Sign in to follow this  
General Duke

Puntland president makes some moves

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland oo caawa soo saaray 3 wareegto oo cusub

 

Garowe :- Waxaa xafiiska Madaxtooyada Puntland galabta laga soo saaray 3 wareegto oo muhiim ah oo khuseeya Guddiga Musiibooyin, Arrimaha Canshuuraha iyo Magacaabida Hanti dhawrka Guud.

 

Wareegtada 1aad ayaa ayadu ku socota magacaabida Hanti dhawrka Guud ee Puntland ayadoo u qorneyd sidatan:

 

 

Xeer Madaxweyne No: 05

Sabti 29, Janaayo 2005

 

Madaxweynaha DGPL

 

Markuu arkay dastuurka DGPL

 

Markuu arkay

 

Habaca galey Hawlihii Hanti Dhawrka

 

Markuu Garowsadey

 

inay lagama maarmaan tahay in khibrad lagu socod siiyo hawlaha hanti dhawrka

 

Markuu tixgaliyey

 

Daruufaha ay Puntland mareyso iyo baahida loo qabo tayeynta hanti dhawrka

 

wuxuu xeeriyey

 

In Gudoomiyaha Hay'ada Hanti dhawrka guud ee dawlada loo magacaabo

Yuusuf Macalin Ibraahim

 

Nuqul ka mid ah Wareegtada oo la soo gaarsiiyey Idaacada SBC ayaa waxaa ku saxiixan

 

Madaxweynaha Puntland

Maxamuud Muuse

 

 

Wareegta labaad ayaa ah mid ku socota hay'adaha canshuurta qaada iyo ciidamada laguna ogeysiinayo in aan wax canshuur dhimid ah ama canshuur dhaaf ah loo fidin karin hay'adaha laga qaado canshuurta marka laga reebo hay'adaha mucaawinooyinka iyo horumarka Puntland ka shaqeenaya.

 

Wareegta 3aad ayaa la xariirta bedalaad ama isku shaandheyn lagu sameeyey Guddigii Musiibooyinka oo uu horey u magacaabay Madaxweynaha ayadoo xubno cusub loo magacaabay Guddigaasi.

 

Waxayna kala yihiin:

 

 

Madaxweyna DGPL

 

Markuu arkey Dastuurka Puntland

 

Markuu tixgaliyey masiibada ka dhalatey fataahada Badda

 

Markuu arkey dhibaatada ku dhacdey dadkii ku noolaa deegamadaas

 

Markuu garwaaqsadey sida ay lagama maarmaan u tahay in si deg deg ah wax looga qabto u hawlgalka xanaanadda iyo gurmashada dadkaas tabaaleysan.

 

Wuxuu dib u magacaabey

 

Gudiga ka hortaga masiibooyinka dabiicaga iyo gurmad deg deg ah ee qaran.

 

Gudigu wuxuu ka koban yahay

 

1. Madaxweyne ku xigeenka DPLG -------Gudoomiye

 

2. Wasiirka Arimaha Gudaha & Amniga --Xubin

 

3. Wasiirka Qorsheynta ---------------Xubin.

 

4. Wasiirka Caafimaadka --------------Xubin

 

5. Wasiirka Hawlaha Guud -------------Xubin

 

6.Wasiirka Kaluumeysiga---------------Xubin

 

7.Wasiirka Dawladaha Hoose -----------Xubin

 

8.Wasiirka Waxbarashada --------------Xubin

 

9.Wasiirka Warfaafinta ---------------Xubin

 

10.Agaasimaha Guud ee caafimaadka ----Xoghaye

 

 

Waxaa kale oo madaxweynuhu ku tilmaamey wareegtadiisa in la magacaabi doona gudi farasamo oo ka kooban Agaasimayaasha guud ee wasaradaha kor ku xusan, Hay'adaha caaliamiga ah iyo ururka bsiha cas oo uu gudoominayo agaasimaha guud ee caafimaadka.

 

Waxaa kale oo hawlgali doona gudiyaal goboladda aafobey ah oo ay madax ka yihiin gudoomiyahaasha gobolaadaas

 

Wareegtan oo nuqul ka mid ah uu soo gaarey Idaacada SBC ayaa waxaa ku saxiixan

 

Madaxweynaha DGPL

Maxamuud Muuse Xirsi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this