Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland vice president attends graduation ceremony PICS

Recommended Posts

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Shahaadooyin Gudoonsiiyey 30 Arday Oo Ka Qalinjabiyey Jaamacadda Geeska (Interational Horn University).

 

 

geeska3.JPG

 

 

Hargeysa(Ramaas) - Munaasibad aad u ballaadhan oo loo qabtay 30 arday oo ay ka qalinjabiyeen Jaamacada Interational Horn University [iHU], ayaa maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

 

 

Munaasibadan qalinjabinta ah ee loo sameeyey ardayda ka qalinjabisay jaamacada Geeska oo ahayd mid si weyn loo agaasimay ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday sadexda Xisbi qaran, ganacasto, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Maamulka, Macalimiinta iyo Waalidiinta ardayda dhamaysatay waxbarashada heer jaamacadeed.

geeska10.JPG

 

 

Xaflada waxa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacada Geeska Sh. Almis Yaxye Ibraahim oo ka waramay xaaladihii kala duwanaa ee ay jaamacadu soo martay muddadii ay ka furnayd Somaliland, isagoo sheegay inay jaamacadani tahay mid wax badan kaga duwan jaamacadaha kale ee dalka ka furan, isla markaana kuliyadaha ay kaga duwan tahay jaamacadaha kale ayuu sheegay inay tahay kuliyada ku takhasuuska iyo barashada Qur’aanka kariimka.

 

 

geeska1.JPG

 

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay inay jaamacadu tahay ta kaliya ee dalka ka hirgelisay shahaadada MBA Master oo markii hore dalka dibediisa loo doonan jiray, laakiin markii ay arkeen baahida loo qabo ay iyagu keeneen dalka kuna guuleysteen keenisteeda.

 

geeska18.JPG

 

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu halkaas ka sheegay xidhiidho caalamiya oo ay jaamacadu la leedahay jaamacado kale oo ku yaala dalal kale, kuwaas oo ay ka mid yihiin Sudaan, Ingiriiska iyo Malaysia.

 

 

geeska25.JPG

 

Guddoomiye Almis, waxa kale oo uu sheegay in dufcadan maanta qalinjabinaysaa tahay dufcadii ugu horeysay ee jaamacada ka qalinjabisa, taas oo tiradoodu tahay 30 arday, kuwaas oo isugu jira 22 inan Siddeed hablood.

 

geeska23.JPG

 

 

Madaxweyne ku xigeen Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil [saylici], oo isna madasha ka hadlay, isla markaana ardayda shahaadooyinka gudoonsiiyey, ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay ardayda ka qalinjabisay jaamacada Geeska.

 

geeska29.JPG

 

Md. Saylici waxa uu tilmaamay in xukumadiisu xilweyn iska saari doono sidii ay shaqo abuuris ugu samayn lahayd ardayda kala duwan ee jaamacadaha dalka soo qalinjabisa.

 

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo munaasibada ka hadlay, ayaa ugu horeyn waxa uu mahadnaq aad ballaadhan iyo hambalyo ujeediyey ardayda ka qalinjabisay jaamacada, maamulka iyo macalimiinta jaamacada Geeska oo uu sheegay in ay qabteen wax aad loogu farxo, waxaanu u soo jeediyey arday inay waxbarashadooda halkaas ka sii wadaan inta karaankooda ah.

 

 

Guddoomiyaha UCID, waxaa kale oo uu xukuumada Somaliland ugu baaqay tayeynta waxbarashada dalka, waxaanu tilmaamay in wakhtigan waxbarashada dalka aanay ka muuqan doorkii wasaarada waxbarashu ku lahayd waxbarashada iyo horumarinteeda. Isaga oo xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in ardayda ka soo baxaysa jaamacadaha kala duwan ee dalka looga baahan yahay shaqo abuuris u samayso, isagoo sheegay inay wakhtigii ololaha doorashadii madaxtooyada ay ku gashay shaqo abuuris.

 

 

Wasiirkii hore ee Ganacasiga Somaliland Md Abiib Xasan Fil-fil oo ku hadlay magaca xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ardayda dhamaysatay waxbarashada jaamacada, isagoo hambalyo u diray maamulka jaamacada iyo macalimiintii wax soo bartay ardayda.

 

 

Guddoomiyaha Xisbiga Xukumiga ah ee KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi oo isna madasha qalinjabinta ah ka hadlay, ayaa hambalyo u diray ardayda ka qalinjabisay jaamacada, waxaanu sheegay in ay sabab u tahay nabadgalyada dalka ka jirta, taas oo uu u soo jeediyey ilaalinteeda bulshadii kala duwanaa ee ka soo qaybgashay xaflada.

 

 

Wasiirada Arimaha Gudaha Dr Gaboose, Diinta iyo awqaafta Sh Khaliil iyo Wasiiku xigeenka Waxbarashada, ayaa iyaguna dhammaantoodba sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin ardayda ka qalinjabisay, iyagoo hambalyo u diray waalidiinta ardayda dhashay, maamulka iyo macalimiinta jaamacada Geeska.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this