Sign in to follow this  
OLOL

Omar Jamal oo daafacaya Cali Samatar oo Cod ah

Recommended Posts

OLOL   

Qoyska Gen. Maxamed Cali Samatar oo ka helay taageero jaaliyada Soomaalida ee gobolka Minnesota jaaliyada oo aanan rabin iney bilowdaan dacwooyinkan oo kale sharafna ulahayn ummada soomaaliyeed.

 

Ma xaq baa in mas'uuliyiintii dalka Soomaaliyeed maamuleysey oday Samatar oo keliya laga soocdo?

 

Home

 

 

Minnesota Allsomali News - Axad, 01.02.2005

 

 

 

Waxaa shir Jaraaid ku qabtay Qoyska Gen. Maxamed Cali Samatar Holiday Hotel eeku yaal gobolka Minnesota ee dalka Mareeykanka.

 

Waxaa soo qaban qaabiyey Shir jaraa'id kaan Qoyska Generaalka iyo Somali Justice Advocacy Center iyo masuuliyiinta kale.

 

Waxaa Shir ka ka soo qayb galey odayaasha, waxgaradka, aqoonyahay iyo shacab ku dhaqan magaalada Minneapolis oo rag iyo dumarba leh ayaa isugu yimi Hoteelka Holiday In ee xaafada Cedar ee magaalada Minneapolis.

 

Shirkaas oo lagu soo dhoweeyey Qoyska reer Maxamed Cali Samatar oo booqasho Daruufeed darteed ku yimid magaalada Minneapolis si ay reer Minnesota uguga xog waramaan Dacwad madani ah oo ka socota gobolka Virginia, lagu soo rogay aabahood Gen. Max’ed Cali Samatar.

 

Qoyska Gen. Max’ed Cali Samatar oo uu hoggaaminayey Dr. Cali Nuur Axmed waxa kale oo la socdey wiil iyo gabar uu dhalay Maxamed Cali Samatar Sahra Maxamed Cali Samatar & Yusuf Max'ed Cali Samatar/

 

Maxamed Cali Samatar oo lagu soo oogay dacwad madani ah waxaana ku soo oogay ninkan layiraahdo Bashe Abdi Yousuf, oo hadda ku nool Atlanta, Georgia ninkan oo ah dambiile kale oo dadku ay leeyihiin asagaaba ay jiraan dad wax ka sheeganaya oo uu dulmiyey waa sida ay leeyihiin dadweynaha badankiisee.

 

Waxaa Qoyska uhadlay Dr. Cali Nuur oo umahad celiyey Cumar Jamal oo ka socda (Somali Justice Advocacy Center) ywuxuu Dr. Cali baa yiri sidatan Mudace Baashi Cali ayaa Dacwad ku soo oogay, asagoo damacsan inuu ku cayaaro Gen. Maxamed Cali Samatar magaciisa, sharaftiisa, taas oo ah gardaro aan geed loogu soo gaban.

 

Wuxuu sii raaciyey Dr. Cali Nuur ninka mudacaha ah waa Baashi Cali waxaa ku mudacayaa ineey Ciidamada qaranka soomaaliyeed oo iqabtay ayaa iigeeystay dhibaatooyin

 

Maaha markii ugu horeeysay in lagu soo oogo gobolka Virginia ee cariga mareeykanka dacwad lagu madani ah oo lagu soo rogo qof ushaqeeyn jiray Dowladii dhacday ee uu utalinayey Mudane alaha unaxariistee Maxamed Siyaad Bare.

 

G/sare Tuke ayaa horey ujiray deganaana gobolka Virginia asagoo lagu haysto falgalo.

 

Dacwadan Maxamed Cali Samatar waa Dacwad lagu doonayo lacag lacagtaana waxa ay noqoneeysaa mid markii laga iitaal roonaado ay qeybsan doonaan looyarka & mudacaha uu qeyb qaadan doono looyarka qeybta kalena lasiin doono magdhow ahaan mudacaha marka ma laga yabaa inuu guuleysto?

 

Waxaa ka hadlay goobtaa gabar Soomaaliyeed tirina waa arin utaal Soomaali oo noqon doonta Silsilad shubmeysa oo bilaabaneysana, waa in laga hortagaa Soomaali ay hor istaagtaa Gen. Maxamed Cali Samatar waa oday Qarameed oo qabiil laguma sheegin.

 

Gabadhaa oo sii wadata ayaa waxay tiri Qabiilba Qabiil waxay noqon inuu dacweeyo, mida kale anagoo magaceynu xumaa ayaa baritana ay sii dilmeysaa sharafteena oo aanu isku qab qabsan doonaa darfaha aduunka oo idil.

 

Maxaa laga rabaa Maxamed Cali Samatar waxaa jooga dalkii dadkii laayey malaayuun hadana ah madax sar sare maahan mid qaranimo ay kaga difaacayeey Cadow soo weeraray waa mid ay ku geeysteen xasuuqoodii foosha xumaa mid ula kac ah hadana ay buuxaan dalkii hooyo aawaye kuwaas maala keeno maxkamada Heeg?

 

Arintaan baa ah arin aad iyo aad mid ufool xun ah maxaa yeelay maxaa maanta nakeenay dhul shisheeye waa dhib aanu isku geeysaney oo maanta maaha maalin aanu faraha isku fiiqno ee waa maalin aynu gacmaha is qabsanaa, oo ale barinaa anagoo isku duuban oo utoobad keeneyno rabigii ina abuurtay waa arin laga gil gisho iney maanta ay bilaabayaan dad qaarkii ama ku fakarayaan iney dib ugalaan dambigii ay ka galeen rabi oo ah dulmi iwm.

 

Soomaaliya waxaa baa ba'shay waa dulmi midka ugu weyn waxaana hada sii ciribtiri doona soomaali hadeysan ka waan toobin dulmiga iyo inta xun waxaa ay salkeeda loogaga baqaa inta xun iyo magac ba'ay.

 

By: Abdikarim Isse (Qaxiye)

 

abdikarim@journalist.com

 

allsomali@yahoo.com

 

Minnesota. Allsomali News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this