Sign in to follow this  
General Duke

Courts vacate Mudug..... so much for power...

Recommended Posts

Ciidamada Maxaakiimta oo isaga baxaya gobolada dhexe.......... Hoyga Xogta Iyo Xaqiiqada

 

 

 

Galkacyo(Allmudug.com):- Midowga Maxaakiimta oo ciidamo aad tirabadan kusoo daad gureeyay gobolada dhexe bishii lasoo dhaafay si ay gacanta ugu dhigaan Magaalada Galkacyo ayaa bilaabay inay ciidamadooda dib u raraan kadib markii ciidamo aad uxoogan oo ka kala tirsan Coll. Cabdi cawaale qaybdiid iyo Puntland ay soo galeen Gobolka mudug fariisimana ka samaysteen goobo aan ka fogayn Fariisimada Maxaakiimta.

 

Ciidamada Cabdi qaybdii ayaad moodaa inay kaga taageero bateen midowga maxaakiimta Gobolka Mudug iyagoo baryahan dambe bilaabay inay qabsadaan deegaamo istiraatiiji u ah Difaaca gobolka mudug sida Bandiiradley,Docol iyo waliba Deg. Hobyo goobahaan oo awal ay ciidamada maxaakiimtu soo galeen ayay isaga baxeen markii lagu wargaliyay inay kusoo wajahan yihiin ciidamo uu hogaaminayo Cabdi qaybdiid isagoo waliba dagaal aan waynayn kula wareegay Bandiiradley.

 

Arimahan ayaa waxay dhabada uxaareen in ciidamada maxaakiimtu ay isaga huleelaan Gobolka Mudug kadib markay u cadaatay inaysan col iyo nabad toona kutagi Karin iyagoo bilaabay inay ciidamadooda kala baxaan Gobolada dhexe marka laga reebo kuwa ka amar qaata xasan daahir aways oo awalba ku sugnaa Gobolka Galgaduud iyadoo cutubyo katirsan Maxaakiimta kuna sii jeeday muqdisho ay isku dheceen maleeshiyo beeleed kasoo jeeda Gobolka hiiraan.

 

Cabdinuur Mohamed Seeraar

 

Allmudug.com

 

Head Office Galkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this