Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: Explosion in city injuries reported

Recommended Posts

zBossaso3.jpgWacaal Daray ah

 

: Bossaso, Mar 08 - 4 qof oo ku dhaawacantay qarax ka dhacay isgoyska Gaaca ee bartamaha magaalada Bossaso, iyo tuhun ah in uu qaraxu ahaa mid is-miidaamis ah.

 

Inta la og yahay 4 qof ayaa waxyeelo ka soo gaartay qarax caawa fiidkii ka dhacay agagaarka is-goyska Gaaca ee magaalada Bossaso.

 

Dhaawaca ayaa la geeyey cisbitaalka guud ee Bossaso, oo hadda lagu dabiibayo.

 

Kooxina ma aanay sheegay qaraxa, lamana oga cidda ka dambaysay, inkasta oo uu jiro tuhun ku saabsan in qaraxu uu ahaan nooca is-miidaamiska ah ee kooxaha Islaamiyiintu ay caanka ku yihiin.

 

Bishii Oktoober ee kal hore ayaa 2 qarax oo is-miidaamis ahi ay ka dhaceen magaalada Bossaso. Sidoo kale ayaa qaraxyo kuwaan la mid ahi ay isla xilligaas ka dhaceen magaalada Hargeysa.

 

Ciidanaka bilayska ee magaalada Bossaso ayaa isku gadaamay goobta uu qaraxu ka dhacay, hadana ka wada baatinaano ku saabsan cidda ka damabaysay qaraxa.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahino Dheerad oo ka Soo Baxaya Qaraxii Caawa ee Boosaaso

Sunday, March 8th, 2009 at 8:08 pm

Horseed Media

 

News Desk

 

Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya qaraxii caawa ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhaawacmay qaraxa ay sii korortey.

 

Wararka ugu dambeeya ee Horseed Media ay ka heleyso taliska booliska ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhaawacmay qaraxa ay gaarayaan 13 qofood oo isugu jira askar boolis iyo dad rayid ah.

 

Taliye ku xigeenka booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf oo goor dhoweyd xiriir ay la ameysey qeybta Warqabadka ee Horseed Media ayaa u sheegay in 13 qofood ee dhaawaca ah 7 ka mid ah ay yihiin askartii booliska ee ku sugneyd goobta uu qaraxu ka dhacay iyadoo 6-da kalena ay yihiin dad rayid ah oo ka ag dhowaa goobta uu qaraxu ka dhacay oo ahayd Isgoyska Gaaca oo ku dhow xarunta dowlada hoose ee Boosaaso.

 

Taliye ku xigeenka booliska waxaa markii aanu la xiriirney uu joogey cusbitaalka weyn ee Boosaaso halkaasi oo la geeyey inta badan dadka dhaawaca ah si daweyn loogu sameeyo. dhaawaca askarta waxaa ku jira ciidanka traffic-da ee wadooyinka oo iyaguna ka shaqeynayey wadada markii qaraxu dhacayey.

 

Qaraxa ayaa isaguna la sheegayaa inuu ahaa bambo lagu tuurey ciidanka booliska ee joogey isgayoska Gaaca oo markaasi ku jirey hawl baaris ah oo ay wadada ka sameeyaan habeenkii.

 

Taliye ku xigeenka booliska Puntland waxa uu sheegay in weli ay wadaan baaris ku saabsan bambada ciidanka lagu tuurey, mana uu san sheegin in cid ay u qabteen falkaasi caawa iyo in kale.

 

Cusbitaalka guud ee Boosaaso iyo goobo kale oo caafimaad oo dadka dhaawaca la dhigey ayaa waxaa ku sii qulqulaya ehelada dadkaasi dhaawaca si ay usoo eegaan dhaawaca, waxaana meelaha qaar magaalada la dhigey ciidan boolis ah oo amaanka ilaaliya.

 

Markii qaraxu dhacay ka dib waxaa qeybo ka mid magaalada laga maqlayey rasaas u muuqatey inay askarta kor u ridayeen.

 

 

 

 

 

Wixii ku soo kordha kala soco Horseedmedia.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

This is very sad. I cannot understand what gives some people the right to think they can do this kind of act. How can they ever think of doing such horrid things, these bomb blasts? Do they feel happy killing innocent people? The group has brainwashed them into thinking this is the right thing to do. My heart goes out to the friends and families of those murdered. May Allah bless their souls and give their families the courage to cope with the loss. Amiin amiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Ismahan, eventhough I am careful to implicate Shabaabs in this explosion with certainty, it bears indication of the sort of disorders this group perpetuates across Somali regions with relative peace and security.

I don't get it those who harbor this destructive mentality that whatever gain and development made in Northern regions came out of their "complex interdependece" with the Ethiopian dictatorship and not from Great Efforts and Contribution made by the Locals. That's pervert mindset. Well, whoever, the plotters are, this is designed to sabotage Puntland's security and overwhelm the administration by bringing out a low level of disorder and choas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this