Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: UN officials meet with admin ,pay a visit to IDP camp

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Wefdi ka socda Qaramada Midoobay(Sawiro).

 

October 25, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Wakiilka Horseed Media

 

Garowe,Puntland.

 

Waxaa maanta kulan ku qaatay xarunta Madaxatooyada ee Magaalada Garowe ee caasimada Puntland Madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo wefdi uu hogaaminaayo u qaabilsanaha arimaha Bin’aadanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mark Bowden.

 

Shirka ka dhacay howlka shirarka Xarunta Madaxtooyada ayaa ka dambeeyay ka dib marki saakay barqadnimadi u soo gaaray wefdiga u hogaaminaayo Mark Bowden Magaalada Garowe kaa oo ka soo socdaalay Magaalada Gaalkacyo oo maalintii shalay gelinka dambe soo gaareen isla markaana halka kulamo kula soo qaateen xubnaha Maamulka Gobolka Mudug.

 

Kulanka u dhaxeeya labada dhinac oo ahaa mid waqti dheer qaatay ayaa looga dooday arima kala duwan oo ay ka mid yihiin gacan ka gaysashada xaaladaha haysta dadka barakacayaasha,arimaha Burcad Badeeda Soomaalida,xakamaynta Tahriibta iyo xaaladaha abaareed ee ka jirta Degaanada Puntland.

 

Shirkaas oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno kala duwan oo isugu jira qaar ka tirsan Golaha Xukumada xubna ka socda Hay’addaha caalamiga ah iyo masuuliyiin kale,waxaana marku soo dhamaaday ka dib socdaal booqasho ah ku tageen Madaxweynaha iyo xubna ka socda Golaha xukuumada iyo wefdigii u hogaaminayay Mark Bowden,laba xarumood oo ku yaala galbeedka Magaalada halka oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah.

 

Labadaa xarumood oo dadka degan ay yhiin kuwa ka soo barakacay dagaalada iyo abaaaha isbiirsaday ee ka jira Gobalada koofureed ee dalka Soomalia waxana labadaa goobood oo ay boqdeen xarunta koobaad aheed Kaam Shabelle, oo Qoaysaska barkacayaasha ah ee ku nool garayaan 517 Qoys halka xerada kale ay ku nool yihiin 137Qoys

 

Inta ay ku guda jireen xubnaha booqashada la xariirta u kuur gelida xaaladaha nololeed ee dadka ayaa waxaa banaanada guryaha ay ku nool yihiin dadkaa hor tubnaa qoysaska danyarta ah,waxaana ka muuqday saamaynta xaaladaha haysta.waxeyna ku hadaaqaayeen hadalo u ekaa soo dhowaynta xubnaha socdaalka ay halkaa ku gaareen iyo sida ula dhacsan yihiin.

 

Booqashada ka dib waxaa xarunta Madaxtooyada Shir Saxafadeed ku qabtay Madaxweynaha,wuxuuna kaga warbixiyay socdaalka ay ku tageen goobaha dadka barakacayaasha iyo kulankii dhexmaray isaga iyo Mark Bowden.

 

Wuxuuna sheegay in kulanka ahaa mid ay uga doodeen sii gacan uga gaysan lahaayeen xaaladaha kala duwan ee ka jira Puntland sida xaaladaha abaaraha oo samayn ku reebay dad iyo duunyo,hakinta korarka Kooxaha Burcad Badeeda u Madaxweynuhu sheegay in gacan buuxda ka geysteen sidii loola dagaalami lahaa kooxahaa iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka soo Barakacay ee ku nool Puntland.

 

Sidoo kale waxaa u sheegay in socdaalka ay ku tageen xarumaha dadka barakacayaasha ay ahayd sidii ay ugu kuurgali lahayeen xaaladaha dadkaa ku nool yihiin maadaama buu yiri Puntland ay soo gaareen barkacayaal farabadan kuwa oo buux dhaafiyay goobihii loogu talagalay,waxaana arinta keentay in aan codsi ku aadan si noola arkaan dadkaa aan u gudbino Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay’addaha ay quseyaan arimaha Bin’aadanimada iyo Qaxootiga.

 

Arimaha booqashada Madaxweynaha Puntland iyo Xirririyaha Bin’aadanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mark Bowden waxa ay ku soo aadaysa xili dhowaan roobabkii ka da’ay Magaalada Garowe khasaarooyin ka soo gareen dadka isla markaana burbur uu geystay guryihii ay ku noolayeen oo ahaa kuwa ka samaysan Baco iyo baakado aan awood u lahayn in ay difaacaan kulaylka qoraxda iyo dhibcaha roobka.

 

Ma ahaan marki ugu horeysay ee safar u ku yimaado Mark Bowden Puntland,balse Safarkaan waxaa ay noqonaysa marki sadexaad u ku yimaado degaanada Puntland tan iyo marki u xilka Madaxtinimada loo doortay horaanti Sanadkaan D.r C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole.

 

Horseed Media.

 

Subscribe Now

 

Back to Top

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe: Sarkaalka QM uqaabilsan Arrimaha Gargaarka oo gaaray Caasumada Puntland.

25. oktober 2009

 

Garowe(AllPuntland)- Sarkaalka Qaramada Midowbay uqaabilsan Arrimaha Gargaarka ee dalka Soomaaliya ayaa socdaal ku tagay caasumada dawladda Puntland ee Garowe, isagoo ay la socdaan xubno ka tirsan laamaha Qaramada Midowbay.

 

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Sheekh Max'uud ayaa wafdigan ku qaabilay Caasumada Puntland, isagoo sidoo kale soo kormeeray xarumaha ay degan yihiin dadka ubaahan arrimaha gargaarka Caalamiga ah.

 

Saraakiisha Qaramada Midowbay ayaa usheegay dawladda Puntland in ay gargaaro soo gaarsiin doonaan dadka dhibaatooyinku ay heystaan, isla markaasna ay gargaarkaasi noqon doonaan kuwa wax loogu qabto dadka ubaahan ee ku dhaqan deegaanada Puntland.

 

Mark Bowden wuxuu usheegay dawladda Puntland, sidoo kale in ay Qaramada Midowbay diyaarisay mashaariic ku aadan dhinaca horumarinta Puntland iyo Arrimaha gargaarka, wuxuuna cadeeyey in hada amaanka Puntland uu yahay mid sugan, wuxuuse ka codsaday dawladda Puntland in ay qeyb wanaagsan ka qaadato sidii gargaaro loo garsiin lahaa dadka ubaahan.

 

Xeryaha ay joogaan dadka ka soo bakaracay Koonfurta Soomaaliya ee kuyaala duleedyada caasumada Puntland, ayaa kormeero kala duwan ay ku sameeyeen Madaxda dawladda Puntland oo ay la socdaan Ergada Qaramada Midowbay uqaabilsan arrimaha gargaarka ee dalka Soomaaliya.

 

Mr. Mark Bowden socdaalkiisan ayaa ahaa kii labaad oo ku yimaado deegaanada Puntland, wuxuuna dhawaan soo gaaray magaalooyinka Gaalkacyo iyo Magaalada Boosaaso oo ay ku kulmeen todobaadkii hore Madaxweynaha dawladda Puntland oo ay arrimo kala duwan soo wada qaadeen.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

WAR LA XIRIIRA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this