Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Ururka Al shabaab oo iska fogeeyay hadal ka soo yeeray Shariif

Recommended Posts

Xarakatul shabaabul Mujaahidiin ayaa waxaa ay iska fogeeyeen hadal ka soo yeeray Madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya sheikh Shariif oo ahaa in ay taageero ka helaan xoogaga ka soo hor jeeda dowlada Eritrea.

Afhayeenka Xarakatul shabaabul Mujaahidiin Shiikh Cali Max’uud Raage (Shiikh Cali Dheere) oo warbaahinta la hadlayay ayaa waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya oo xoogaga dowlada ka soo hor jeeda ku eedeeyay in ay xirir la leeyihiin Dowlada Eritrea kuwaasi oo uu sheegay in saanad military ay ka helaan.

“Waxaa ay Soomaali tiraahdaa inta carabi ku nabto ayeey hadana Nabiga kaaga hormartaa,

ninkii shalay Eritrea hoos joogay ee anaga colka nagula noqday 'maxaad noogu imaneyeyseen oo ururkii aan ku soo dhisnay Eritrea noogala mid noqon weyseen' ayaa waxaa uu maanta Rabaa in uu nagu eedeeyo Eritrea” ayuu yiri Shiikh Cali Dheere.

Hadalka ka soo yeeray Xarakatul shabaabul Mujaahidiin ayaa waxaa uu ka danbeeyay markii madaxweyne sheikh Shariif uu ku eedeeyay kooxaha la dagaalamaya dowladiisa in ay xiirir la leeyihiin dowlada Eritrea isla markaana ay doonayaan in ay wiiqaan awooda dowlada kmg Soomaaliya kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this