Sign in to follow this  
Maaddeey

Ahlusunta: 'Heshiskii Dawlada wa burburay' iyado la siiyey taliye kuxigeen ciidan!

Recommended Posts

Maaddeey   

DKMG & Ahlu Sunnah oo kala dhaqaajiyey.

By Somalimirror on 5 May, 2010 10:34 PM in Main, Wararka

 

Gudoomiyaha guud ee kooxda sheegatada Ahlsu Sunnah Waljameeca ee Suufiyada, Macalin Maxamuud Sh Xasan oo Saxaafada la Hadley maanta ayaa sheegay inuu fashilmey heshiiskii u dhaxeeyay iyaga iyo DKMG.

Eeda fashilka ku yimid heshiiskan oo ka dhacey Dalka Itoobiya ayuu dusha ka saarey madaxda sare ee DKMG, waxa uuna sheegay iney Dowladu dhankeeda u soo wakiilatey fulinta heshiiskan xubno aan daacad ka aheyn.

 

Xubnaha DKMG soo wakiilatey ayuu ku tilmaamey qabqablayaal daneystayaala hagar daaminayeyna hirgelinta heshiiskan, labada dhinacna ka baxsan.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay madaxda sare ee DKMG iney la socod siiyeen xubnaha uu eedeynayo balse aan waxba laga qaban, sidaa daraadeed uu ogeysiinayo beesha caalamka inuu heshiiskii dhanka Dowlada ka fashilmey.

 

Ujeedka heshiiskan laga lahaa ayuu sheegay DKMG iney wadadiisii ka weecisay oo marin habaabisey, ujeedka ay ka leedaheyna uu yahey mid dhinacooda lagu kala dirayo oo lagu bur-burinayo laguna khiyaaney.

 

Waxa uu beeniyay khilaaf dhankooda soo kala dhex galey, balse hadalkiisu waxa uu imaanayaa maalmo yar ka dib markii Magaalada Muqdisho uu ka dhacey heshiis lagu saxiiyey dhameynta wajigii labaad ee fulinta heshiiskii horey ugu soo dhex marey labada dhinac Dalka Itoobiya.

 

Ma jiro hadal dhanka DKMG ka soo baxey oo ku aadan hadalka adag ee ka soo yeeray dhinacii kale ee heshiisku kala dhaxeeyay, waxa uuna imaanaya khilaafkan cusub ee ka dhex aloosmey labada dhinac, xilli la hadal hayo inaanu Sh Shariif dan weyn ka laheyn kooxdan iyo wax la qeybsigeeda.

 

---------------------------------------------------------------------------------------------------- -------------------------------------------

 

Madaxweyne Sheekh Shariif oo wareegto ugu magacaabay Masuul ka tirsan Ahlu Sunna Taliye ku xigeenka Ciidamada Qalabka sida ee dowladda KMG.

Posted: 5/6/2010 4:33:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

Madaxweynaha dowlada KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wareegto ugu magacaabay Masuul ka tirsan Ahlu Sunna Taliye ku xigeenka Ciidamada Qalabka sida ee dowladda KMG.

 

 

 

Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta saxaafada la hadlay isagoo ay garbihisa fadhiyaan saraakiisha ciidamada xooga Soomaaliyeed ayaa waxaa halkaasi lagu magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed iyadoona loo magacaabay C/kariin Yuusuf Aadan Dhega Badan.

 

 

 

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in Magacaabista taliye ku xigeenka ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ay qeyb ka tahay heshiiskii ay dhawaan wada gaareen dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

 

 

 

Waxaa halkaasi lagu dhaariyay taliye ku xigeenka ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee maanta la magacaabay C/kariin Yuusuf Aadan Dhega Badan iyadoona uu halkaasi ku dhaariyay Wasiiro dowlaha wasaarada gaashaandhiga dowladda KMG Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde.

 

 

 

Kadib markii xilkaasi loo dhaariyay taliye ku xigeenka cusub ee Ciidamada Militariga ayaa Makaroofanka lagu wareejiyay isagoona halkaasi ka balan qaaday in uu xilkiisa u gudan doono xi ay ku jirto daacadnimo iyo Alla ka cabsi, isagoona saraakiishii ciidamada ee halkaasi fadhiyay ka codsaday in ay la shaqeeyaan.

 

 

 

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dib ugu laabtay Makarafoonka ayaa waxaa uu erayo u badnaa guubaabo u soo jeediyay taliye ku xigeenka cusub iyo dhamaan saraakiisha ciidamada Militariga ee halkaasi fadhiyay.

 

 

 

Sheekh Shariif Sheekh axmed Madaxeynaha dowlada KMG ayaa ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in dhawaan la magacaabi doono Agaasimayaal ay yeelanayaan naafada Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay dhibaatooyinkii ka dhacay dalka Soomaaliya.

 

 

 

Inkastoo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu maanta sheegay in magacaabistaani ay qeybka tahay heshiiskii ay wada gaareen Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda KMG ayaa hadana gudoomiyaha guud ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Max’uud Macalin Xasan oo isagoo ku su gan gobolka Galgaduud Saxaafada la hadlayay waxaa uu shaaca ka qaaday in guud ahaan uu fashil ku dhamaaday heshiiskii lagu waday inay gaaraan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna iyo dowladda KMG.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Guddoomiyaha guud ee Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo ku dhawaaqay in uu bur buray hishiiskii dhaxmaray iyaga iyo Dowladda Soomaaliya.

 

Khamiis, 6, May, 2010 (HOL) Guddoomiyaha guud ee Maamulka Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Max'uud Shiikh Xassan oo meel fagaarro ah kala hadllay dad weyne isugu soo baxay Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarrunta u ah Goballka Galgaduud ayaa si cad ugu dhawaaqay in uu bur buray hishiiskii dhaxmaray Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca iyo Dowladda Soomaaliya.

 

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca in Dowladda Soomaaliya leedahay sababta ugu weyn ee fashilka ku dhacay hishiiskii dhawaan ku dhaxmaray labada dhinac Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo shaaca ka qaaday in ay meesha soo gashay gacan Sadaxaad oo ah ayuu yiri hogaamiyo kooxeedyo aan wax shaqo ah ku laheyn Ahlu Sunna Waljameeca oo la wareegay majaraha hishiiskii dhaxmaray Dowladda iyo Ahlu Sunna.

 

''Waxaan wada hadda hadalnay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo in badan oo ka mid ah Golaha Wasiirrada oo xitaa uu ku jirro R/iisal Wasaarraha aniga oo ka dalbanaya in meesha laga saarro kooxaha la doonayo in la huwiyo magaca Ahlu Sunna Waljameeca laakiin nasiib darro dhag nooma aysan dhigin ayuu yiri Macalin Max'uud Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljameeca.

 

Sidoo kale Guddoomiyuhu waxaa uu eedeyn kulul u soo jeediyay Wasiirrka Wasaarrada Maaliyada ahna Ku-xigeenka R/iisal Wasaarraha Xukuumada Soomaaliya Shariif Xassan Shiikh Aadan oo si qaldan u tarjumay ayuu yiri wax yaabihii aynu ku wada hadalnay kulankii Addis Aabab maadaama ay jirreen ayuu yiri qodobo muhiim ah oo si gaar ah aynu uga wada hadalnay ka hor inta aan hishiiska la saxiixin.

 

''Marnaba ma qaadan doono in kooxo aan wax shaqo ah ku laheyn Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca iyo hishiiskii Addis Ababa ay soo fariistaan Miiska gor gortanka ayuu yiri Macalin Max'uud oo intaa ku darray in uu amar ku siiyay Xubnaha ka jooga Ahlu Sunna Waljameeca Magaalada Muqdisho in ay dib ugu soo laabtaan Goballka Galgaduud.

 

Mar wax laga weediiyay haddii ay jirro fursad banaan si loo bad badiyo hishiiskii dhaxmaray iyaga iyo Dowladda Soomaaliya waxaa uu sheegay in mar walba Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca diyaar u yihiin wax kasta oo wanaag lagu hellayo, laakiin waxaa uu si buuxda u sheegay in hishiiskii hore uu meesha ka baxay.

 

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin Mas'uuliyiinta sar sare ee Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ka soo jooga Magaalada Muqdisho oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Golaha fulinta Ahlu Sunna Waljameeca Max'ed Yuusuf Xeefow oo dhawaan kulan ay la qaateen R/iisal Wasaaraha Soomaaliya ka sheegeen in ay isku afgarteen iyaga iyo Dowladda in la sii dhameystirro qodobada ka dhiman hishiiskii ku dhaxmaray labada garab Magaalada Addis Ababa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well...they will be joining alshabab pretty soon! u watch. What other option do they have? Its either join alshabab or a confused warlords.

 

Now they know what confused warlords act like!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

wadaad maahi, goormaan wadaad isku sheegay, beenta jooji waryaa, waxaad igu heysato waan aqaannaa, Alle ha ku caafiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Anoon Wadaad ahayn, Axaadiis & Quraan ma daliilin karo miyaa??. Heedhe, sidaada kale nin yara deggan baad ahayde, bal is daba qabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maya, waayo faqiina matihid, usuulna waxba kama taqaan, hadaad diiday in lagu dheho waa wadaadka SOL. Just stick to political discussion and leave your holier than thou attitude.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this