Sign in to follow this  
General Duke

President Yuusf on recent developments.. ICU, talks FT

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya oo baaq u jeediyay Maxkamadaha

 

Baydhabo-17.June.2006 Madaxweynaha dowladda federaalka C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ugu baaqay Midowga Maxkamadaha Islaamiga ee qabsaday

magaalooyinka Muqdisho, Jowhar iyo Beledweyne inay isaga baxaan magaalooyinka aan ka ahayn Muqdisho.

 

Madaxweyne Yuusuf waxa uu baaqan jeediyay mar uu maanta u warramay Idaacadda BBC-da laanta afka Soomaaliga ayuu wuxuu kaloo sheegay in maxkamadahaasi uu arko khatar.

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu kaloo sheegay in uu ogyahay in maxkamaduhu ay magaalada Muqdisho kaga itaal roonaadeen qab qablayaashii dagaalku kala dhaxeeyay.

 

Wuxuuna sheegay in isagu uusan labada dhinac midkoodna la jirin, balse uu ugu baaqayo maxkamadaha Islaamiga inay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu taageersan yahay go’aanadii ka soo baxay kulankii New York ay ku yeesheen kooxda xiriirka Soomaaliya.

 

C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu kaloo sheegay in uu rumaysan yahay in dalku uu u baahan yahay ciidamo shisheeye oo nabadgeliyo darrida wax ka qabta, isagoo intaa raaciyay in kuwa ka soo horjeeda in ciidamo la keeno dalka inay yihiin kuwo wax ma garata ah oo aan doonayn ayuu yiri in dalkan uu helo nabadgeliyo iyo xasilooni.

 

 

C/qaadir Nuunow

SBC Monitoring

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this