi ku sugnaa.

 

Dr. Maxamed Handule wuxuu ahaa siihayaha safiirka soomaalida ee dalka Ruushka sanadihii 1999-2006-da, wuxuuna shaqaale kala duwan kasoo ahaa safaarada dalka Soomaalida ay ku leedahay dalka Ruushka Sanadihii u dhaxeeyey 1986-dii ilaa haatan oo loo magacaabay Safiirka Cusub ee dalka Ruushka.

 

Dr. Handule ayaa ku dhashay magaalada Burco ee dalka Somalia sannadii 1954-tii waxbarashadiisa wuxuu haystaa shahaadada PHD. Hadaba safiirka ayaa looga baahan yahay inuu la yimaado karti dheeraad ah iyo siduu isugu xiri lahaa xiriirkii kadhaxayn jiray Dowlada Somaalida iyo tan Ruushka.

 

Dalka Ruusha ayaa ahaa dowladii sida weyn uga soo qeyb qaatay tababarida inta badan janaraalada dalka Somalia iyo qaar badan oo ka tirsan saraakiisha ciidamadihii hore ee xooga dalka Soomaaliyeed.

 

Maxamed Cabdulle Xasan (SIIDI)

siidmohamed@hotmail.com

siidi@somaliweyn.com

Somaliweyn Media Center

Nairobi Office

Share this post


Link to post
Share on other sites

DFKS oo u magacaawday safiir magaalada Moskow ee Russia

xandulle.jpg

 

DFKS ayaa maanta u magacawday safiirkeeda u fadhiya Moskow ee Russia ,dott. Maxamed Maxamud "Xandulle" oo khabiir u ah arrimaha wadamadii USSR la isku oran jiray.

 

Ayadoo muddo laga sugayey ayaa maanta waxaa loo magacaabay dott. Xandulle safiirka FFKS ee Moskow,Russia oo muddo dheerahaa sii hayaha safaaradda Soomaliyeed ee Moskow,waxayna ahayd safaaraddaha faro ku tiska ahaa ee sii shaqaynayey tan iyo burburkii qaranimada Somaaliya.

 

Dott. Xandulle oo ku dhashay Burco,waxuu haystaa shahaadada Phd,khibrad dheerna waxuu u leeyahay arrimaha siyaasadeed ee wadamadii USSR la isku oran jiray.

 

Magacaabista dott. Xandulle waxaa soo dhaweynaya bahda Olol News iyo jaaliyaddaha Soomaliyeed ee Yurub iyo Waqooyiga Amerika oo qaybo badan uu ku caawiyey Moskow iyo agagaaraheeda.

 

Waxaa kaloo DFKS u magacawday qunsulka safaaradda Soomaliyeed ee Nayroobi Kenya dott.Maxamed Osman Aaden "Edson"

 

Bahda Olol News waxay u hambalyeeynaysaa doot. Xandulle iyo dott.Edson,xilalka loo magacaabay,waxayna u rajeynayaan in Eebbe u sahlo xilka loo dhiibay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

so he from somaliland good news :D:D

 

Dalka Ruusha ayaa ahaa dowladii sida weyn uga soo qeyb qaatay tababarida inta badan janaraalada dalka Somalia iyo qaar badan oo ka tirsan saraakiisha ciidamadihii hore ee xooga dalka Soomaaliyeed.

.............................

 

i hope they will help oss now to

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

so he from somaliland good news :D:D

 

Dalka Ruusha ayaa ahaa dowladii sida weyn uga soo qeyb qaatay tababarida inta badan janaraalada dalka Somalia iyo qaar badan oo ka tirsan saraakiisha ciidamadihii hore ee xooga dalka Soomaaliyeed.

.............................

 

i hope they will help oss now to

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this