Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: fighting breaks out in Jilib..

Recommended Posts

Dagaalo ka qarxay magaalada Jilib ee gobalka J/dhexe

Last Updated::2006-12-31 18:34:19

 

tikniko_dowlad.jpg

 

Kismaayo:- Dagaal culus ayaa maanta gelinkii danbe ka qarxay degmada Jilib ee gobalka J/dhexe.

 

Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii ay deegaankaasi soo gaareen Ciidamada DFKMG iyo kuwa Dowlada Itoobiya ee taageeraysa.

 

Dagaalka ayaa la sheegay inuu mid culus yahay isla markaana uu laba aag ka socda dhinaca jidka Baraawe iyo dhinaca Bu'aale.

 

Dagaalka ayaa u muuqda inuu yahay mid kama danbeysta ahaa ee si fool ka fool ah isugu hardiyaan ciidamada labada dhinac.

 

Dowlada Federaalka ayaa sheegtay in ay la wareegayso guud ahaan dalka Soomaaliya, isla markaana aysan hal mitir aysan u ogolaan doonin Maleeshiyooyinka Maxaakiimta sida uu sheegay Ra'iisul Wasaare Geedi.

 

Prof.Geedi ayaa sidoo kale sheegay in ay wado nabad ah u furayaan Maxaakiimta balse aysan u dulqaadan doonin ciidan dagaalo abuuri kara.

 

Geedi ayaa maanta sheegay in magaalada Kismaayo ay ku sugan yihiin xubno argagaxiso ah isla markaana aysan ka hari doonin illaa inta ay kasoo qabanayaan dadkaasi.

 

Dhinaca Maxaakiimta ayaa sheegay in ay ku dagaalami doonaan gobalada Jubooyinka illaa inta dhibic dhiig ah jirkoodu ku jiro, halka ay horey uga soo baxeen magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in aysan dooneyn in ay ku dhex dagaalamaan magaaladaasi si aysan dadkaasi wax ugu noqon.

 

Magaalada Jilib ayaa maanta si weyn looga qaxay ayadoo ay dadku ka qaxeen dagaaladan xoogaleh ee hada socda.

 

Magaalada Kismaayo ayey xaaladeeda kacsan tahay ayadoo ay ka muuqato maleeshiyooyinka halkaasi ku sugan cabsi weyn oo ay ka qabaan in isla magaalada uu ka qarxo kacdoon shacab.

 

Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa horey uga codsaday in maleeshiyooyinkaasi iska baxaan oo aysan dagaal u horseedin, codsigaasi oo ay diideen Maxaakiimta.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxakimta oo JIlib ka baxey

 

31 Dec 31, 2006, 03:06

 

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamadii maxkamadaha Islaamiga ay isaga baxeen xalay waaberigii iyadoo isla saakayna ay halkaasi gaareen ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaan oo ku hubeysan gaadiidka kala duwan ee dagaalka.

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia halkaasi si diiran loogu soo dhoweyay iyadoo ciidamadii Maxkamadaha ay isku arursanayan Kismayo,

 

Guddoomiyaha maamulka Islaamiga ee gobolada Jubbooyinka Sh. Axmed Islaam ayaa sheegey in ay la dagaalami doonaan xoogaga ku soo socad.

 

Waxgaradka iyo culuma'uddiinka kale ee degmad Kismaayo ayaa ka codsaday Maxkamadaha Islaamiga Somaliyed in ay badbaadiyaan shacabka sida ay u badbaadiyeen dadka Muqdisho oo kale, inkastoo ay madaxda Maxkamdaha ay ku dhega adeygeen codsiyadaas.

 

Cali Muxayadiin Cali,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this