Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Historic opportunity for peace

Recommended Posts

Muqdisho: Xaqiiqda Muqdisho iyo isbadalka maanta ka muuqda

18. Februar 2009

 

Muqdisho(AllPuntland)- Marka aad maqasho Muqdisho waa nabad, ma maleysan kareysid ama ma aami kareysid hadii aad joogto dalka dibadiisa ama gobolada kale ee nabadgelyada iyo maamulada ka jiraan, hase ahaatee waxaa xaqiiqda dareemi kartaa marka aad timaado caasimadii dalka ee Muqdisho.

 

Labo sano kadib Muqdisho waxaa ka dhacay isbadal muuqda oo cidna aan qarin karin, waxaana dadka ay ku qanacsan yihiin isbadalka cusub ee ka dhashay dalka, weeraradii iyo qaraxyadii macna darada dadka ugu la’an jiray ayaa aad u yaraaday, mana jirto weeraro iyo madaafiicdii lagu garaaci jiray dadka rayidka.

 

Isbadalka ayaa curtay kadib markii heshiiskii Jabuuti uu ka dhaqan galay gudaha dalka ayna dhinacyadii saxiixay heshiiska nabadeed ay sida ay tahay u fuliyeen, taasoo ay u sii dheer tahay bixitaanka ciidamadii Ethiopia oo runtii weerarada ay kooxaha mucaaradka ku soo qaadi jireen ay aheyd mid dhibaato ay ku qabeen rayidka iyo kooxaha weerarada loo geysanayo, markii ay baneeyeena xasiloonidii dib u soo iftiintay.

 

Nabadda iminka dadka Muqdisho harsanayaan ayaa waxaa ay la oran karaa waa mid hadii xiligan Dowladda Midnimada Qaran ay dhaqan gasho dalku noqon doono mid dib u dhisma, dadkana dib u soo noqda, hase ahaatee waxaa caqabad laga filan karaa kooxaha weli mucaaradsan Dowladda ee ujeedadoodu tahay in dagaalada weli sii socdaan.

 

Dadka Muqdisho ayaa u heelan xiligan in ay ka hortagaan cid kasta oo ka hortimaada nidaamka iyo Dowladda cusub ee lagu soo dhisay Jabuuti, waxaana wax lagu farxo ah in 20 sano kadib in dadka ay si cad u diidaan wixii danahooda ka horimaanaya, iyadoo dareenka dadweynaha Muqdisho maanta uu gaarsiisan yahay heerkii ugu sareeyay oo ay kaga hortagaan kooxaha qas wadayaasha ee madaafiicda ka tuuraya xaafadahooda.

 

Isbadalka dhacay ayaa waxaa laga xusi karaa in manta dadka fikradooda dhaliil ay sidii ay doonaan ugu sheegi karaan meeshii ay doonaan, Dadka markii hore wey ka cabsan jireen in wax laga sheego Ururka Al-Shabaab qaladaadka ay galaan, tusaale ahaan Suuqa Bakaaraha oo aheyd meelaha ugu badan ee ay ku sugnaayeen Shabaabka cid wax ka sheegi karto Suuqaasi laguma arki jirin, maantase waxaad arkeysaa in dadka isugu yimaada Suuqa Bakaaraha ay ku taageeraan Dowladda cusub ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif, taasoo ka dhiganta in awoodii Shabaabka ay ku lahaayeen Bakaaraha meesha ka baxday, waxaana dadka tusaale ugu filan Abwaan Abshir Bacadle oo horay Suuqa Bakaaraha iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaan uu maanta dhaliilo Ururada ka soo horjeeda Dowladda Sheekh Shariif, isagoo sheegay in cid ka hor imaan karta Dowladda cusub aysan jiri Karin awood iyo Diin midna.

 

Ururka Al-Shabaab oo si weyn ugu soo horjeeda Dowladda Sheekh Shariif uu hoggaamiyo ayaa iminka awoodoodii isugu geeyay Gobolka Sh/Hoose iyo Bay, halkaasi oo saraakiishii ugu sareysay ay ku sugan yihiin, inkastoo magaalada Muqdisho ay awoodoodii hore aysan ka joogin sababtana lama yaqaan, maadaama ay meesha ka baxeen ciidamadii Ethiopia hadana weli waxaa ku sugan kuwa AMISOM.

 

Xaafadihii lama degaanka ahaa ee horay dagaalada xoogan uga dhici jireen, ayna deganaayeen ciidamadii Dowladda iyo kuwa Ethiopia ayaa iminka laga bilaabay dib u dhis, waxaana wadooyinka qaar xeray geed Yuhuud oo dib hada loo habeeyay, goobihii waxbarashada iyo caafimaadka ayaa sidoo kale dib loo habeeyay, dadkuna ay bilaabeen ganacsigii xaafadahoodii ee horay ay ugu barakaceen.

 

Dhinaca warbaahinta Muqdisho go’aanada ay qaateen iyo qaabka ay ku shaqeeyaan ayaa wax lagu farxo ah, marka aad u fiirsato ama aad dhageysato wararkooda, waxayna ay warbaahinta gaar ahaan Idaacaddaha ay xiligan ka shaqeynayaan nabadgelyada iyo dhismaha Qaran Soomaaliyeed, iyadoo aysan jirin wax warar ku saabsan weerar iyo qarax ka dhaca Muqdisho ay ka gaabsadeen intooda badan in ay baahiyaan, taasoo ah tallaabo amaan ay ku mudan yihiin, sidoo kale waxay joojiyeen wareysiyada macna darada ah ee ay ka qaadi jireen dadka kicinaya dadka iyo dagaalada abuuraya.

 

Ugu danbeyntii waxaa dadka ay iminka dhowrayaan imaanshaha Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee uu soo magacaabay Sheekh Shariif Sh. Axmed in Cumar C/rashiid Sharma’arke uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya tallaabada iyo xukuumadda uu soo dhisi doono qaabka ay noqon doonto.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

After two decades of war and self loathing the Somali's have come to realise the value of peace and security. The Northern states have been monopolising these terms for a decade now, but there are new competitors in town, the south has been tamed by the religious groups and Mogadishu is now at the cusp of a long term peace. This insha Allah wil be the moment when war is but a historical issue and not the reality of the present.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thierry.   

^^ Inshallah saxiib, I can already envisage the Bakarah market being the biggest suuq in Africa.

 

The last 20 years were the dark pages in our history and every nation has gone through these stages inshallah the end of it is near

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is the time to lay the groud work for long term peace and stability and rid the nation of the curse of blind loyalty ti clan. With peace everone is a winner and the nation will prosper.

 

Will Shabaab come to their senses and work within the current system to affect change or will they continue their mindless violence that serves no tangible purpose.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this