Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: audio of H.E President Yusuf, speech at the landmark conference

Recommended Posts

Khudbadii Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf ee xiritaankii shirka Dib u heshiisiinta

Last Updated::2007-08-30 19:47:55

 

Muqdisho:- 45 cisho kadib shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ayaa maanta la soo gaba gabeynaya ayadoo madasha shirka ay

Madaxda sare ee DFKM ayaa la filayaa in maanta ay khudbado ka jeediyaan xaflada gaban gabaynta shirka dib u heshiisiinta ayagoo kaga hadli doona guulihii uu ku soo tallaabsaday shirka dib u heshiisiinta oo intiisa badan xooga lagu saaray arrimaha dhaqanka iyo xalinta khilaaf beeleedyada.

 

Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Cali Mahdi ayaa difaacay natiijada shirka isagoo sheegay in shirka looga hadlay arrimaha dhaqanka iyo siyaasada xilli dadka shirka dhaliilsan ay ku doodayaan in shirka uu ku fashilmay daminta xasaradaha ka aloosan dalka Soomaaliya.

 

Waxaa sidoo kale halkaasi khudbad kasoo jeediyey Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf Ahmed.

 

C/laahi Yusuf oo dadkii halkaasi isugu yimid la hadlayey ayaa sheegay inuu u mahadnaqayo dhamaan Issimada iyo Ergooyinka Soomaalida ee shirkaasi kasoo qeyb galay, asagoo intaa raaciyey in shirka uu kusoo dhamaaday GUUL.

 

C/laahi Yusuf ayaa sheegay in 45 casho kadib in shirkan uu noqday mid guul u horseeday shacabka, asagoo sheegay in taasi laga dareemi karo sida beesha Caalamka ay u daneenayaan natiijooyinka kasoo baxay shirkan.

 

Guusha shirka laga gaaray waxay ku xiran tahay hadba sida shacabka Soomaaliyeed ay u garwaaqsadaan guusha ay heleen, waa suu hadalka u dhigayee.

 

Madaxweynaha DFKMG ayaa sheegay in shirkan uu ahaa mid taariikhi ah oo ahaa kii ugu horeeyey oo ay beelaha Soomaaliyeed isugu yimaadaan si ay uga tashadaan sidii dalka loo maamuli lahaa.

 

Madaxweyne C/laahi ayaa sheegay in Dowlada Federaalka aysan wax faro gelin ah ku sameyn, taasina ay uga gol lahaayeen si uu shirka u noqdo mid ka tarjuma rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

 

Waa markii ugu horeysay oo ay shacabka Soomaaliyeed indhahooda ku arkaan in dowladooda ay raali ka tahay in wax walba oo horumar ah ay la dooneyso, ayuu yiri C/laahi Yusuf Ahmed oo madasha shirka dib u heshiisiinta kula hadlayey boqolaal kasoo qeyb galayaal ah iyo marti sharaf kale.

 

C/laahi Yusuf ayaa sheegay inuu balan qaadayo in dowladiisa ay si buuxda uga qeyb qaadan doonto hirgelinta natiijooyinka shirka.

 

Dowlada Waxay diyaar u tahay in ayadoo tixgalineysa go'aamada aad soo saarteen waxay soo dhaweynaysaa wadahadal iyo nabad in lagu xaliyo wax kasto oo dalka Soomaaliya lasoo gudboonaada, si loo samatabixiyo dalka.

 

Wuxuuna sheegay Madaxweynaha DFKMG in dowlada ay qaadeyso wada nabadeynta iyo soo nooleynta dalka, taasina aysan marnaba dib uga laaban doonin.

 

C/laahi Yusuf ayaa yiri,...Waxaanu rabnaa in dalka Soomaaliya in aan gaariisno Nidaam dowladnimo oo ku saleysan rabitaanka ummada iyo Dimuquraadiyada.

 

Qofkii ay dhab ka tahay in Soomaaliya nabad ka dhaliyo Qaranimadeeda iyo midnadeedna soo celiyo wuxuu ku khasban yahay inuu soo dhaweeyo shacabka Soomaaliyeed taladana la wadaago ayuu yiri C/laahi Yusuf oo ka hadlayey tilaabooyinka ay dowlada qaadi doonto.

 

C/laahi Yusuf Ahmed ayaa sheegay in aysan dhici doonin in muwaadin walba laga horjoogsan doonin inuu ka qeyb qaato dowlada Soomaaliya.

 

Wuxuuna Madaxweynaha DFKMG sheegay in ay dowlada diyaarineyso Dastuurkii, ayadoo la qaadi doono Afti shacabka laga qaado, lana sameyn doono tirakooba shacabka Soomaaliyeed ah.

 

Soomaaliya waxaa lagu dhaqayaa Nidaam Federaali ah oo leh Dowlad gobaleedyo iyo dowlad dhexe, ayadoo si dastuuri ah ku kala qeyb sanaya maamulka, awooda iyo khayraadka dalka, ayuu yiri C/laahi Yusuf Ahmed.

 

Dalka waxaa loo sameyn doonaa Nidaamka Xisbiyada badan asagoo Madaxweynaha DFKMG sheegay in aysan noqon doonin sidii nidaamkii sideetamaadkii.

 

Intaa kadib ayaa la qaban doonaa doorasho madax banaan oo caam ah asagoo sheegay in dowlada markaasi ay awooda ku wareejin doonto cidii markaasi la doorto.

 

C/laahi Yusuf Ahmed ayaa sheegay inuu ka yaaban yahay in ay jiraan dad xabad wata oo doonaya in ay xoog wax ku helaan, ayadoo sidaa wax loo qabanayo.

 

C/laahi Yusuf Ahmed ayaa sheegay in dadkaasi xabada wata hadii ay wax isku hayaan ay Doorashada ka qeyb qaataan.

 

Wax xal ah laga heli maayo dagaal aan Natiijo laheyn ayuu yiri C/laahi Yusuf Madaxweynaha DFKMG.

 

Qof walba waa u xor inuu dalka iyo dibadiisa ka shaqeysto si xor ah, mana aqaan waxa ay hada usoo socdaan dilka iyo dagaalka ayuu weydiiyey C/laahi Yusuf dadkii halkaasi isugu yimid.

 

Madaxweynaha DFKMG ayaa yiri waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay qaataan Nabada isla markaana maslaxdooda si miirleh uga fakaraan.

 

C/laahi Yusuf ayaa geba gabedii shirkaasi ku baaqay in dib u heshiisiinta lasii wado oo la gaarsiiyo Gobalada dalka Soomaaliya.

 

Wuxuuna Madaxweynaha markaasi si rasmi ah ugu dhawaaqay in shirka uu xiran yahay, balse wuxuu intaa raaciyey in Dowladiisa ay sii wadi doonto Dib u heshiisiinta Soomaaliya.

 

Halkan ka dhageyso Khudbadii C/laahi Yuusuf uu ka jeedshay Shirka oo dhameystiran

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this