Sign in to follow this  
Gabbal

HornAfrik in Kismaayo has been shut down for airing the truth; reporters to prison.

Recommended Posts

Gabbal   

Maleeshiyo Beeleedka Maxaakiimta Kismaayo Oo Saaka Xabsiga Dhigay Sadex Wariye Oo Ka Howl Gala Magaalada Kismaayo Saacad Iyo Bar Kadibna Sii Daayay.

Sep 29,2006

by Kismaayo-Gedo News Network

 

Abaare 10-kii subaxnimo ee saaka ayaa xabsiga loo dhaadhiciyay sadex wariye oo ka tirsanaa wariyeyaasha ka howl gala gobolada jubooyinka kuwaasoo ku sugnaa magaalada kismaayo ee gobolka Jubada Hoose. Sadexdan wariye oo saxaafada in badan kasoo shaqaynayay ayaa waxay ahaayeen shaqaalaha idaacada Hornafrik Qaybteeda kismaayo.

 

Sahro Cabdi Axmed, Laylo Shiikh Aadan Ismaciil iyo Aadan Maxamed Salaad ( Aadan Kismaayo ) ayaa lagu eedeeyey inay idaacada kismaayo ka sii daayeen waraysiyo badan oo ay kasoo qaadeen dad Mudhaaharaadayay iyo kuwa kale oo ciidamada maxaakiimtu jirdil ugu gaysteen xabsiga magaalada kismaayo, amuurtaas oo ka caraysiisay dad badan oo markii hore aad ula dhacsanaa maxaakiimta gacanta ku haya kismaayo.

 

Wariyeyaaashan saaka xabsiga loo dhaadhacshay ayaa waqtiga la qabanayay ku guda jiray howlohooda saxaafadeed kuwaasoo laga hor qabtay iyagoo maraya Beerta-Xoriyada ee magaalada kismaayo, waxaana sidoo kale sadexdaas wariye lagala wareegay dhamaan qalabkii ay ku shaqaynayeen ee ahaa Mobiladii, Raadyaashii warqabadka Iyo Kaamirooyinkii ay sawirada ku qaadanayeen.

 

Wariye kale oo isna ku sugan magaalada kismaayo hase yeeshee codsaday inaan

magaciisa la shaacin oo markaas isaguna ka dhuumanayay ina la qabto ayaa ii cadeeyay in wali lagu raadjoogo qaybihii kale ee kala howlgali jiray idaacada Hornafrik wariyeyaasha saaka Xabsiga loo taxaabay.

 

Wariyahaas oo warkiisii sii wata ayaa xaqiijiyay in xiritaanka wariyeyasha gobolka

ay ahayd amar kasoo baxay masuuliyiinta isku magacaabay inay maamulaan magaalada kismaayo.

 

Dhanka kale maalintii ugu horeysay ee ay maleeshiyo beeleedku maxaakiimtu la wareegaan gacan ku haynta magaalada Kismaayo ayay maamulka maxaakiimtu ku wargaliyeen Idaacada Hornafrik inaysan sii dayn dhamaan wararka ku saabsan mudhaaharaadka Kismaayo, laakiinse waxaa amuurtaas ka madax adaygay shaqaalaha warbaahinta Hornafrik Kismaayo. Intaas kadib waxaa gabi ahaanba loo sheegay inay qoraan Mobilada ay wataan wariyayaashu Numbaradooda.

 

Isku soo duuboo waxaa saacad iyo bar kadib xabsiga laga sii daayay sadexdaas wariye oo lagu amray inaysan mar kale qaadin warysiyo ka turjumaya dhibaatada loo gaysto shacabka ku sugan Kismaayo ee mudhaaharaadka samaynaya.

 

Amuurtan waxay caqab ku noqonaysaa xoriyada saxaafada iyo saxaafatul qowlka,Waana markii ugu horeysay ee wariyeyaal tiradaas gaaraya lagu xiro Magaalada Kismaayo.

 

Maxamed Jaamac Faarax-Gedo News Network

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Somali Islamists close radio station - journalists

Fri 29 Sep 2006 8:41:44 BST

 

KISMAYO, Somalia, Sept 29 (Reuters) - Islamist gunmen who captured the Somali port of Kismayo have forcibly closed a private media network there which they accuse of distorting news about protests against the takeover, journalists said on Friday.

 

Islamist fighters on battle-wagons turned up at HornAfrik Radio's Kismayo offices late on Thursday, ordering staff to stop operations, the National Union of Somali Journalists said.

 

"We are strongly bothered by this show of aggression against this media house, which is a conscious attack on the freedom of the press and fundamental freedom of expression," said union secretary general Omar Faruk Osman.

 

The Islamists took Mogadishu from U.S.-backed warlords in June, and have been expanding their territorial control since then. On Sunday, they moved into the southern city of Kismayo, taking control without firing a shot.

 

But there have been anti-Islamist protests this week in Kismayo, and Somalis in general are becoming increasingly worried about signs of hardline practices by the movement, which was born out of sharia courts.

 

The Islamists' rise has challenged the aspirations of Somalia's western-backed interim government -- based in the provincial town of Baidoa -- to restore central rule to the Horn of Africa nation for the first time since 1991.

 

Islamist sources said HornAfrik had made false broadcasts about this week's protests in Kismayo, including reports that a boy had died and women were mistreated in the violence.

 

The Islamists say they are simply restoring law and order to Somalia after 15 years of anarchy since the ousting of dictator Mohamed Siad Barre. They are also openly calling for mainly Muslim Somalia to be ruled by a sharia system.

 

But critics say the Islamists are extremists who have links to al Qaeda and are harbouring foreign radicals in Somalia. The Islamists' top leader, Sheikh Hassan Dahir Aweys, is on U.S. and U.N. lists of people with alleged links to terrorism.

 

Earlier in September, the Islamists closed another radio station in the town of Jowhar for playing love songs. It was allowed to re-open after promising to stop broadcasting music.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Kismaayo: Maxkamadaha oo si cad ugu bareeray ku tumashada xuquuqda wariyayaasha iyo goobaha warbaahinnada.

Jimce, September 29, 2006

 

Kismaayo (AllPuntland)- Ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay saaka arrrnimadii xabsiga dhigeen saddex wariye oo ku sugnaa magaalda Jawhar kana shaqaynayay idaacada Hornafrik ee magaalada Kismaayo.

 

Layla Sh, Aadan oo ka mid ah wariyayaasha la xiray oo aannu khadka taleefonka kula xiriirnay daqiqado ka dib markii la soo daayay ayaa waxa ay AllPuntland u sheegtay in xilliga la xirayay ay ku guda jireen hawlahooda shaqo ayna doonayeen in ay magaalada gudaheeda ka soo aruuriyaan wararka iyo akhbaaraadka jira.

 

Ciidamada maxkamadaha ayaa waxa ay sheegeen in ay xarigani ku amreen ka gadaal markii la sheegay in ay baahiyeen warar sida ay sheegeen aan xaqiiq ahayn.

 

Arintani ayaa waxa ay ku soo aadamaysaa iyada oo maalintii labaad ay alabaabada u xirantahay idaacadda Horn afrik ee magaalada Kismaayo oo la sheegay in ay qoonsatay war ku aadanaa tacadiyo ay gaysteen ciidamada maxkamadaha oo ay idaacadda ka baahiyeen.

 

Wada hadallo lala galay madaxada maxkamadaha oo ku aadanaa in dib loo furo idaacadda ayaa waxa ay ku dhamaadeen guul darro ka gadaal markii maxkamaduhu ay ka biyo diideen in ay odolaadaan in la bilaabo baahinta idaacadda.

 

Waxaa dhaqan iyo caado noqotay in maxkamadaha meeshii ay tagaanba ay tacaddi kula dhaqmaan warbaahinta gudaha dalka iyada oo horay ay u xireen idaacaddii Jawhar oo ay sheegeen in ay xiritaankeeda u adeegsadeen ka dagaal markii ay ka madax adaygeen in ay baajiyaan baahinta heesaha jacaylka ah.

 

M. J. Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this