Sign in to follow this  
General Duke

US admin gives funds to TFG Somalia

Recommended Posts

Washington: Dowladda Mareykanka oo ku yaboohday xukuumada Soomaaliya 16 Milyan

Khamiis, January 04, 2007

 

Washington (Allpuntland)- Dowladda Mareykanka ayaa lacag dhan 16 Milyan oo Dollar-ka dalkaasi ku yaboohday xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

 

Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Condoleeza Rice ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay ku yabooheysi dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya lacag dhan 16 Milyan oo Dollar, taasoo lagu caawinayo dowladda KMG ah oo u adeegsan doonto dhinacyada amniga iyo arimaha gargaarka bini’aadanimada.

 

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Ismaaciil Maxamed Hure (Buubaa) ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dhaqaale markii ugu horeysay dowladda Mareykanka ay ku yaboohday Dowladda Federaalka taasoo uu sheegay in loo adeegsan doono dhinaca amaanka, wuxuuna intaa raaciyay in Madaxweynaha KMG ah C/llaahi Yuusuf Axmed uu kulamo uu la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada Washington iyagoo ka wada hadlay isbadalka cusub iyo sida dowladda Mareykanka ay ugu qeyb qaadan laheyd taageerida dowladda Soomaaliya.

 

Condoleeza Rice ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay u xil saartay arrimaha dalka Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo Jentayu frazer oo haatan ku sugan magaalada Adis Ababa halkaasi oo kulamo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya kula yeelatay Madaxweynaha dalka Ugandha Yuweri Musaveni iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Melas Zenawi, iyadoo kala hadashay sidii dalka Soomaaliya loogu diri lahaa ciidamo ka socda dalalka Afrika.

 

Cali Sandheere

Allpuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mareykanka uu ugu deeqay Soomaaliya 16 Malyuun oo Doolar.

 

Last Updated::2007-01-04 21:07:53

 

Washington:-Xoghaya Arimaha Dibada ee wadanka Mareykanka Mrs Condaliza Rice ayaa waxaa ay sheegtey Maanta in wadankeeda mareykanka uu uu ugu deeqay 16 Milyuun oo Doolarka Mareykanka ah wadanka Soomaaliya.

 

 

Mrs Rice Waxaa ay sheegtey in 16 tobankaan Malyuun loogu talagaley, Kicinta hawlaha Dawlada Kumeel gaarka ah, halka Qaarka kalena ay sheegtey in loogu talagaley Gargaar dhinaca Cunada ah.

 

11.5 Malyuun ayaa waxaa ay sheegtey Mrs Rice in loosiin doono Soomaaliya Gar gaar Cuno halka 1.5 Malyuuna loosiin doono Caawimo aan Cuno ahayn, waxaana loosiin doona 3.5 Malyuun Taakuleynta Qaxootiga .

 

Mrs Rice waxaa ay sheegtey in ay dadka Soomaalida ah ay oga fa’iideysan doonaan Lacagahan Taakulada ka soo kabasho dhibaatooyinkii haleeley Shacbi weynaha Soomaaliya 16 kii sano ee la soo dhaafey.

Warbixin Qoraal ah oo ay soo saartey Mrs Rice waxaa ay ku sheegtey Dawlada Mareykanka uu soo hagayo ee DFS in ay dadka Soomaaliyeed u tahay Farsad taariikhi ah, waxaana ay taasi ay u tahay fursad sidii loo soo afjari lahaa Daadadkii Qab qabli nimada ahaa iyo qul qulatooyinkii xagjirnimada ahaa iyo Gabood faladii dhinaca Bini’aadantinimada ee dhacayey 16-kii sano ee la soo dhaafey.

 

Mrs Rice waxaa ay usoo marsiisey, Kaaliyaheeda Afrika Mrs Jendayi Frazer, hadalo ku saabsan in wadanka Soomaaliya loo diro Ciidamo nabad ilaalineed ku waas oo ka qeyb qaata hawlaha nabad ilaalinta ee wadanka Soomaaliya, waxaana kale oo ay sheegtey Mrs Rice in wadanka Soomaaliya kooxaha kala gedisan ee qab qablayaasha ah in ay furaan wadahadalo Baahsan taas oo wadanka u sabab ah in xabad joojin ay ka hirgasho.

 

Dhinaca kalena Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibada ee wadanka Mareykanka Mr Sean McCormack ayaa sheegay in Mr Frazer ay la leedahay wadahadalo Madaxweynaha Uganda Yoweri Musevene iyo Ra’iisul wasaaraha wadanka Ethiopia Mr Atto Meles.

 

 

Mr McCormack waxa kale uu sheegay in ay la kulmi doonto Diblomaasiyiin ka socda wadamada Yurub, Afrika iyo Hayd’adaha Caalamiga ah, si li isugu dubarido Mustaqbalka wadanka Soomaaliya.

 

Mr McCormack waxa uu sheegay in qorshaha aysan ugu jirin Mrs Frazer in ay Booqato wadanka Soomaaliya waxaase uu sheegay in ay muqtaqbalka macquul ay tahay in ay ka qeyb qaadato Mrs Frazer Booqasho ay ku imaandoonaan wafuud caalami ah wadanka Soomaaliya.

 

 

Mohamed ALi (Dalka)

Ibnucalixirsi@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Indeed, but thats better than nothing, there is a donor meeting in the works to help with reconstruction and institutional building.

 

This is just the beggining, further highlighting the fact the US supports the TFG government of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this